Fannaaniinta Aakhiro!

Posted by on Jun 14, 2014 | Leave a Comment

FankaWaxa dhici doona aakhiro iyo sida xaal noqon doono waxaa laga sheegay sheekooyin badan oo siyaabo kala duwan loo qaada dhigay. Bulsho walba iyo dhaqan kasta waxa lagu hal-abuuray sheekooyin yaab leh oo ka warramaya nolosha danbe wanaag iyo xumaan wixii la mudan doono. Qof walba dhanka uu jecelyahay ayuu sheekadaas ka galey. Qofkii ciil iyo cuqdad qabey wuxuu ku carro baabey sheekooyinka sharraxaya  sida cadowgiisa  loo cadaabi doono maalinta qiyaame. Midkii tumasho iyo baashaal noloshan gaaban ku  seegayna wuxuu malawaaley in maalinta aakhiro uu wabiyo qamri ah dhex dabaalan doono.

Hadba qolada sheekada aakhiro buunbuunisa waxaa loo arki jiray in ay yihiin dad xog dhab ah ka haya muuqaallada kala duwan ee jannada iyo naarta inooga horreeya. In qolooyinkaas xog-ogaal  loo maleeyo waxa sababay  marka la fiiriyo sida ay isku xiijiyaan ama isku xanaajiyaan xilliyada  ay aakhiro ka warramayaan. Burburkii dalka ka dib sheekooyinka aakhiro ooda iyo xargaha  ayay jabsatay. Waxaa wadankii qabsaday wax aan u bixiyay Ganacsiga Aakhiro oo gees ka gees wadankii lagu faafiyay. Ganacsigan wuxuu gaarey heer Soomaali badan ayagoo nool laga iibiyo warqadihii ama tikidkii ay jannada ku gali lahaayeen.

Dhanka kale dad badan oo Soomaaliyeed ayaa awoodi waayay  iibsashada tikidyada jannada lagu galo ka dib markii ganacsatada aakhiro ay sicir adag ku soo rogeen qiimaha  tikidyada jannada lagu galo. Dadka Soomaaliyeed ee lagu qadiyay suuqa ganacsiga-aakhiro wey badanyihiin. Waxaan ka xusi karnaa qaybaha bulshada ee ganacsiga aakhiro lagu qadiyay fanaanniinteena  Soomaaliyeed .  Ragga ka ganacsada aakhiro waxay bandow iyo cuno qabateyn ku soo rogeen ogaanshaha wadoonyinka sahlan ee  fanaanninta Soomaaliyeed iyo taageerayaashooda  ay jannada ku gali karaan. Bandowgaas wuxuu gaarey in la faafiyo in fanka iyo heesaha yihiin “xaaraan maqdac ah iyo camal sheydaan.”

Waxaan ka afeefanayaa in carabi caato ah sida : “xaaraan maqdac ah iyo camal sheydaan.” aan qoraalkan barakeysan ku lifaaqno waayo suuqa ganacsiga aakhiro ee Soomaaliya  waxaa looga hadlaa luqada carabiga. Sidaa daraadeed waan ku qasbannahay in mararka qaar qoraalka erayo  carabi   ku walaaqno mar haddii aan jawi carbeed ku jirno.

In ganacsatada aakhiro  fanka iyo heesaha ku tilmaamaan dhaqan sheydaan iyo wax aan aakhiro lagu liibaaneyn waxa sababi kara qodobo  dhowr ah oo cilmiyaysan. Haddii aan nahay culumada-bulshada “ Sociologists” ee Soomaaliyeed waxaan fahmi karnaa in sababta ugu weyn ee  ganacsatada-aakhiro sidaa ku bixisay in ay tahay cabsi ay ka qabaan in fannaaniinta ku ciriiriyaan suuqa-dareenka ee shacabka. Xirfadleyda  nolol maalmeedkooda ka dabarta  suuqa- dareenka ee shacabka waxaa ka mid ah: siyaasiyiinta, wadaadada iyo fannaaniinta.

