Cudurada aan laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaaliya!

Posted by on Dec 20, 2014 | 1 Comment


fighting_politicians_13Qof walba wuxuu ka dheregsanyahay dhibaatada lagala kulmay in dib loo dhiso dawladnimadii la burburiyay labaatan iyo dheeraad sano ka hor . Waa tiro dhaaf shirarka caalamiga ah ee loo qabtay Soomaalida si shaydaanka ay iskaga naaraan ka dibna ugu heeshiiyaan siyaasada dalka. Dhamaan shirarkii caalamiga ahaa way wada fashilmeen marka laga reebo midkii ugu danbeeyay ee lagu qabtay Nayroobi oo maamulkii ka soo baxay lagu soo galbiyay kumaanaan ciidan ah kuwaas oo laga soo kala aruuriyay wadamo isku jira kuwo Soomaalida sinji ahaan u neceb, qaar tartan deegaan kula jira iyo dalal u dhaarsan in ay dhadhamiyaan quruxda iyo qaayaha ka muuqda gabdhaha Soomaaliyeed!

Dawaladdii federaalka ee loo soo galbiyay Muqdisho waxay ka bixi weysay fadhiidnimo iyo in madaxdii qaranka sida gabdhaha foodlayda oo kale isku haruufaan marwalba. Bishan waxaa la eryay Raysulwazaare xafiiska joogay muddo ka yar sanad, waqti yar gudahoodna waxaa la magaacamay rayzulwazaare cusub oo qudhiisa mar dhexdaas ah la eryay. Haddaba su’aasha cilmiga ah ee mudan in si geesinimo ah looga jawaabo waxay tahay waa maxay sababta dhabta ah ee ka danbeysa waalida diidan in dawladnimadii burburtay dib loo hanto?

Qoraalkan kooban wuxuu sawir ka bixin doonaa caadifadaha ugu waaweyn iyo dareennada dhaawacan ee diidan in dadka Soomaaliyeed ay isla fahmaan muhiimada ay nolosha u leedahay in la dhisto maamul dhexe oo danahooda guud ka shaqeeya si aan looga sii habsaamin hormarka iyo ilbaxnimada qarniga 21aad ee waa hore laga haray. Sidoo kale qoraalka wuxuu isku dayi doonaa in garashada Soomaalida ku soo biiriyo aragti ka duwan doodaha caanka ah ee dadka Soomaaliyeed ku mashquulaan marka la gorfeynayo siyaasadda Soomaaliya.

Dadka fakera ee Soomaaliyeed waxay garowsan yihiin in caqliga guud “ collective mind” ee soomaalida uu noqday maxbuus u afduuban dareennada malaayiinta ah ee laga dhaxlay dhibaatadii iyo burburkii dalka ka dhacey. Dood iyo daraasad xeeldheer ayay u baahantahay in lagu gorfeeyo sida qofka Soomaaliga ah u noqday dhibane noloshiisa u horseeda burbur iyo guuldarro asagoo adeegsanaya dareeno “ emotions” aan maangal ahayn. Nasiib wanaag, culimada nafsiga ee aduunka waxay aruuriyeen cilmi badan oo loo adeegsan karo daawaynta iyo baxnaaninta caql iga iyo dareennada u afduuban caadifadaha aan caadiga ahayn “ normal” ee dhaliya xanuunada dhimirka. Si aad u aqrisid qoraalka oo dhan Riix halkan.

1 comment

  1. pan-somali says:

    Great article; qoraagu ishuu ka riday. Waa loo baahnaa such a (new) psychoanalytic approach to Somali madness in the last 2 and half decades.

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here