Dhiraandhirin: Dhoofka iyo Dhaqanka Soomaalida!

Posted by on Jan 22, 2017 | Leave a Comment

15823147_10154329612818651_2053560633254009534_nGeediga iyo socodka aan joogsiga lahayn wuxuu qayb weyn ka ahaa nolosha Soomaalidii hore. Wuxuu ahaa geedi socod looga fursan waayay noloshii qallafsanayd ee xoola dhaqatanimada. In la guur guuro oo hadba barin cusub iyo deegaan hor leh xoolaha loo foofsado ayaa iska ahayd dhaqan maalmeed ku lammaansan nolosha caadiga ee qoyska Soomaaliyeed. Socod dheer iyo mid gaabanba wuu lahaa geedigaas, waxayna ku xirnaynd hadba aagga laga helo naq iyo daaqsiin xoolaha lagu samata bixiyo.

Noloshu ma ahayn mid la saadaalin karo maadaama aysan jirin deegaan lagu nagyahay. Maalin walba muuqaal iyo dhacdooyin u gaar ah ayay gaarkeed u wadan jirtay. Geedigaas joogtada ah waxaa laga yara nasan jiray xilliyada barwaaqada ah ee roobabku ka da’aan deegaanka reerku ku sugan yahay. Noloshii reer guuraannimada waxay ahayd nolol shaqo iyo daal badan laga muto. Kumanaan sano iyo dheeraad ayay Soomaalida sidaas ku dabari jireen noloshooda.

Si kasta oo noloshaas u adkeyd, haddana waxay ahayd nolol farxad badan oo qofku ku kalsoonyahay deegaankiisa iyo duunyada uu dhaqdo. Sida laga dheehan karo suugaanta iyo hiddaha Soomaalida, noloshii reer guuraanimada waxay ahed mid ku caanbaxday iskaashi si wada jir ah loo wada qabto hawl maalmeedka reerka.

Qoys walba wuxuu ku tiirsanaa xoogga xubnihiisa. Waxaana noloshaas u babac dhigi karay qoyskii xubno badan ka kooban, waana taas sababtii uu oday walbaa ugu taami jiray in uu dhalo xayn caruur ah oo wiilal u badan.

Aqoonyanno badan waxay ku doodaan in noloshii hore ee bilowga ee aadanaha ay ahayd mid sahlan oo iska fudud marka la barbar dhigo nolosha casriga ah. Dooddaas ma ahan mid ku dhisan cilmi, waxaa isa soo taraya cilmi baarisyada lagu ogaanayo in noloshii hore ee bani’aadamka ay ahayd nolol dhameeystiran oo aan wax badan uga duwanayn noloshan casriga ah.

Arrintan waxay si weyn uga muuqan kartaa noloshii reer guuraanimada ee Soomaalida. Waxay ahayd nolol ku dhisan dhaqan adag iyo xeerar marwalba la cusboonaysiiyo kuwaas oo u dhigma ama kaba sarreeya xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo.

Tusaale ahaan, arin walba oo la soo gudboonaata noloshii hore ee reer guuraanimada waxaa la is weydiin jiray su’aashan “ Ma ugub baa oo wax aan hore inoo soo marin oo cusub , mise waa arin horey inoo soo maray oo curad ah oo xeer ka yaallo?”( Abwaan shaacir). Jawaabta su’aashan ayay ku xirneyd sida loo abbaarayo wax walba oo la soo darsa.

Reer guuraagii hore ee Soomaaliyeed, waxay safka hore kaga jireen bulshooyinkii xilligoodii joogay ee gobannimada ku caanbaxay. Isku filnaansho dhaqaale iyo mid dhaqan ayaaa ku xusan qoraalladii laga diyaariyay Soomaalidii hore. Sidoo kale marti soor aad u sarreeya iyo gacan furnaan ayaa ku xusan qoraalladaas. Tusaale ahaan Ibnu Batuuta wuxu qoralladiisa ku xusay in Soomaalidii uu ku arkay magaalooyinkii xeebaha ku teedsanaa ay ahaayeen dad ku martisoora martida hillib iyo caano ay hodan ku ahaayeen.

Ereyga “ Qorshe” wuxuu ka soo jeedaa noloshii reer guuraannimada. Inkastoo ereygan adeegsigiisa ku badan yahay xaafiisyada maamulka ee Soomaalida, haddana waxaa xusid mudan in Reer guuraagii Soomaaliyeed ay qorsheyn jireen halka reerka lagu furayo iyo sida loo dagayo. Arrintan waxaa si fiican u faahfaahiyay madexweynaha Somaliland mudane Siilaanyo, mar uu ka qayb galayay xafladdii afartan guurada qorsita Af- Soomaaliga ee afar sano ka hor lagu qabtay Jabuuti.

Mudane Siilaanyo wuxuu xusay in asagoo ka faa’idaysanaya noloshiisii hore ee reer guuraannimada, in uu talo ku soo jeediyay in wasaaraddii uu joogay sanadkii 1972, loogu magacdaro Wasaarradda Qorsheynta Qaranka.

Nasiib wanaag ,sida uu sheegay Siilaanyo, guddigii qorista Af- Soomaaliga way ka guddoomeen taladiisii , wuxuuna noqday erey bixin si weyn u dhaqan gashey. Reer guuraagii hore iyo geedigoodii wuxuu ahaa mid qorsheysan oo aad looga baaraan dagay. Ma jiri jirin geedi aan sahan ka sii horreyn. Aqoon baxaali ah oo reer guuraagii hore ka barteen deegaanka iyo cimilladii ay ku noolaayeen ayay ku salayn jireen qorshaha geeddigooda.

Dad badan ayaa ku dooda in Soomaalidii hore ay jeclaayeen geediga iyo guur- guurka. Marka si fiican loo darso noloshii hore iyo duruufihii ku xeernaa, geedigii joogtada ahaa ma ahayn mid ku yimid rabitaan iyo jaceyl midna, ee waxaa qasbayay nolosha miyiga iyo dhaqashada afarta maysi.

La soco qaybta 2aad ee dhiraadhirintan.

W/Q Cabdullaahi M. Cawsey

Email: sthinktank@gmail.com

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here