Is Bar-Bardhig : Diinta iyo Shaqsiyadda Qofka

Posted by on Jan 04, 2014 | Leave a Comment

Dadka waxaa si guud loogu sheegay  muhiimadda iyo  doorka  ay diintu ku leedahay  abaabulka iyo ababinta shaqsiyadda hoose ee qofka. Inta badan waxaan la isku raacsanyahay in barashada iyo ku dhaqanka diintu tahay sida kaliya ee lagu soo saari karo dad ama bulsho ay dadnimadooda iyo shaqsiyadooda hoose ay dhisan tahay. Dhan kale waxaa jirta aragti diinta cuskan oo ku doodaysa in  samayska shaqsiyadda iyo dunta hoose ee qofka ay halbeeg u tahay hadba sida uu qofka u  fahmo ama ugu dhaqmo diinta. Qoraalkan kooban wuxuu si cilmiyaysan u soo gudbin doonaa doodda ah in  fahamka diinta magan u tahay samayska dunta hoose ee shaqsiyadda  iyo damiirka qofka. Aragtidan waxaa ku kaabi doonaa tusaaleyaal badan oo laga soo dheegtay  muuqaalka ay diinta qiimaha badan ee Islaamka ku dhex yeelatay bulshada Soomaaliyeed wixii ka danbeeyay bur-burkii qarannimada.

Mar haddii  doodda aan soo  gudbinayno ay tahay mid diinta ku saabsan,  waxaa fiican in aan ka dhul-bilowno daliil diinta  cuskan si aan toobiyaha u saarno dhabaha uu qoraalka ku aroori doono. Waxaa jira xadiis caan ah  oo laga soo wariyay  Nabi Muxamed NNKH. Suubanaha  wuxuu noo sheegay, muslimiinta  waxaa ugu  akhiyaarsan oo ugu macquulsan qofkii akhiyaar ahaa xilligii aysan diintu soo dagin ka hor oo  dadku ay juhalada ahaayeen.  Si aan uga faa’idaysanno xikmadda qiimaha badan ee xadiiskan ku duugan waxaa fiican in aan guda galno tusaalayaal cilmi ah. Cilmiga casriga  ah ee cilmu-nafsiga ayaa wuxuu soo bandhigay xaqiiqooyin yaab leh oo ku saabsan samayska  dunta hoose ee shaqsiyada qofka. Cilmi baaris dheer ka dib waxaa la ogaadey in ay jiraan boqolaal nooc oo ay u kala baxaan sameyska dunta hoose ee shaqsiyadda qofka. Waa cilmi bad ah oo u baahan in si dagan loo dhex-dabaasho, balse waxaan ku kaaftoomaynaa qayb kooban oo  si weyn u ifinaysa xikmadda qiimaha badan ee Nabi Muxamed la wadaagay muslimiinta afar iyo toban qarni ka hor.

Baaritaan dheer ka dib, culimada nafsiga iyo kuwa cilmiga-bulshada waxay ogaadeen in shaqsiyadda qofka ay ku xirantahay barbaarintiisi hore, gaar ahaan sida qofka loo soo barbariyay shanta  sano ee noloshiisa ugu horraysay. Dhanka cilmu nafsiga, ninkii ugu horreeyay ee ku baraarugay  xaqiiqadan waxa magaciisa la dhihi jiray Sigmund Freud. Sida uu mudane Freud ku doodayo, shanto sano ee ugu horraysa noloshaada waxaa samaysmaya dunta hoose ee isku xiri doonta  nooca qofeed ee aad noqonaysid inta noloshaada ka dhiman. Tusaale ahaan, haddii  nasiibku kuugu dhaco waalid   ku daryeela oo si habsami leh kuu xanaaneeya shanta sano ee ugu horraysa noloshaada, waxaa laga yaabaa in aad yeelatid shaqsiyad ku tilmaaman isku kalsoonaan iyo deganaan nafsiyadeed oo kuu sahlaysa in aad si geesinnimo leh u maaraysid arrimaha isku murugsan ee mustaqbalka la soo darsa noloshaada. Dhanka kale waxaa jirta aragti kale oo cuskan cilmi- nafsifa oo ku doodaysa in nooca shaqsiyadeed ee qof ahaan aad yeelan doontid ay ku xirantahay deegaanka iyo bulshada aad sanadihii ugu horreeyay noloshaada ku soo qaadatay. Dabciga iyo dadnimada aad ka dhaxashid deegaanka aad ku barbaartay ayaa hagi doona hab-dhaqankaada iyo sida aad u fakertid mustaqabalka. Tusaale haddii waayahaagii hore ee noloshe aad ku soo qaadatay dhul  oomane ah oo deegaan fog biyaha looga soo dhaamiyo, waxaa laga yaaba in mustaqbalka  aad yeelatid shaqsiyad  aan dabacsanayn oo go’aano qallafsan ka gaara duruufaha nolosha ku xeeran.

