Fadhigii Farxadda iyo Falsafadda!!

Posted by on Jul 07, 2016 | Leave a Comment

 

13582231_10153812468003651_1165623762_oMaadaama dhamaan muslimiinta adduunka maanta u dabaal dagayaan farxadda ciidda furitaanka bisha Ramaadan, waxaa fiican in falsafadda iyo farxadda loo qabto fadhi gaar ah si ay u wada qayilaan dabadeedna u qaraaxaystaan. Fadhigan qayilaada iyo qaraaxada ah waa in laga qariyaa dadka meelaha ka qayl- qayliya ee waxba aan hubsan sida mudane Qaad-diid oo kale!

Inta fadhigaas uusan bilaaban ka hor, waxaan ku hormaraynaa shaqooyinka guud ee falsafadda iyo farxadda kaga qayb qaataan nolosha bal si aan u aragno waxyaabaha majliskan ay ku wadaagi karaan ama iskaga wareysan karaan.

Falsafaddu waxay xoogga saartaa ogaanshaha xikmadaha aan muuqan ee nolosha halka farxaddu daaha ka feedo dareenada qurxoon ee ku qarsoon nolosha. Tusaale ahaan, qofka marka uu si falasafadaysan u fakerayo, wuxuu si xikmadaysan u fahmaa in maalmaha ciidaha aysan lahayn muhiimad sidaa u weyn waayo waxaa ka badan maalmaha murugada ah ee ku laamaansan nolosha. Xikmadan ma ahan mala-waal ee waa xaqiiqo falsafadda ka soo dheegatay geedi socodka guud ee nolosha.

Dhanka kale farxaddu badanaa waxay xiisaysaa in xikmaddaha falsafaddaysan xoogaa laga war-wareegto si loo dareemo dareenada wanaagsan ee nolosha laga shaxaadi karo. Tusaale ahaan, qofka marka uu faraxsanyahay uma fududa inuu ka fekero dhibaatooyinkii dhacay iyo kuwa dhici kara mustaqbalka. Sidaa daraadeed farxaddu waxay ku doodaysaa in maanta oo kale munaasabada ciidda aan la falsafadayn waayo waxaa horteena ka muuqda xalwad iyo xoogaa buskut ah oo lagu farxi karo!

Haddii aan ogaanay shaqooyinka kala duwan ee farxadda iyo falsafadda qabtaan, waxaa hadaba is weydiin mudan maxaa laga filan karaa fadhiga sida gaarka ah maanta loogu qabtay falsafadda aan faraxsanayn iyo farxadda aan xiisaynin fariimaha falsafadda?

Majliskii maanta ee ciida doodaha way ku yaraan doonaan waayo falsafadda iyo farxadda waxay ku heeshiiyeen in si fiican loo marqaamo, islma markaana la iskaga garaabo dhaliilaha qolo walba u gaarka ah, dabadeedna la is weydaarsado waxyaabaha guud ee farxadda iyo falsaddu wadaagi karaan.

Falsafaddu waxay qiratay dhaliisha ku saabsan in marwalba nolosha aysan u baahnayn in la falsafadeeyo waayo sidaas waxaa ku lumaya fursado badan oo lagu farxi karo. Dhanka kale farxadda ayaa dhankeeda qiratay a in qosol iyo qaraaxo kaliya aan lagu maarayn karin qalaalasaha ka taagan nolosha waayo dad badan ayaa waqtigii kalaga lumay farxad lagu faro sida madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo kale !

Qirashadaad ka dib falsafadda iyo farxadda waxay soo wada saareen baaq guud oo loo dirayo dadka xiiseeya xiriirka dhex mari kara falsafadda iyo farxadda.

Baaqaas waxaa lagu soo bandhigay buugga ciinwaankiisu yahay Fekradihii Farxadda ” The Happiness Hypothesis” ee uu oqray aqoonyahan lagu magacaabo Jonathan Haidt  oo xiiseeya fadhiyada gaarka ah farxadda iyo falsafdda mararka qaar ay qabsadaan. Mudane Jonathan waa bare-sare oo cilmi nafsiga ka dhiga Jaamacada New york State ee dalka Maraykanka .

Farriimo falsafadaysan oo haddana faraxsan kuwaas oo toban gaaraya ayaa lagu soo bandhigay buuggan. Maadama qoraalka nala dheeraaday, waxaan xuseynaa oo kaliya hal fariin oo saldhig u ah buugga. Waana fariin ku haboon in fadhiga maata ee munaasabadda ciida si fiican loogu marqaamo.

Farriintan oo lagu furay cutubka ugu horreeya ee buuga waxaa laga soo xigtay xikmad ay muddo badan iska soo dhaxlayeen faylasuufyada caalamka taas oo ku saabsan furaha farxadda. Faylasuufyadu waxay muddo badan ku doodayeen in furaha koowaad ee farxaddu tahay qof walba inuu si dagan oo aayar ah u fahmo isdiiddooyinka dabiiciga ah ee ku lammaansan abuurka nafta sida: shaydaannimo iyo shariifnimo wada socda, najaaso iyo daahirimo is barkan, wanaag iyo xumaan wada sheekaysta , iyo waliba doqoniimo iyo garasho is dabo orda!

