Faylasuufkii Sawiray Fekerka Somaalida!

Posted by on Jan 18, 2017 | Leave a Comment

XasanSh_MuuminHaddii aad ka mid tahay dadka jecel in qaab falsadafaysan nolosha u fahmaan waxaa hubanti ah in aad ku caajisi doontid gabayada ciidaa ka badan ee Soomaalida tiriyaan. Inta badan dumarka iyo ragga gabya ama geeraara waxay ku celceliyaan haddallo qaab qurxoon la iskugu aadiyay kuwaas oo lagu caleemosaarayo ama lagu canbaareeynayo dhaqanka iyo siyaasadda markaas lagu mashquulsanyahay.

Sida uu ku dooday gabyaagii weynaa ee geeska Afrika marxuum Dhoodaan, Soomaalida waxaa ku yar abwaannada sida falsafadaysan u fasiri kara nolosha markaas taagan si loo fahmo ama loo furfuro aragtida foosha xun ama xikmadda qurxoon ee gadaal ka riixaysa xaaladda markaas lagu sugan yahay. Marxuum Dhoodaan wuxuu kaloo xusay in qofka gabya uusan badanaa ahayn abwaan waayo shaqada ugu weyn ee qofka abwaanka ah qabto waa daawashada muuqaallada ku qarsoon nolosha bulshada si loo helo fekrado cusub oo fadhiga looga kaco.

Tusaale ahaan, mudane Dhoodaan wuxuu xusay, in badanaa faylasuufyada Soomaalida( Abwaannada ) ay curin jireen sheekooyin iyo waliba maamhaayo asal u ah nolosha guud ee aadanaha iyo duruufaha u gaarka ah dhaqanka guud ee Soomaalida. Sidaa daraadeed, abwaan waxaa noqon karaa qof gabya oo hadallo dhaadheer ku baadigooba sirta nolosha , ama qof af-gaaban oo waqti badan ku qaata feker qoto dheer dabadeedna curiya erayo ama sheeko kooban kuwaas oo sawiraya muuqaallada qarsoon ee nolosha.

Aniga oo xasuusan tilmaamaha Abwaan dhoodaan ka bixiyay Faylasuufka Soomaaliyeed, ayaan waxaa muddooyinkan ku mashaquulay dhagaysiga sheekooyinka, qudbadaha iyo wareysiyada lala yeesho suugaanleyda, hal-abuurka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed. Nasiib darro, lama kulmin suugaanley badan oo ku sifoobay tilmaamaha abwaannimada waayo badanaa dadka gabya ama buraanbura waqtiyadan danbe waxay u badanyihiin dumar iyo rag u mashxarada sheekooyinka ay xiisyeeyaan wadaniyiinta wareersan!

Galabta ayaa si lama filaan ah ku daawaday muuqaal laga duubay qudbad uu jeediyay marxuum Xassan Shiikh Muumin oo ka mid ahaa hormuudkii dhidibada u taagay suugaanta iyo fanka casriga ah ee Soomaalida. Marxuumka wuxuu hadal kooban ka jeediyay shirkii dib-uheeshiisinta ee magaalamada Boorama lagu qabtay sanadkii 1993. Sheeko ku saabsan Mukulaasha oo lagu sawiray sida Soomaalida u fekeraan dabadeedna u dhaqmaan ayuu abwaanka ka ka sheegay madashaas.

Intii sheekada aan dhagaysanayay, waxaa hortayda ka muuqday dhamaan tilmaamahii abwaan Dhoodaan ka xusay sifooyinka u gaarka ah faylasuufka Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, waxaa yaab leh qoto dheerida iyo xikmadda ay xanbaarsantahay sheekada mukulaasha ee Abwaan Xassan Sheekh Muumin ku sifeeyay waxyaabaha ka qaldan garashada guud ee Soomaalida iyo dabciga u gaarka ah qofka Soomaaliga ah.

Qofka faylasuufka ah kuma mashquulo erayada caadiga ah ee la isku aad-aadiyo sida gabayada oo kale, balse wuxuu maskaxdiisa ka baadi goobaa muuqaal iyo maah-maahyo la bar-bardhigayo fekradaha hoose ee gadaal ka riixaya dhaqanka guud ee bulshada ama dabciga gaarka ah ee shaqsiga. Haddii si kale loo dhigo, qofka faylasuuka ah wuuxu fariimahiisa ku gudbiyaa hadalo maah-maahyo ah -metaphorical language waayo wuxuu rabaa inuu helo sawirrada iyo sababaha asalka u ah duruufaha markaas taagan.

Tusaale ahaan, Faylasuuf Xassan Sheekh Muumin wuxuu sheekadan ku xusay fariirn weyn oo lagu sawiray fekerka guud ee Soomaalida. Xikmadda ku jirta sheekadan waxay tahay in dhibaatada Soomaalida ku dhacday ay tahay dhaqan bisadeed loola soo dhuuntay nolosha bani’aadamnimada! Haddii lagu baraarugo in bisadaha iyo bani’aadamka ku kala duwanyihiin dhaqanka nolosha, Awbaanka wuxuu qabaa in dhibaaatada taagan xal fudud loo heli karo.

Waxaa xaqiiq ah in Abwaan Xassan Sheekh Muumin ahaa faylasuuf ku fogaaday ka fekerka iyo fahamka sawirrada ku qarsoon dhaqanka guud ee qawmiyadda Soomaaliyeed. Riwaayado badan, iyo heeso taariikhda galay ayuu curiyay Abwaanka. Riyaawadahiisa caanka ah waxaa ka mid ah Shabeel Naagood iyo Dunida Maskaxday Magan u Tahay, kuwaas oo safka hore kaga jira riwaayadihiisa la tartatami kara kuwa caalamiga ee umadaha kale.

Sidoo kale wuxuu leeyahay heeso badan oo xul ah. Tusaale ahaan heesahiisa xulka ah waxaa ka mid ah heesta: Dadweynaha ayaan hannuuninaa oo ah hees ay qaado Hibo Nuura. Waa hees lagu difaacayo looguna dabaal-dagayo kaalinta fannaanka, suugaanleyda,qorayaasha, taariikhyanannada iyo waliba abwaannada ka ciyaaraan hormarinta garaadka guud ee bulshada.Heestan oo ah hooyada dhamaan heesaha Soomaaliyeed waxay ku haboontahay in la qaado inta lagu jiro jihaadka lagu difaacayo suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here