Waxaa si cilmi ah lagu ogaadey  in saddexdan koox uu ka dhaxeeyo tartan dabicii  ah oo ku aadan  sidii loo kasban lahaa dareenka guud ee shacabka. Nasiib darro burburkii dalka ka dib, suuqa-dareenka shacabka waxaa u gacan bannaanaadey wadaadadii Soomaaliyeed oo isku rogey ganacsato manaxayaal ah oo dadka ku baarta sheekooyinka aakhiro ka  dhici doona.  Haddii cilmiga bulshada wax lagu qiimeeyo, la yaab ma lahan   in fannaaniinta Soomaaliyeed noqdaan xirfedleyda ay ka cabsadaan ganacsatada aakhiro!

Suuqa dareenka-shacabka hadba waxa qabsada dareen gaar ah oo ka tarjuma xaaladda nololeed ee bulshada. Burburkii dalka ka dib, dareenka shacabka Soomaaliyeed waxaa hareeyay cabsi kala duwan oo iskug jirta qaar maangal ah iyo kuwo malawaal ah. Waqtiyada ay cabsidu noqoto dareenka guud ee shacabka, ganacsatada aakhiro waxay helaan fursad dahabi ah oo ay ku sameeyaan macaash xadhaaf ah waayo rajada shacabka waxay noqotaa oo kaliya hadba sheekadii looga sheego aakhiro.

Waqtiyada dareenka guud ee shacabku noqdo mid farxadeed waxaa fursad hela fannaaniinta oo suuqa dareenka shacabaka  heeso iyo ciyaaro ku harqiya. Soddonkii sanno ee Soomaalida qaranka ahaayeen, waxaa dalka ka hana qaadey fan iyo suugaan casri ah oo aan ka dhicin fanka caalamiga ah ee addunyada. Sababta ugu weyn ee cilmiyeysan waxay ahayd in Soomaalida soddonkaas sanno wadaageen farxad-wadareed “ Collective happiness” taasoo  qarrannimo iyo dawladnimo lagu dugsaday.

Waqtigan la joogo, fanka iyo heesaha Soomaalida wuxuu ka soo labo kacleeyay dalalka qurbaha oo Soomaali badan xoogaa nolol iyo nafis ay ku yara dareemeen. Wadaadada ka macaashay dareenka cabsida ah  ee lagu soo jiray labaatankii sanno ee burburka ayaa marwalba muujiya welwel ay ka qabaan fanka iyo farxadda ku soo laabaneysa dareenka shacabka Soomaaliyeed taas oo qal-qal weyn galin karta ganacsigooda laga hago dhanka aakhiro.

Qoraalkan kooban wuxuu ku saabsanaa difaaca fannaaniinta iyo fanka aakhiro. Sheekooyinka fanka iyo heesaha  ay ka sheegaan wadaadada qaar  waxaa ka mid ah in fannaaniinta iyo fanku yihiin sheeko sheydaan sidaa daraadeedna laga yaabo in fannaaniinta ay sheydaanka naarta u camiraan. Sheekadan waxey welwel badan ku abuurtay hooballo badan oo jecel in  dadkooda  dareenka farxadeed kula qaybsadaan heeso iyo suugaan casri ah.

Maalin dhaweyd waxaan facebook ku arkey nin dhalinayaro ah oo ka mid ah fannaaniinta aan taageero oo ka cabanaya shacab ka wacdiyay xumaanta heesaha. Fanaankaas oo magaciisa la dhaho Aar Maanta wuxuu sheegay in uu la yaabey waxa Soomaalida ku bixiya in ay heesaha   Soomaaliga ah ka cararaan ayagoo wacdi diimeed ku marmarsiyoonaya.

Waxaa la gaarey waqtigii  la xusi lahaa bandhig faneedka lagu qaban doono aakhiro si fanaanniinta la harowsaday loo difaaco niyaddana loogu dhiso. Inta badan, sheekooyinka ay ganacsatada aakhiro ka sheegaan nolosha danbe waa mid qabyo ah oo hadba ku jaango’an danta gaarka ah ee markaas ay leeyihiin. Haddaba waxaa waajib nagu ah haddii aan nahay culumada Soomaaliyeed ee diinta Islaamka aan ka ganacsan in aan shacabka iyo fanaaniinta u soo bandhigno  sheeko dhameystiran oo ku saabsan wanaaga jannada uga horreeya muslimiinta jecel fanka iyo suugaanta.

