Ciyaaraha, Colaadaha iyo Caafimaadka

Posted by on Nov 09, 2015 | 1 Comment

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

unconscious-mindSida ay ku doodaan culimada nafsiga, caqliga hurda  ” unconscious mind”  ee qof walba  waxaa ku dhuumanaya  labo awoodood  oo lid isku ah kuwaas oo daaha shishadiisa ka amraya  caqliga  soo jeeda ” conscious mind.”Inta badan amarada iska soo horjeeda ee awoodahaas ku dhuumanaya caqliga hurda waxay jahawareer ku abuuraan shaqada loo igmaday caqliga soo jeeda oo ah in loo  sahan tago sidii lagu furdaamin lahaa  geediga nolosha.

Sida cilmi baarisyo badan lagu cadeeyay awoodaha lidka isku  ah ee  caqliga hurda  ama qarsoon ku dhuumanaya waxay  ka dhiganyihiin  boqolkiiba sagaashan iyo shan, halka awooda  caqliga soo jeeda lagu sheegay boqolkiiba shan.

Tusaale ahaan, caqliga hurda wuxuu si qarsoon u maareeyaa dhamaan shaqooyinka muhiimka ah ee xubnaha uur-ku jirka ah sida wadnaha, beerka, sambabka si ay uga soo dhalaalaan xilalka loo xilsaaray ee kala ah: neefsashada, dheefshiidka, iyo maaraynta dhiiga iyo waliba dheecanada kalada duwan ee jirka.

Sidaa daraadeed  nolosha qof walba waxaa si qarsoodi ah u haga caqliga qarsoon! Hadaba waxaa muhiim ah in lagu baraarugo awoodaha lidka isku ah ee ku dhuumanaya caqliga hurda si loo ogaado is diidka ka muuqda fariimaha soo gaaraya caqliga soo jeeda.

Awooda koowaad ee ku dhuumanaysa caqliga hurda waa mid ku jihaysan jaceyl iyo baashaal  qofka ku qasbaya inuu ka qayb qaato nolosha asagoo niyad wanaag u muujinaya dhamaan noolaha kale. Awooda labaad ee la sheegay in ay isku qarinayso caqliga qarsoon ayaa ah mid faro-baxsi ugu jirta burburinta iyo dhibaataynta nolosha iyo dhamaan noolaha kale.

Aragtidan cilmiyaysan ee ku aadan awoodaha ku dhuumaalaysanaya caqliga hurda “ unconscious”  waxaa soo shaac bixiyay caalimkii weynyaa ee cilmi nafsiga mudane Frued,asaga oo  awooda jaceylka iyo baashaalka  ku jihaysan ugu magac daray “Eros” halka awooda u taagan burburinta ugu yeeray “Thanatos”.

Aragtida mudane Frued waxaa lagala horyimid doodo laga soo dheegtay  dhaqmada kala duwan ee dadka kuwaas oo ku baaqaya in aysan jirin awoodo ku dhuumaalaysanaya caqliyada hoose ee  dadka, balse dhibaatadu ay tahay lagdan ka dhaxeeya xaq, iyo baadil, shar iyo kheyr,  shaydaan iyo shariif,  shiikh iyo shaxaari, iyo waliba jaceyl iyo naceyb. Inkastoo doodahan ay dadaaleen, hadana cadeymo cilmi ah oo culimada nafsiga lagu qancin karo lama aysan soo shirtagin.

Sidaa daraadeed cilmi nafsigu wuxuu ku qancay in labada awoodood ee kor aan ku soo xusnay ka dhiganyihiin mataano mucaarad isku ah kuwaas oo si dabiici ah ugu dhuumanaya dhimirka dadka, qof walbana laga doonayo karti u gaar ah oo uu  kula gorgortami karo  amarada iyo fariimaha is diidan ee  daqiiqad walba caqliga hurda u soo dirayo caqliga soo jeeda.

