Afar Dhagax Dhexdood!

Posted by on Jul 16, 2015 | Leave a Comment

 

1600Four-Stones-5573Waqtigii loogu tala galey in doodaha ay billowdaan waa la dhaafay. Dad ka badan tiradii la filayay ayaa goobta yimid. Waxaa golaha loo fadhiyaa in la dhageysto dood  lagu soo bandhigayo aragtiyaha waayahan danbe laga daba dhacay ee looga waramo sooyaalka iyo siyaasadda casriga ah ee Soomaalida. Rag afmaal ah  oo laga soo kala xuley kooxaha  kala duwan ee isku haysta  fasiraadaha  laga bixiyo taxanaha taariikhda iyo siyaasadda  Soomaalida ayaa madashada lagu martiqaadey si loo dhagaysto waxyaabaha ay bulshada ku  biirin karaan. Nin walba waxaa loo qabtay Saddex daqiiqo iyo Saddex ilbiriqsi si waqtiga loo ilaaliyo. Ciinwaanka doodu waa: danta dadka Soomaaliyeed.

Madasha fagaarahan ka dhacayo waa goob ka yara durugsan tuulada mustaqbalka noqon doonta caasimadda Soomaaliya. Kuraas salka la saaro madasha kama muuqdaan. Inta badan dadka goobta yimid, waxay si qalbi furnaan ah dabada ugu  hayaan dhulka. Waxaa dhanka bari ee madashada ka soo jeeda odayaashii tuulada. Meel aan ka fogeen halka odayaasha ay fadhiyaan, waxaa ka muuqda Xaddiyo  oo waayahan danbe u xuubsiibatay Islaan xusul baruur ah ka dib marki xikmad badan iyo xeeldheeri durugsan  ay ka dhaxashay madax falluuqa Soomaalida. Qadarin iyo maamuus Islaanta loo muujiniyo darteed, waxaa lagu sharfay in fadhi ay ka dhigato gasacad maran oo waa dhexdaas ah  caano boore laga cabay.

Xaddiyo madasha  qaab cago jiid ah ayay ku timid ka dib markii duq  Xandulle oo maalmo ka hor qaab qudbo siro ah isku guursadeen uu ku qalqaaliyay ka soo qayb galka madasha dooda  maanta lagu qabanayo. Oday Xandulle  ujeedo kale oo sir ah ayuu ka lahaa martiqaadka marwadiisa cusub ee duq Xaddiyo.

Habeen dhexdaas ah mar uu Xandulle la haasawayay duq Xaddiyo  ayuu  wuxuu  maqlay ayadoo leh“ kama helo ragga af-garroocyada ah ee hadalka ku mergada ee aan heli karin hadalka miiddiisa. Hadalkaas hoos ka tuurka ah wuxuu oday Xandulle ka qaadday buufis!  Haddaba, wuxuu rabay inuu tuso islaanta isbaarada u dhigatay qalbigiisa,heerka uu ka gaaray codkarnimada waayo Xandulle waxaa maanta loo xilsaaray inuu noqodo xiriiriyaha u dhaxeeya marti sharafta iyo ragga qudbooyinka iyo doodaha ka soo jeedin doona shirka.

“Aan is dhageysano walaalayaal, doodihii  baa inoo bilaabanaya, haddana waxaan u yeeraynaa ninkaas odayga ah ee dhexda fadhiya.” Sidaa waxaa yiri Xandulle oo codkiisa xabeeb iyo is xariifin laga dareemayo.

Odaygii dhexda fadhiyay ayaa soo dhaqaaqay. Muuqaal ahaan waa nin gaaban oo ladnaan gadaal ka gaar ah ay ka muuqato, garka waxaa u marsan cillaan cusub oo laga keenay dalka Cumaan. Wuxuu ku labisan yahay futashaari afar jeeble ah iyo koofiyad barawaani ah. Midabkiisu waa madow la moodo muufo si  xun loo dubay oo kale!  Qudbaddii  uu shirka ugu talo galay wuxuu ku bilaabay hadal sidan ahaa:  Si aad u aqrisid sheekada oo dhan Halkan Riix

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here