BAAHIDA MASKAXDA

Posted by on Jan 12, 2009 | 14 Comments

reading-brain-image1Sida uu qofkasta dareemi karo raashinka iyo biyaha ayaa ah baahida asaasiga ah ee  qofku u baahanyahay noloshiisa, balse dad yar oo aan badneen ayaa fahmi kara baahida ay maskaxdu dareento inta qofku noolyahay. Dhamaan dadka xikmada jecel ayaa isku raacsan haddii  si hagaagsan aan loo daboolin baahida maskaxda in noloshu aysan wax qiimo ah yeelanay. Si la mid ah sida loo koriyo jirka qofka waa in loo barbaariyaa maskaxda baniaadamka. Waxaan ogsoonahay in dadka dunida ku nool ay ku kala hormareen habka nolosha, sababta ugu wayn oo dadku ay u kala hormareen aya lagu tilmaama sida loogu kala duwan yahay koriinshaha maskaxda .

Runtii lama soo koobi karo arimaha badan ee ay maskaxdu u oomantahay, balse maqaalku wuxu si gaar ah u sharixi doona mid ka mid ah baahida ugu daran ee  maskaxdu dareento. Qaabka ugu fudud ee maskaxdu ku  kori karto  waa in ay heshaa xog badan. Hadaba baahida ugu daran ee maskaxda ayaa noqonaysa helida macluumaad badan oo maskaxda u sahasha in ay curiso fikrado badan oo hormarin kara nolosha qofka iyo guud ahaan tan dadka.

Dad badan ayaa aaminsan in waxbarashadu  tahay habka ugu fudud ee lagu dabooli karo baahida maskaxda, balse hadii si kale loo fiiriyo waxbarashadu waxay qofku u sahlaysaa oo kaliya sidii uu ku baran lahaa xirfad uu ku shaqaysto si uu daboolo baahida asaasiga ah ee jirka. Hadaba lama dhihi karo qofkasta oo xirfad bartaa wuxuu ka qaan gaaray maskaxda waayo waxaan maalin kasta aragnaa kuwo badan oo aqoonyahano lagu sheego oo ka garasho liita inanta yare ee waxaraha ku ilaalisa baadiyaha fog ee dalka .

Waxaan soo ogaanay baahida ugu daran ee maskaxda in ay tahay helida xog badan si loo kobciyo garashada qofka , waxaa hadaba mudan in la iswaydiiyo habka ugu fudud oo ay maskaxdu ku heli karto macluumadka ay u baahantahay.

Dhamaan dadka lagu tilmaamo in  maskaxda ka qaan gaareen waxay ka sinaayeen hal dabeecad oo malaha ay ka dhaxleen baahida maskaxdooda. Dabeecadaas ayaa ah in  si waali ah u jecelyihiin wax aqriska, runtii dadka dareema baahida wax aqriska ayaa ah dad fara ku tiris ah marka la fiiriyo dadka Soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Wadamada iyo qaaradaha ay ku noolyihiin dadyowga dareema baahida wax aqriska waxaa ku badan ganacsiga buugaagta, sidoo kale waxaa ku badan rugaha wax lagu aqriyo iyo madbacadaha wax lagu daabaco.

Hadaba waa sidee baahida maskaxda ama baahida wax aqriska marka loo kuur galo sida ay u noolyihiin Soomalida meelkasta oo ay joogaan. Bulshada Soomalida waxay caan ku yihiin in ay ku liitaan wax aqriska taasoo laga dhaxlay ka dib markii baahida maskaxda laga waayay dhaqanka guud ee Soomaalida.   Sidoo kale waxaan caan ku nahay dad jecel in ay aad u raadiyaan war cusub balse habka aan wararka u raadino ayaa ah qaab aad u danbeeya oo badi dadku ay ka hormareen. Tusaale ahaan,  magaca waryaa oo Soomalida looga yaqaan dalalka dariska ayaa ka tarjumaya sida aan nahay dad ku nool hadalka oo jecel in ay marwalba qaab maqal ku raadiyaan wixii cusub.

Inta aynaan ka hadlin faa’idada laga heli karo wax aqriska ayaan waxaan ku dhaqsanaynaa in aan sharaxno siyaabaha ay u dhaqmaan dadka aan ka helin wax aqriska. Marka ugu horaysa qofka ama dadka aan waxba aqrin waxay u dhaqmaan sidii caruurta marka la fiiriyo sida ay u fakaraan iyo waliba sida ay u noolyihiin. Wax aqris la’aanta waxay garashada qofka dhaxalsiisa in uu adoon u noqdo habka ay u fakaraan dad asaga la mid ah. Aqristaha wuxuu ku wareeri karaa waxa aan ula jeedno adoon xaga garashada iyo fakarka ah.