Sida uu nabi muxamed NNKH noo sheegay, qofkii dabacsanaa ama naxariis badnaa xilligii Islaamka ka hor, ayaa noqday qofka ugu dabacsan uguna naxariista badan waqtigii uu islaamka cusbaa. Xadiiska nabiga iyo xaqiiqooyinka cilmiga ah waxay tilmaamayaan in qof walba fahamka iyo ku dhaqanka diinta ula  soo shirtago muuqaalka qarsoon ee shaqsiyaddiisa. Maqaalka wuxuu ku saabsanaa xiriirka ka dhaxeeya shaqsiyadda qofka iyo diinta. Si aan u muujinno xiriirkan waxaan ku qasbannahay in aan adeegsanno tusaalayaal badan oo ku saabsan xiriirkan si  aan u xoojinno aragtidan cilmiyaysan. Burburkii dalka ka dib waxaa lagu baraarugay koox diimeedyo kala duwan oo siyaabo kala jaan ah u fasiray diinta Islaamka oo ay Soomaalidu ku soo dhaqmayeen qarniyaal badan. Dadka  wax ka bartay noocyada kala duwan ee  shaqsiyadeed ee sida cilmiga ah lagu ogaaday, waxay si fudud ku   fahmi karaan in hal qaab oo diinta loo fasiro ay yeelan karto muuqaallo kala duwan. marka la eego deegaannada kala fog iyo shaqsiyaadka kala duwan ee qaab fasirkaas taageera ama ku qanacsan. Tusaale ahaan, faraqa u dhaxeeya suufiyada difaaca kaga jira gobolka  Gal-gaduud  ee Soomaaliya iyo Suufiyada ku dhuumaaleysta gobolada dhoobayda ah ayaa ku ogaan karnaa xaqiiqadan cilmiga ah.

Waxaad arkeysaa in Suufinnimada oo ka mid noocyada kala duwan ee Rabi loogu dhawaado in ay yeelatay muuqaallo kala midab ah  marka la eego kala duwanaanshaha deegaannnada iyo shaqsiyaadka taageera aragtida suufinnimada. Ragga la magac baxay “ Ahlu Sunna Wal Jamaaca “ ee gobolada dhexe waxay qabaan in dhiig lagu fara xasho si dhulka barakeysan ee Soomaaliya  looga sifeeyo argagixisada. In sidaad suufinnimada looga fasiro gobollada dhexe waxay muujinaysaa xiriirka ka dhaxayn kara nooca shaqsiyada qofka iyo fahamka fariinta ay diinta gudbineyso. Daruufaha ka jira deegaannada gobolada dhexe  oo ah kuwo qallafasn ayaa  sahlaya in   suufiyada halkaas joogta si fudud caalamka ugu abaabulo dagaal  diimaysan. Dhanka kale Suufiyada joogta  dhulka dhoobayda ah uma fududa in ay  diinta  u fahmaan dagaal joogto ah oo aan dhamaad lahayn. Ragga canbuulada iyo bunka ku cuna tuulada Baladul-Kariim (magaaladii  uu ku duugnaa Shiik Nuur allaha u naxariistee) uma fududa in ay jihaad galaan waayo qaabkii ay u soo barbaareen ayaa ah qaab ka hormarsan kana  ilbaxsan habka loo soo barbaariyay suufiyada gobolada dhexe.