Dhanka kale mudane  Frued wuxuu ku dooday  dhamaan quruxda iyo foolxumada nolosha waxaa u sabab ah guusha iyo guuldarada laga gaaro sidii la iskugu dheeli-tiri lahaa awoodahaas ku  dhex dhuumanaya dhimirka qof walba oo bani’aadam ah.

Hadaba su’aashu waxay tahay sidee ugu haboon ee caqliga soo jeeda  “conscious mind” ula gorgortami karaa amarada is diidan ee ka imaanaya awoodaha ku dhex dhuumanaya  caqliga hurda “unconscious mind”? Haddii caqliga soo jeeda ku fashilmo la gorgortanka iyo maaraynta amarada ka imaanaya caqliga hurda, cawaaqib xumo noocee ayuu qofku la kulmi karaa?

Marka hore awooda koowaad ee  ku jihaysan jaceylka iyo baashaalka ” Eros” badanaa   dheef mooyee dhibaato lagalama kulmo waayo qofku wuxuu ka dhaxlaa farxad iyo firfircooni ku bixisa inuu nolosha si fiican uga qayb qaato. Dhibaatadu waxay dhacdaa marka dhaqamada isbaaro u dhigtaan fariimaha baashaalka ah ee laga soo dirayo caqliga hurda si caqliga soo jeeda ugu howl galo qaabkii looga dhabayn lahaa jaceylka iyo baashaalka.

Tusaale ahaan dhaqamadu waxay dhaleecayn ama ceebayn kala dul dhacaan   damaca iyo jaceylka la soo amray caqliga soo jeeda ee qofka ayagoo markaas danbi dusha uga tuura qofka oo ah miskiin ku faraxsan amarada jaceylka ah ee  ka imaanaya caqliga hurda.

Hadaba xalka ugu haboon ee dhaqamadu la gudboon ayaa ah sida  mudane Freud ku sheegay  buugiisa caanka ah ee  (Civilization and its Discontents)  in qof walba lagu  dhiira galiyo  sidii uu  guul uga  gaari lahaa fariimaha iskugu jira jeceylka iyo baashaalka ee qofka laga soo amray dhanka awooda ku dhuumaalaysanaysa caqliga hurda.

Tusaale ahaan haddi igaar qooqan uu dhunkasho ula dhaqaaqo  gashaanti ay sheeko iyo shukaansi ku heeshiiyeen, waa inaan lamala- waalin ama la malayn sheydaan sadaxeeya ah basle lagu baraarugaa fariimaha ka imaanaya awooda “Eros” ee ku dhuumanaysa  caqliga hurda ee igaarka qooqan  taas oo doonaysa in ay ka bogsato damac cuskan damqasho jaceyl!

Haddii aysan dhaqamadu si buuxda u dhiira galin karin  fariimaha ka imaanaya awooda ku baaqaysa jaceylka iyo baashaalka ee Eros, ugu yaraan waa in aysan qofka ku dhibaatayn waxyaabaha uu  jacelyahay, hiwaayadaha u gaarka ah iyo  waliba balwadaha uu la dhuunto.

Dhanka kale, dhaqamadu waa in ay dhigtaan shuruuc iyo qawaaniin qofka ku qasbaysa inuu  xakameeyo fariimaha ka imaanaya awooda ku jihaysan burburinta iyo dhimashada ” Thanatos”   ee ku dhuumanaysa caqliga hoose ee qof walba. Sharciyadaas waa in ay noqdaan kuwo u diyaar in marwalba la badali karo, lana hormarin karo si guul looga gaaro gorgortanka lala galayo fariimaha darandooriga ah ee ka soo faniinaya  awooda  ku jihaysan burburinta iyo dhimashada  ee ku dhuumanaysa  caqliga hoose ee qofka.