Qofka jaahilka ah lama garan karo sidii uu u dhaqmi lahaa hadii uu wax baran lahaa, waaxana laga yaaba hadii uu helo iftiinka aqoonta in uu ku mami lahaa wax aqriska,balse waxaan ka hadlaynaa dadka wax bartay balse dhaqan ka dhigtay in wax loo sheegay ay iskula dhax wareegan halkii ay wax ka aqrin lahaayen.

Qofba qofka u ka aqris yar yahay waxuu ku jiraa ciriiri xaga fekarka ah, waana taas sababta soomalida meelkasta oo ay joogan ay ugu adagtahay sidii ay ku heli lahaayen fikradii ay ku badbaadin lahaayen dalkooda burbursan mudada labaatanka sano ah.

Soomalida dadkooda wax qora aad looma yaqaano,balse waxaa caan ah dadka meelaha ka wacdiya ama idaacadaha ka gabya, mar hadii aysan jirin baahi wax aqris ma jirayso sabab loo qiimeeyo qof wax qora. Qiimaha waxkasta waxay ku xirantahay baahida loo qabo.

Wax aqriska wuxuu qofka ka dhaxlaa in uu maskaxda xor ka noqdo.  Haddii aad u kuur gashid qaabka aan u fakirno waxaad ogaanaysaa in aan nahay dad aad u colaadiya qofkii isku daya in uu fikrad cusub baadigoobo asagoo daboolaya baahida maskaxda.

 Tusaale ahaan wixii ka danbeeyay waxa aan u naqaano xiligii xornimada oo hada laga joogo mudo 50 sano ah ma aysan dhicin in fikrad cusub oo xal u noqon karta dhibaatada ina haysa la baadi goobo. Sababta kaliya ee ay u suurta gali la’dahay in la helo fikraddii na badbaadin lahayd ayaa ah in aynaan marnaba isku dayin in la barbaaiyo maskaxdii u sahantagi lahayd fikradaha aan u omoonahay.

Buuga ayaa noqday saaxiibka ugu qaalisan noloshan casriga ah, waana saaxiibka kaliya ee kaa haqab tiri kara baahida maskaxda. Sidoo kale buuga aya noqday wehelka ugu fiican marka ay timaado cidlada, hadii aad si wanaagsan u saaxiibtaan buuga waxaa hubanti ah in uu kugu abaal marin doono fikrado noloshaada wax wayn ka badala. Ceebta ugu daran ee soomalida haysata ma ahan oo kaliya in aan nahay dad ku liita wax aqriska, waxaaba laga yaaba in la helo dad badan oo afrikaan ah oo ku liita aqriska , balse ceebta aysan cidna nala wadaagin ayaa ah in aan nahay dadka kaliya ee madaxdooda aysan waxba aqrin.

Mar hadii siyaasiyiinti iyo madaxdii dalka aysan waxba aqrin side loo filan kara  in dalka uu gaaro wax uun hormar ah? Malaha balwada ugu fiican ayaa ah balwada wax aqrinta, waa balwada kaliya ee quudin karta maskaxdeena. Maalmahan waxaa aad u soo shaac baxay balwad halis ah taasoo ah in  si nacasnimo ah aan isku xamano!

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

            sthinktank@gmail.com

14 comments

  1. first i am thanking somali think tank dadkii wax ka geystay

    • shucayb muuse cabdi says:

      marka hore waxan salaamayaa cidii ka qayb qaadatay samaynta website kan aadka u qaaliga ah waana runtii wax loo baahnaa oo waxan idin leeyah ilahay xasanaad badan ha idinka siiyo dhibkan ka taagan wax akhris la’aanta waaka maanta dalkeenii sidaa u yahay markaa waxan idinka codsanayaa bahdiinan website ka somali think tank in aad halkaa asii wadan guubaabinta umadda somaliyed wanad mahadsatihin

  2. Abdirazaq says:

    ASC,
    masha allah, kheyr walal ilaahay ha kaa siiyo wax badan ayaan ka faa’idaystay,beceus ayaan kugu mahad celinayaa. insha allah mustaqbalka in aan dalkii keeni hooyo library-yo aad u waaweeen ka furo ayaan ku fekerayaa inoo soo ducee.

    Abdirizak Hassan,

    Asc.

