Cilmaaniyiinta Cusub Iyo Cabsida Caruurta!

Posted by on Jan 29, 2017 | Leave a Comment

  Bishan sii dhamaanaysa waxaan aqriyay qoraal ku saabsan taariikhda iyo sababaha cilmiyaysan ee dabada ka riixaya baqdinta aan caqliga cuskanayn ee reer Galbeedka iyo cilmaaniyiinta cusub ka qabaan Islaamka ” Islamphopia.” Qoraalkan waxaa loogu tala galay dadka jecel in aqoonta-qallalan “Academia” kala soo dhex baxaan qodobo cilmiyaysan oo sharraxaya siyaabaha kala gedisan ee Aadanaha isku... 

Why fight for Jerusalem?

Posted by on Oct 29, 2015 | Leave a Comment

  By Abdi Rahman M. Jibril. If only they had stood fast by the Law, revelation that was sent to them from their Lord, they would have enjoyed happiness from every side, there is from among them a party on right course, but many on them follow a course that is evil.” Koran verse 69, Al-Ma’idah. In the Middle East conflict we are harvesting what we had been planted for long time. The fruits of hatred and the hostility... 

Xalka Falsafadaysan ee Xanaaqa!

Posted by on Aug 15, 2015 | Leave a Comment

Xanaaqa oo ah dareen ku abuuran noole badan ayaa mararka qaar horseeda dhibaatooyin dhaxal xumo reeba. Dadka  uu xanaaqa dhaxalsiiyay dhibaatooyinka  aan dhamaadka  lahayd waxaa ka mid ah Soomaalida oo si dirqi ah ugu nool dacalada aduunka. Dood badan kama taagna in qofka Soomaaliga ah marka lagu daro adiga aqristaha ah iyo anigaba in xanaaqa noo yahay dareen dabiici ah oo  nolosha aan ku maareyno. Maalintii aan garaadsaday... 

Saadaashii Faylasuuf Suuleey!

Posted by on Mar 08, 2015 | Leave a Comment

Waqti dhexdaas ah waxaan aqristayaasha la wadaagey casharo falsafadaysan oo aan ka bowsaday oday Falasafadda ku falnaa oo  yaraantaydii qaab kadis ah aan ula kulmay. Duruustii uu bixin jiray  Faylasuuf Suuley waxay u badnaayeen doodo ku aaddan: nolosha, dhimashada, nacasnimda,  qabyaaladda, cirweynida, qarannimada, diinta , suugaanta, qayilaadda iyo waliba qaababka ugu fiican ee duqeyda ula heeshiin karaan gabdhaha... 

Death penalty for apostasy not justifiable in Islam: Somali scholar

Posted by on Oct 29, 2014 | Leave a Comment

Somali author Abdisaid Abdi Ismail has come under intense scrutiny after publishing a Somali language book titled “The Rule of Apostasy in Islam: Is it True?” in which he argues that there is no religious justification for killing people for apostasy. The book sparked mixed reactions among the Somali community in Kenya and Somalia following its launch in Nairobi on September 14th. After some clerics called... 

Ceebaha Caqliga

Posted by on Jun 25, 2014 | Leave a Comment

  Muddo laga joogo shan sanno,  waxaan aqristayaasha WardheerNews la wadaagay maqaal aad u faafey oo la magac baxay Naxariista Caqliga. Waqtigaas aan qorayay maqaalkaa waxaan la mid ahaa mucaashaq jaceyl barad ah oo  ku ashqaraaray quruxda,  wanaagga  iyo hufnaanta gabar ay isku cusub yihiin  oo kale, marka la fiiriyo sidii aan ula dhacay cududda iyo cuddoonida uu caqligu u leeyahay nolosha aadanaha. Waxaan... 

Fannaaniinta Aakhiro!

Posted by on Jun 14, 2014 | Leave a Comment

Waxa dhici doona aakhiro iyo sida xaal noqon doono waxaa laga sheegay sheekooyin badan oo siyaabo kala duwan loo qaada dhigay. Bulsho walba iyo dhaqan kasta waxa lagu hal-abuuray sheekooyin yaab leh oo ka warramaya nolosha danbe wanaag iyo xumaan wixii la mudan doono. Qof walba dhanka uu jecelyahay ayuu sheekadaas ka galey. Qofkii ciil iyo cuqdad qabey wuxuu ku carro baabey sheekooyinka sharraxaya  sida cadowgiisa ... 

Suuleey: Faylasuufkii la Toogtay!

Posted by on May 02, 2014 | Leave a Comment

Waqti ka mid ah yaraanteydii waxaan qaxooti ku aha magaalada Kismaayo oo ah magaalo barakeysan marna si u bahdilan.Waqtigaas magaalada- Kismaayo, waxaa ku soo qaxay dad badan oo laga soo barakiciyay caasimadii hore ee Soomaaliya- Muqdisho. Intii aan Kismaayo ku sugnaa ayaan  si kadis ah waxaan ula kulmay nin faylasuuf ahaa oo xog iyo xikmad  badan ka hayay arrimo badan oo xiiso lahaa markaas. Qoraalkan kooban, waxaan... 

Qadarta Ilaahay iyo Qorshaynta Nolosha

Posted by on Mar 09, 2014 | 1 Comment

Waqti kasta waxaa suuqa haysta erayo gaar ah oo ka tarjumaya muuqalka nolosha ee markaas muuqda. Labaatankii sano ee bur-burka lagu jiray, erayada aadka loo adeegsaday waxaa ka mid ah “ Qadarta Ilaahay.” Waxaa dhaqan iyo nolol maalmeed laga dhigtay in calaacal-kasta lagu soo bilaabo  hadal sidan ah” Ilaah baa mahadsan, qadartiisa ayaa ku qanacsannahay.” Hadalka intaas  kuma ekaado, ee waxaa la sii guda galaa ... 

Is Bar-Bardhig : Diinta iyo Shaqsiyadda Qofka

Posted by on Jan 04, 2014 | Leave a Comment

Dadka waxaa si guud loogu sheegay  muhiimadda iyo  doorka  ay diintu ku leedahay  abaabulka iyo ababinta shaqsiyadda hoose ee qofka. Inta badan waxaan la isku raacsanyahay in barashada iyo ku dhaqanka diintu tahay sida kaliya ee lagu soo saari karo dad ama bulsho ay dadnimadooda iyo shaqsiyadooda hoose ay dhisan tahay. Dhan kale waxaa jirta aragti diinta cuskan oo ku doodaysa in  samayska shaqsiyadda iyo dunta hoose... 
Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here