Dadka ku dhex barbaara musuq-maasuqa iyo boobka hantida dadweynaha  waxay u badan tahay in  ay ku biiraan kooxaha  diinta ka dhigta  wado ay u maraan xukunka dalka. Burburkii dalka ka dib, dadka wax garadka ah waxay la yaabeen sida fudud ee askartii loo yaqiin koofiyo- castii Siyaad Barre ugu biireen urur weynihii Itixaad al -Islaami ee  Soomaaliya kaga dhawaaqay jihaadka ilaa hadda socda. Burburkii dawaladnimada  ka dib, askartii kacaanka gaar ahaan ciidankii guulwadayaasha, waxaa aad u soo jiitay qaabka ay diinta u fasireen raggii aragtida wahaabiyda dalka u soo dhoofiyay. Rag badan oo kacaanka ilaah u ahaa ayaa wahaabiyada isku dhiibay ayagoo sheeganaya in hadda hanuuneen.Halkan waxaan ka arki karnaa  sida ay isku saameeyaan habka qofka u soo barbaaro iyo kooxaha uu mustaqbalka ku biiri doono. Mar aan u kuur gulay xubno ka tirsan koox diimeedka loo yaqaan  Takfiirka, waxaan ogaaday in xubnahaas ay u badnaayeen rag iyo dumar  caasul waalidiin ah ka dib markii ay waa hore ka soo dhuunteen waalidkii dhalay . Si fudud waxaan ku ogaan karnaa  in aysan la yaab lahayn in qof labadii dhashay aan ka warqabin geeri iyo nolol in uu gaalaysiiyo umad muslimiin soo ahayd waqti dheer. Qof waalidkii  u naxariisan waayay way ku adagtahay in uu faham dabacsan oo naxariis cuskan in uu ka dhex helo diinta barakeysan ee islaamka . Ragga ku gaamurey xerownimada ee jecel in ay si deg-deg ah u ilbaxaan si ay uga wardoonaan baashaalka nolosha  waxaa soo jiita qaabka ay diinta u fasiraan kooxo diimeedyada  ilbaxda iska dhiga sida ururka Islaax iyo midka hadda lagu  xanto in uu si dadban dalka u xukumo  ee  loo yaqaan Damul-Jadiid.  Tusaalayashaan aan soo taxnay waxay naga caawinayaan ogaanshaha  deegannada dadka ku noolyihiin iyo barbaarintii hore ee qofka in ay halbeeg u tahay boqolaalka nooc ee diinta loo fasiro.

Haddii aad u kuur gashid dadka aad sida gaarka ah u taqaanid, waxaa ku soo baxaya xiriirka ka dhaxeeya sida qofka u fahmo diinta iyo shaqsiyadda qofkaas. Intii aan wadanka ka soo tagin, waxaan lahaa  saaxiib  qaali ah oo aad u qalbi wanaagsan. Wuxuu ahaa nin jecel in uu mar walba safro oo hadba deegaan cusub soo booqdo. Socod jaceylkii saaxiibkay waxay sababtay  in uu ku qanco sida ay diinta u fasiraan kooxda loo yaqaan  “Jamacaatul Tabliiq”  oo ah koox  had iyo jeer ku jira safar aan joogsi lahayn. Lama qiyaasi karo farxada uu saaxiibkey ka heli jiray in la guureeyo oo hadba magaalo cusub la tago ka dibna lagu gaaf wareego reero islaameed guryahooda. Sidoo kale waxaan aqaan niman aan dood wadaag nahay oo ka hela in dumarka la cadaadiyo. Waxay goorwalba iksu mashquuliyaan in ay daliil diinta cuskan u raadiyaan  ciilka ay dumarka uu qabaan. Carada ay ragaas dumarka u qabaan waxay gaarsiisan tahay heer ay aamineen in ay diintu banaysay in xaaska loo galmoon karo waqtiga foosha. Raggan haddii ay si maskax furnaan ah siirada Nabiga NNKH u baran lahaayeen waxay ka dawoobi lahaayen xumaanta ay xaawalayda u qabaan. Qofki barashada  siirada nabiga u kaalmaysta shaqsiyad caafimaad qabta, wuxuu  ogaanayaa  qofkii ugu horreeyay ee Islaamka ku taageera dhaqaale, talo iyo waliba niyad dhis in ay a tahay Hooyadii muslimiinta “Khadiija” rabbi ha ka raaali noqdo.

Su’aasha aan badanaa is weydiin jiray waxay tahay, burburkii ka dib, maxaa  loo arki waayay fanaaniin badan oo ku biira kooxo diimeedyada ka jira Soomaaliya. Waxaan ka murgi jiray in hanuunka iyo baraaruga ka bilowday wadanka ay ka qadeen raga iyo dumarka jecel in ay heesaan si bulshadu u dareento farxad. Ogaanshaha sida ay iskula falgalaan ku dhaqmida diinta iyo dunta hoose ee qofka ayaan kaga qancay murugadaas.  Waxaan ogaaday in jaceylka  fanka iyo suugaanta  qalbigaada  ku abuuro naxariis guud oo loo qaado dhamaan noolaha iyo nolosha. Haddaba way adagtahay in shaqsiyadda hoose ee  qof hoobal ah ku qanacdo koox diimeed carabaha laga maalgaliyo. Waxaa laga yaabaa in la arki lahaa fanaaniin badan oo wadaado ah haddi ay jiri  lahaayeen  koox diimeed dadka xasuusiya  kuna baraarujiya  bandhig faneedka lagu qaban doono Jannada si muslimiinta  looga abaal mariyo dadaalkii iyo adkeysigii ay muujiyeen intii aduunka la joogay.