  3. aniga says:

    mahadsanadiin waa fikir fiican waxaadna kahadasheen arin fiican maashaa alaah

  4. mas'ud ozil says:

    marka hore waxaan idinkusalaaamayaa salaaanta islaamka taaso ah asc marka xigta waxaaan sigaaar ahaaan usalaamayaa dadka sabab u ah inaaay aaas aaasaaaan web kan walaaalaayaaaan waaad kumahadsan tihiiiiin madaaamo aaadbulshadeeena sooomaaaliyeeeed aaadkubaraaarijineeysiiin wax aqrista runtiiina waa wax aaadlooogu farxoo thanks

  5. luul says:

    asc aad iyo aad yaa umahadsan tihiin bahda webka wallahi arrintaan aad ayaan ugu farxay waana arinta naga maqan hadaa nahay somalida inteeda badan walalayaal hadaanahay somali waa inaan kafaa’iidaysanaa arintaa oo maskaxdeena dhisnaa insha allah wanjeclahay inaan buuga saxibkadhigto waana horumar aad baana idinkugu mahad celinayaa alle kasokow marlabaad iyo mar sadaxaadba asc

  6. tabliqi says:

    aad ayaa uga faa iideystay walaaha soomaaliyeedow aad ayaa idiinkugu mahad cilinayaa walaalaha ilaahey ha idiin kordhiyo cilmigiina maskaxdiina laahey ha idiin caafiyo

  7. A s c s/kadib aad ayaad umahadsan tihin diyaarishaasha barnaamijkaan wanaag badan ilahey waxan idinkaga rajeynaa in uu idinka abaal mariyo fikirkina macaan maasha allah

  8. jaan says:

    bulshada dhamaan ma sinna because aqoonti ayaba lala dagaalamaya dad na waxe ka fikirayan wax aqris all somali come on education

  9. Mask says:

    Asc marka koobaab illahey ayaa mahadleh marka labaad waxaan umahad naqayaa bahda diyaariyey qoraalka aad ayaad u mahad santihiin sida hagar la,aanta ah ee aad walalahiin ugu faa,iideynaysaan illahey anagana ha naga dhigo kuwiii ka faa,iideysta fuursadan dahabiga ah wsc walayaal

  10. ruun says:

    salaamu calaaykum waa fikrad aad u fiican runtii laakiin ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu ina hadeeyo soomalidu haduu qof caaqil ah oo fikradan oo kale wax ka qora ama fikrado kala keena laguma shajinayo waayo dad aad caalamka uga dambeeya ayaynu nahay akhriska buugaguna aad ayay u yihiin muhiim kobcinta maskaxda qofka bani aadamka khayra jaliiska aad iyo aad qofka baahi kasaari karaa waa quraanka ilaahay khayr al jaliis ilaahay tubta toosan hayna mariyo aamiin mahadsanid.

  11. Ali mohamed says:

    sidee loodadaa wekaraa maskaxda bini aadanka

  12. ahmed adam says:

    ASC
    I’m very fascinated the physiology of human Brain, found very intrigue how different part of the brain function as one unit to perform incredible result. Although the above article didn’t dedicate the of field of human brain ,like neurology ,biology ,psychology ,anatomy or other important fields of human brain, but it touched upon very crucial point of educating the mind and important aspect of having resources that will benefit people who are so dependent others to inform things that matter their life . I definitely agreed the writer that we need books to feed our brain in order enrich our knowledge. Throughout my observation, I learned that we have lack of people who are trained or schooled important fields that i think would have solved Somali issues which remain unsolved. In my opinion , we need doctors ,educators who are specialized different field of the human brain ,because great number of Somalis who are suffering psychological ,neurological disorders ,however , don’t have the resources and doctors to help them . Not only this field can help those who are experiencing mental disorders, it can also benefit who ordinary folks for education wise. Like i mentioned the beginning of my comment, I’m very interested to learn new things about the brain .Whether it’s functionality or anatomy , I found very fascinating throughout my study .Sometimes when i try to explain Somalis how neurons or different part of brain communicate each other , they think I’m insane and then it made me wonder how those who are mentally psychotic or retarded go through their daily basis in Somalia since we are not open to educate one another things that can have positive impact in our life . I hope we will see young people to major fields that i mentioned in my writing. When I came across this website, i was Googling any resources dedicated the brain and I found this article. i was one of the people writer mention in his/her writing cannot properly write Somali therefore I Apologize for writing English to respond the article .

  13. Canab Cabdi Malgaash says:

    aad baad ugu mahadsan tahay ku dhiirigelinta wax akhrinta waana fikrad aan kula qabo markii aan wax akhriyena arkay faa’iidadeeda haddana aan isku dayey inaan wax qoro, waxaana qore 3 maqaal kii afraadna gacanta ayaan ku hayaa, awal wax qor iyo feker midna maskaxda kuma hayn taasi waxay ku tusaysaa maadaama ay maskaxdii heshay nafaqo wax akhris inay hawl bilawday. maanshaa allah mahadsanid

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here