Marka hore waxaa fiican in aan qeexno muuqaalka dhabta ah ee Jannada ee uu eebbe weyne noogu sheegay quraanka kariimka ah. Suurada birta” suuratul xadiid” aayadda 21aad, waxay  xusaysa in ballaca Jannada uu la egyahay todobada dhul iyo todobada cir oo la isku daray  Cilmiga cabirka “ Geometry” waxaan ku barranay in marwalba ballaca  uu ka baaxad yaryahay dhirirka. Haddaba jannada ballaceedu intaa la egyahay dhirirkeeda eebbe weyne  kaliya ayaa garan kara.

Hadadaba waxaa is weydiin mudan, jannada baaxadaas leh ma waxaa galaya oo kaliya ganacsatada aakhiro iyo macaamiishooda gaarka ah ee ay ka  iibiyeen tikidyada jannada? Qofkii ka shaqysiiya  garashiidasa, fahmana sida ay u shaqeyso naxariista boqorka, wuxuu si dhib yar ku garan karaa in Soomaali iyo Oromo badan oo muslimiin ah oo nolosha aduunkan ku rafaadsan in ay jannda gali doonaan maalinta qiyaame!  Haddaba fannaaniinteena aan jecelnahay waa in ay cuqdadda iyo cabsida ka caafimaadaan, ogaadaanna in nimanka naxariista eebbe weyne ku soo koobay xaafadaha ay daganyihiin in aysan ka hor istaagi karin galitaanka jannada baaxadda aan soo sheegnay leh!

Dhanka kale, waxaa jirta qaab falsafadeysan oo aan ku fahmi karno in fannaaniinta muslmiinta ah ay noqon doonaan xirfadley si gaar ah jannada loogu maamuuso. Waxaan ognahay in dhamaan xirfadaha aduunka lagu xamaasho aysan noqon doonin wax qiimo leh marka jannada la tago. Tusaale ahaan, dhaqtarnimo looma baahan doono waayo ehlu Jannaha waxay nasiibsadeen caafimaad iyo cimri barakeysan oo lagu waarayo abid. Sidoo kale wadaado dadka wecdiya ehlu jannaha uma baahan doonaan  waayo intii aduunka la joogey ayaa cibaado iyo camal suuban la soo shaqeestay.

Xirfadleyda  kaliya ee laga yaabo in  ehlu jannaha u baahdaan ayaa ah rag iyo dumar hooballo ah oo heeso iyo ciyaaro  lagu damaashaado jannada ku soo bandhiga. Sida diinta ay noo sheegtay, dareenka kaliya ee ehlu jannada ayaa ah mid farxadeed oo murugo oo dhan  ka fog. Haddaba waxaan garashadeena ku fahmi karnaa in fanka iyo suugaantu ka mid noqon doonaan qaababka ugu quruxda badan ee ehlu jannada ku wadaagi doonaan farxadda aan la qiyaasi karin ee jannada inooga horreysa haddii aan nahay Soomaalida jecel ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH.

Fannaaninta Soomaaliyeed ee  ay harowsadaan ganacsatada aakhiro waa in ay diintooda barakeysan bartaan. Waa in ay ogaadaan in naxariista boqorka ay ka weyntahay nacasnimada kuwa naxariista daran ee diinta ka dhigtay dukaan lagu ganacsado. Waa nasiib darro in nin hoobal ah uu isku dhiibo dhagarta ragga kula tartamaya suuqa dareenka shacabka.  Waxaan aragnaa maralba fannaaniin sheega in ay hanuuneen oo fankii ka hareen. Fannaaniinteena la qaldey  waa in loo sheegaa in waligood  ay hanuunsanaayeen. Sidoo kale waa in lagu wargaliyaa in ay yihiin fannaanintii Jannada!

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

email: sthinktank@gmail.com

 

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here