Dadku dhibaato kuma qabaan ogaanshaha ku saabsan najaasada dabiiciga ah ee nagu abuuran waayo waxaa iska cad in waa hore wasaqdu lagu dhex beeray jirkeena. Tusaale ahaan, haddii aad aragtid sheekh khamiis cad qaba oo ku qudbeenaya inuu daahir yahay, waxaa laga yaabaa in shiikha sheekada aad u camirtid, balse waxaad si hooe u ogtahay in shiikha caloosha ku wato kiishad wasaq ah oo illaa qiyaamaha laga gaarayo u qarsoonaan doonta.

Falsafaddu waxay ku doodaysaa in nolosha farxad la’aan laga dhaxlayo haddii shiikha ku adkaysto sheekada uu la soo shirtagay ee ku saabsan inuu daahir yahay marwalba. Tusaale ahaan, haddii sheekha iyo xertiisa ku adkaystaan daqiiqad walba in daahir la noqdo, nafta waxaa la soo darsaya cabur cadow ku ah farxadda nolosha dabiiciga ah, waxaana laga yaabaa in shiikha iyo xertiisa dhagxaan iskaga murxiyaan xubno ka mid ah jirkooda ayaga oo ka baqaya in biyaha kaligood dahaarada ku filnayn.

Sidaa si la mid ah, falsafaddu waxay ku doodaysaa in dhamaan xumaanta iyo shaydaanimada noo muuqda yihiin waxyaabo qof walba ku abuuran oo loo baahanyahay in si niyad ah loo aqbalo. Farxad la’aaanta aduunka ugu weyn waxay dhacdaa marka qofku diido shaydaanimadiisa asagoo ku kaaftoomaya qaybta shariifnimada ah oo kaliya. Dagaalada, colaadaha iyo waliba isku dhaca aduunka ka socda waxaa u sabab ah sida falsafaddu ku doodayso marka qof walba ama qolo kasta soo xawisho shaydaanimada iyo xumaanta ku abuuran. Mararka qaar waxaaba dhacda in bani’aadamka si guud shaydaanimada ku abuuran ugu xawilo awoodaha dhuumaalaysta sida jinka oo kale.

Mudane Jonathan, wuxuu cutubka ugu horreeya buuggan ku qaada dhigay fariintan falsafadaysan asagoo xooga saaray sharaxaad ku saabsan sida cilmi nafsiga u sharaxay qaybsanaanta ku lamaansan nafta ( The Divided Self). Tusaale ahaan, wuxuu abuurka nafta ee u kala qaysban shaydaanimda iyo shariifnimada ku tusaaleeyay qof maroodi saaran oo kale. Damaca joogtada , doqonimda aan laga daalin , iyo waliba daan-daansiga nolosha wuxuu ku sheegay in ay ka dhigan yihiin qaybaha kala duwan ee jirka maroodiga halka qofka maroodiga saarana uu ku tilmaamay qaybta qofka u qaabilsan samaha iyo wanaaga.

Haddaba mudane Jonathan wuxuu ku dooday in doonista qofka ee ku aadan wanaaga uu ka xoog badan yahay damaca xumaanta marka la eego murqaha waaweyn ee ka muuqda maroodiga uu qofku dulsaaranyahay. Sidaa daraadeed, dooda faylasuufyada ee ku aadan farxadda nolosha wuxuu mudane Jonatahan ku taageeray caddeymo cilmi nafsi ah oo muujinaya muhiimada ay leedahay in maroodiga si fiican loo tababaro waayo haddii damaca maroodiga la sii daayo farxadda iyo xasiloonida nolosha waxay la mid noqonayaan cawskii ku gacan galay maroodigii dagaalamay oo kale.

Dhaliisha ugu weyn ee buuggan lagu soo bandhigay baaqyadii ka soo baxay fadhigii farxadda iyo falsafadda waxaa lagu tilmaami karaa in qoraha buuggan uu xooga saaaray doodaha iyo cilmi baarisyada u gaarka ah cilmi nafsiga taas oo malaha ku adkaan karta aqristayaasha horay aan u soo baranin cilmi nafsiga. Marka laga soo tago dhaliishaas, buuggan waxaa laga heli karaa faham guud oo ku aadan xiriirka weyn ee ka dhaxeeya falsafadda iyo dhabnimda farxadda. Sidoo kale buuggan waxaa laga baran karaa xikmadihii falsafadaysnaa ee laga dhaxlay umadihii hore hore kuwaas oo waqtigcan casriga wali ka shaqeeynaya caalamka farxadda.

W/Q: Cabdullaahi Cawsey.

email: sthintank@gmail.com

 

 

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here