Hormarka Iyo Waxbarashada(Somali)

Posted by on May 22, 2009 | 9 Comments

Markasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya    ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah  ma ahan  mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay  hormar dhinac maskaxda ah oo ah  runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda.oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah .

Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay  labo qayb  oo waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida      danbaysa..xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashada.. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada.

Arinrta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan sheegnay hormar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha farxada nolosha , qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo . sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 20 ka sano .

Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale  aqoon la’aantu  waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo .  markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo  aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin,. sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn.

Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan dalkan aan ku noolnahay  ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan dalalka geeska Afrika ku yaal  .dad badan ayaa aaminsan in sababta ugu wayn ee ay soomaliya u burburtay ay tahay aqoon dari ku habsatay dadka intiisa badan , waana dood gar ah oo xaqiiqda u dhow marka aad fiirisid taariikhda dalalkii soo maray burburka. Mararka qaar waxaa dhici karta in colaado sokeeye ay si kadis ah dal uga qarxaan , balse aqoon la’aanta ayaa keenaysa in nolosha burburka loo arko in ay tahay wax iska caadi ah oo la iskaga sii jiri karo intii la rabo , waana  sida  haysata dalkeena soomaliya oo ah runti dal aad u qiimo badan marka la fiiriyo qayraadkiisa dabiiciga ah .

Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . qof kasta oo aqoon leh  waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay marwalba  fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed .

Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda ,  kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha . sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu  ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan . fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas . markasta oo ay aqoontu kororto waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro .

Waxbarashadu ayaa ah hanitida kaliya ee ay dhalinyardu dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay , hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka dalka , waana taas sababta markasta dunida looga digo in dhalinyaradu ay aqoon la’aan noqdaan ,balse dhalinyarada soomaaliyeed waxay dhaxleen jahli daran oo sababay in mustaqbalkooda uu mugdi galo.

Aqristaha sharafta leh wuxuu is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari kartto hormarka aynu u baahanahay . sidoo kale hormar dagdag ah malahayga waxaa keeni kara anagoo ubadka iyo dhalinyarada siina fursado ay ku baran karaan cilmiga ay markaas  jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin.

9 comments

  1. Salah Sharif says:

    Waxbarashada waa wadada kaliya ee lagu xaqiijin karo guul, aqoontu waa ifttin, sidaas daraadeed Somaliada waxay ku maahmaahdaa Bar ama Baro!!!

  2. ibraahin axmed saleban gaas says:

    aad iyo aad ayaad umahadsantihiin dadka isku xiqaamay in ayaa dadka somaliyeed ogaysiiyaan inay tahay waxabarashadu mida kaliya aaay ku faadikaraan ama aya ku daminkaraan dhibaatada haysata dalkeena waxabarahao la aan ama ilmi la aan waxay lamitahay guri madoob marka aad iyo aad ayaad umahadsantihiin dhamaantiin walaalayaal

  3. Yaxye says:

    Aqoon la.aan waa iftin la.aan wax barashada waa shey qali ah waxana hela qof nasiib badan run ahaanti aniga waxan ahay qof wax barashada jecel blse nasib umalihi inan wax barto sababta o ah dalka an kunolahay wax barashadisu waa lacag ana mahaysto lacagtas waxana ahay qof dhalan yaro ah marka sidas owged ayan wax ubaran karin blse qofki wax barashda helo haka faideysto by mahadsanidin dhamantin

    • Drs ladan says:

      Aad ayan ugu mahad celineyna dhaman asxabta xilka iska sartay ku dhiri galinta waxbarasha umada somaliyed dad waxa dhisi kara dadkisa dadkisa

  4. Ahmed Aden Dheel says:

    Asalamucalaykum walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin Maadaama ad nagu boorriseen waxbarashada iyo sidii anku gaari lahayn horumar guud iyo mid gaar aahaaneedba ….
    hadana waqtigaan anka dhiibanayo fikradeyda halkanna waa xilli uu dalkeennu ku jiro qaban qaanada doradhada madacweynaha dalkeena halka ay dhamaatay doorashooyinkii baarlamaanada iyo xubnihii kale xildhibaanada qarankeena Soomaaliya.

    Aad ayaan ugu rajo waynahay xamaasada iyo isbedellada kasocda dalka Sanadkan dhexdiisa .
    Insha’Allah waanu kabaxaynaa jahliga ee aan la imaano dadaal dheeraad ah meelwalbe aan joogno.
    mahadsanidiin walaalayaal.

  5. Mohamed muse yussuf says:

    Asc akhayaarta sharafta badan dhamaantiin waan idin salamay salan kadib hadii aan fikradayda kadhiibto barnamijkaan kusaabsan waxbarasha iyo horumarka iyo qeybta aykuleyihiin bulshadeena somaliyeed, runtii waxaan dhihilahaa waxbashadu wa shayga kaliya oo lagugaari karo horumar guud iyo mid gaar ahaaneedba, xiqiiqdii waxa aduunka naga reebay oo xitaa aduunka qaad nagala aqoonsaneey waa jaahilnimada nala dagtay iyo aqoon la,aanta, marka waa usoo jeedinaaya dhalinta somaliyeed inay kudadalaan waxbarasha, ayaad hormar lagugaraaye, intii tahriib iyo qurbo danaay niyada kasaartaaan, mahadsanidin dhaamaan tiin,

  6. Abyan mohamud huseyn says:

    Asc mansha allaha aad baa idinkaga mahad celinaya sida wanagsan ee aad noogu soo ban dhigtaan bar namijyada wax barasha si aan uga faaidesano

  7. Masha allah walalaha qoralkan isku xilqamay ajar allaha idinka siyo adinka dhalintu midkay ku bararugi lahayen allaha ka dhigo aqoon marka laga hadlayo aad ayay u baxad weyn tahay marka qofku midi u fudud ama qaabka ugu fudud ayu doran karaa in u wax ku barto

  8. Marka ugu horeeyso waa in la barto jihliga iyo wuxuu sabab karo
    marka laab waa in labarto aqoonta

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here