Falsafadda Kaneecada

Posted by on May 30, 2015 | Leave a Comment

 

images-3Quruxda nolosha waxay ku jirtaa u kuurgalida iyo barashada qaababka kala duwan ee nafleyda kale ee dunida ku nool  u dabaraan noloshooda gaarka ah Sidoo kale foolxumada nolosha waxay muuqataa marka laga waji dadbado ama la iska indho-tiro  qaabka  nolosha dabiiciga ah ku socoto dabadeedna la isku maaweeliyo sheeko baraley  aan bar iyo raad midna ku lahayn hanaan socodka dhabta ah ee nolosha. Haddaba qoraalkan kooban wuxuu ku saabsanyahay falsafadda  Kaneecada ay ku maareyso  nolosheeda gaarka ah. Ogaanshaha falsafadda Kaneecada waxay dan guud ugu jirtaa dadka oo Kaneecada la wadaaga orodka iyo  harjadka aan dhamaadka lahayn ee nolosha loogu jiro. Sidoo kale, barashada falsafadda Kaneecada waxay si gaar ah uga faa’idi kara dadka  Soomaaliyeed oo waqtigan la joogo danbe si dirqi ah ugu nool geeska Afrika iyo  dacallada aduunka .

 

Aqoonyahanka noolebaaraha ahi “biologists” waxay ogaadeen xaqiiqo yaab leh oo ku saabsan  qaab- taranka guud ee Kaneecada. Waxay cilmi baaris ku ogaadeen in Kaneecada ku baraarugsantahay run aysan ka dhuuman karin si kasta oo ay u cibaadaysato ama u calaacasho. Runtan waa mid ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Kaneecada iyo deegaanka dabiiciga ah “ Environment.”  Kaneecadu waxay garatay  in dhasha iyo ubadka kaneecada  lagu xukumay dhimasho deg deg  ah mar ala marka ay ku dhex dhashaan deegaanka dabiici ah. Nasiib darro, markay qarxaan ukumaha Kaneecada, waxa isla goobtii ku qurbaxa oo ku   saqiira caruurtii Kaneecada ee mudada  dhow  ama dheer laga war dhowrayay. Arintan waxay horseeday in faylasuufyada  Kaneecada  hal-abuuraan  falsafad lagu badbaadin karo sinjiga Kaneeca iyo  dhasheeda ay u heeshiiyeen maqaadiirta iyo  odaygii malakulmowt ahaa.

Falsafadda Kaneecada waxay ku baaqaysaa in Kaneeco walba  kun ukumood  ku dhex daadiso deegaanka dabiiciga ah. Sirta ka danbeysa go’aankan fasafadeysan ma ahan mid la iska malawaalay, ee waa falsafad muddo badan laga baaraan dagay ka dib markii  kaneecada ku  baraarugtay in kunkii ukumood oo kaneeco ah mid ka mid ah si dirqi ah ku badbaadi doono,  halka sagaal boqol,  sagaashan iyo sagaalka ukumood oo kale ay ku dhex  saqiiri doonaan deegaanka dabiiciga ah. Waa go’aan murugo iyo shaqo badan laga mudan doono,  balse waddo kale oo Kaneecada u bannaan ma jirin waa haddii ay doonayso in faraceeda waaro, waayo nolosha oo dhan waxay ka bilaabataa kuna dhamaataa go’aan uu rabbi gaaray  oo ah waari-mayside war hakaa haro! Si aad qoraalka dhan u aqrisid Riix Halkan.

 

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here