Muddo aad u dheer ayay nagu qaadatay  aniga iyo rag aan saaxiibo nahay in aan helno sheikh Soomaali ah oo si dagan oo la fahmi karo quraanka u fasira. Waxaan xasuustaa inta jeer ee aan iskaga huleelnay tafsiir socda ka dib markii aan dareenay argagax iyo  cabsi xoog leh. Inta badan ragga Quraanka ku fasira Af- Soomaaliga waxay u badan yihiin rag culumo ah oo noloshoodii hore ku soo qaatay nolosha adag  ee miyiga. Waxaa laga yaabaa in cabsidii iyo argagixii ay dareemi jireen caruurnimadoodii ay si dadban u saamaysay habka ay quraanka u fasiraan. Qaar badan ayaaba xanaaq iyo xabeeb codkooda laga dareema marka ay tarjumayaan hadaladda Eebe weyne u soo dajiyay in  dadka ku xasilaan. Nasiib wanaag, aniga oo Nairobi qaxooti ku ah ayaan waxaan si kadis ula kulmay tafsiirka Shiikh Maxamed Macallin oo lagu dhageysano mowlac aan ku tukan jiray. Markiiba waxaa I soo jiitay xasiloonida aan innaba caadiga ahayn ee laga dareemi karo hadalka Shiikh Maxamed Macalin. Halkaas waxaa iiga bilowday safar dheer oo ah in quraanka markale aan si dagan oo xasiloon u barto. Shiikha wuxuu hibo iyo hoodo u lahaa in uu hanto qalbiga iyo maskaxda qof walba oo fakaraya. Raggii aan asxaabta ahayn ayaan ku wargaliyay in  tafsiirka Shiikh Maxamed Macalin laga wardoono. Waa danbe waxaan ogaadey  sababta  ka danbaysa anagoo  ciyaalka xaafadda ah in aan ka helno tafsiirka sheikh Maxamed Macalin. Sababtu waxay tahay in Shiikha uu noloshiisii caruurnimada uu  ku soo qaatey gobollada Baay iyo Bakool oo ah dhul barwaaqo ah oo caruurta ku barbaarta ay u badantahay in ay nasiibsadaan shaqsiyad xasiloon oo si miyir qab ah ku barata Quraanka Eebe weyne.

Qoraalkan dheer waxaan ku soo ogaannay in shaqsiyada qofka  ay saamayn ku leedahay qaabka uu u dhaqmo ama u fakaro gaar ahaan sida uu fahmo fariinta ay diinta gudbinayso. Dunta hoose iyo dadnimada qofka ayaa qaabaysa sida uu ula falgalo ama u dhaqan galiyo aragti walba oo qofku ka aamino nolosha. Waxaan ogaanney in sameyska iyo dhismaha dunta hoose ee shaqsiyada qofka ay ku xirantahay sida ay  labada waalid u soo  barbaariyaan ubadka  iyo daruufaha ka jira deegaanka.Diinta oo ah  fariin aan is badalayn illaa qiyaamaha laga gaarayo waxay magan u tahay  nooca shaqsiyadda fasiraysa. Haddii la rabo in Soomaalida ay diinta si fiican u fahmaan, waxaa lagama maar maan ah in caruurta si fiican loo  barbaariyo si mustaqbalka loo helo culumo dagan oo fariinta diinta si xasiloon dadka ugu gudbiya. Mustaqbalka Soomaaliya waxaa ku gadaaman daruur mugdi ah marka la fiiriyo qaabka liita ee Soomaalida  isku guursadaan ka dibna caruurta u dayacaan. Haddii aan daruufaha qallafsan  ee deegannada wadanka ka jira  iyo  habka ubadka  loo barbaariyo waxba laga badalin, waxaa hubanti in jiilasha iyo faca soo socda dhaxli doonaan  wadaado iyo culumo shacabka laaya ayagoo akhrinaya aayado ka mid ah quraanka kariimka ah.

W/Q: Cabdullahi M. Cawsey

Somali Think Tank

Email: sthinktank@gmail.com

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here