Sidoo kale,qof walba waxaa la gudboon  inuu ku baraarugo  awoodaha is diidan ee ku dhex  lagdamaya caqligiisa dabadeedna uu xooga saaro sidii wax uga qaban lahaa. Tusaale ahaan, haddii fariimaha ka imaanaya awoodaha jaceylka kugu bataan balse aadan haysan dad iyo duunyo u diyaar ah jaceyl iyo baashaal, waxaad jaceylkaada u jihayn kartaa fanka iyo suugaanta, waxaadna noqon kartaa hoobal ama hal-abuur dadka wax ka bara qaababka ugu haboon ee loo dabaalan karo badweynta jaceylka.

Dhanka kale haddii fariimaha ka imaanaya awooda burburinta iyo dhimashada kugu bataan, waa inaadan dadka iyo duunyada kula dhaqaaqin burburin iyo barakicin adigoo ku marmarsoonaya aragti  diimaysan  ama siyaasad  qabyaaladaysan,  balse aad la timaadaa xeelad awooda “Thrantos”  qaab farsamaysan   loogu  jihayn karo.

Tusaale ahaan waxaad noqon kartaa kawaanle xoolaha qala oo subax walba dhowr neef nafta ka qaada! Haddii aad iskala weyntahay inaad kawaanle noqotid, waxaad noqon kartaa dhaqtar ku taqasusay qaliinka si awoodaada ku aadan  burburinta iyo dhimashada dhanka wanaagsan looga faa’idaysto!

Nasiib daro, rag badan  ayaa awooda  burburinta ee ku xoogan dhimirkooda  la beegsada   xifrado looga baahayahay jaceyl, sida  macalinimada iyo waliba shaqada waalidnimada. Waxaan ognahay niman badan oo macalimiin ka ah  dugsiyada quraanka ama aabe  u ah qoys dhan in caruurta iyo dumarka u garaacaan qaab bilaa arxan ah  ayagoo raacaya amarada ka imaanaya awooda  burburinta iyo dhimashada.

Cilmi- baarisyo badan oo  loo cuskaday cilmi nafsiga, waxaa lagu ogaaday in bulshooyinka ku baraaruga awoodaha iska soo horjeeda ee ku dhuumanaya maanka aan muuqan ee dadka “ unconscious mind” in ay  hal abuuraan ciyaaro ciidaas ka badan oo kala nooc ah kuwaas oo si farsamaysan loogu maarayn karo  awoodaha jaceylka iyo burburinta ku jihaysan.

Tusaale ahaan bulshooyinka ilbaxda ah waxay sameeyeen  goobo loo gaaryeelay qoobka ciyaarka iyo noocyada kala duwan ee niikada si dadka dhimirkooda ku badanyahay awooda ku jihaysan  jaceylka iyo baashaalka looga tumo dabadeedna u nafisaan. Sidoo kale, waxay leeyihiin xarumo lagu qabto ciyaaraha adag sida feerka, fardafuulka, kubada lalaado iyo mida la halgaado si loo madadaaliyo dadka uu dhimirkooda ku badanyahay awooda baas ee ku jihaysan burburinta nolosha.

Dhanka kale, cilmi baarisyada loo cuskaday cilmi nafsiga waxaa lagu ogaaday in bulshooyinka caburiya ama ceebeeya awoodaha sida dabiiciga ah ugu  qarsoon caqliga hurda in ay ku yaryihiin noocyada kala duwan ee ciyaaraha iyo niikada. Ugu danbayntii cilmi baarisyo ay sameeyeen  dhaqaatiirta  iyo waliba aqoonyahanka cilmiga bulshada “ sociologists”  waxay cadeeyeen in  dhaqankii  aan bulshada u soo bandhigin ciyaaro kala nooc ah in laga dhaxlo  colaado joogto ah  iyo caafimaad xumo baahsan!

Tixraac: Freud, Sigmund, and James Strachey. Civilization and its discontents. WW Norton & Company, 2005.

 

 

 

1 comment

  1. mahadsanid wax badan baanu ka faaidnay

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here