Qadarta Ilaahay iyo Qorshaynta Nolosha

Posted by on Mar 09, 2014 | 1 Comment

blank PlanWaqti kasta waxaa suuqa haysta erayo gaar ah oo ka tarjumaya muuqalka nolosha ee markaas muuqda. Labaatankii sano ee bur-burka lagu jiray, erayada aadka loo adeegsaday waxaa ka mid ah “ Qadarta Ilaahay.” Waxaa dhaqan iyo nolol maalmeed laga dhigtay in calaacal-kasta lagu soo bilaabo  hadal sidan ah” Ilaah baa mahadsan, qadartiisa ayaa ku qanacsannahay.” Hadalka intaas  kuma ekaado, ee waxaa la sii guda galaa  erayo lagu tuugsado umahada noloshooda qorshaystay ee  aan qadarta ilaahay ku mashquulin. Haddii qadarta ilaahay lagu qanacsanyahay maxaa keenay in qaylo dhaan dawarsi ah loo jeediyo beesha caalamka? Haddii eebbe weyne qadaray abaaraha aalaba ka dhaca gobolka Baay ama Mudug, beesha caalamka in loo calaacalo maxay qadarta eebbe weyne ka qaban kartaa?

Ujeedada ugu weyn ee qoraalkan kooban ayaa ah in lakala furdaamiyo ama laka furto calaacalka joogtada  ka noqday Soomaaliya  iyo qadarta ilaahay. Wadada ugu dhow ee qoraalka u mari doono ujeedadaas ayaa ah is bar-bardhiga  qadarta ilaahay iyo qorsheynta nolosha si aan uga jawaabno su’aalaha kor ku xusan. Inta aynaan toobiyaha saarin dhabaha uu qoraalka ku aroori doono,  waxaa haboon in aan qeexno erayada kala ah “ qorshe iyo qadar.”

Ereyga “ Qorshe” wuxuu ka soo jeedaa  noloshii reer guuraannimada. Reer guuraagii Soomaaliyeed waxay  qorsheyn jireen halka reerka lagu furayo iyo sida loo dagayo. Arrintan waxaa si fiican u faahfaahiyay madexweynaha Somaliland mudane Siilaanyo, mar uu ka qayb galayay xafladdii afartan guurada qorsita Af- Soomaaliga ee sanad  iyo bar  ka hor lagu qabtay Jabuuti. Mudane Siilaanyo wuxuu xusay in asagoo ka faa’idaysanaya  noloshiisii hore ee miyiga, in uu talo ku soo jeediyay in wasaaraddii uu joogay sanadkii 1972, loogu magacdaro Wasaarradda Qorsheynta Qaranka.

Nasiib wanaag ,sida uu sheegay Siilaanyo, guddigii qorista Af- Soomaaliga way ka guddoomeen taladiisii , wuxuuna noqday erey bixin si weyn u dhaqan galay.  Nolosha reer guuraagii  hore waxay ahayd mid qorsheysan oo aad looga baaraan dagay. Aqoon qoto dheer oo  xoola dhaqatadii  hore ka barteen deegaanka iyo cimilladii ay ku noolaayeen ayay ku salayn jireen qorshaynta noloshooda.  Halkan waxaan ka ogaan karna in qorsheynta nolosha miyiga ahayd farsamo Soomaalida ay ku fiicnayd waqtiyadii hore. Wixii ka danbeeyay waqtigii  la magaaloobay  iyo dawladnimada ayay Soomaalida ka gaabiyeen qorsheynta nolosha. Qaybaha danbe ee qoraalka ayaan ku faah-faahin doonaa fashillka ku yimid fanka qorsheynta.

Marka si guud loo qeexo erayga “ qadar” waa eray diini ah oo aan garashada caadiga ah lagu fahmi karin. Sida diinta ku xusan, qadarta waxaa lagu sheegay in ay tahay go’aan uu rabbi ka gaaray: wixii dhacay, arrimaha taagan markaas iyo wax kasta oo dhici doona mustaqbalka dhow iyo midka fog.Wax walba inta aysan dhicin ka hor, rabbi ayaa lowxul maxfuudka ku qoray sida ay diinta laga xusay. Tusaale ahaan, ilaahay ayaa malaayin sanno ama kumaanan sano ka hor qoray  qaraxii ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya bishii hore!

Ragga diinta fasira aad ayay iskugu maandhafeen fahamka ku habboon qadarta ilaahay. Rag  baa qaba in qadartu nolosha ka dhigayso ciyaar oo kale. Sababta ay sidaas ugu maleeyeen ayay ku sheegeen: mar haddii la qadaray wax walba oo dhici doona , in  doonista  iyo dadaalka qofka aysan qiimo lahayn.Tusaale ahaan,  waxay sheegeen  in waqti lumis  iyo ciyaar tahay in ciidamo afrikaan ah dalka la keeno si ay u difaacaan madaxtooyada Soomaaliya.Mar haddii ilaahay qadaray qarax walba oo ka dhici doona madaxtooyada Soomaaliya, ma jirto sabab maan gal ah oo  loo baqo ka dibna loo   soo kireesto askar shisheeye ah oo aan waxba ka  qaban karin qadarta dhici doonta.Waa tacab qasaar  iyo waali  haddii qadar dhici doonta laga magansado askar afrikaan oo ludda iyo oogada ka madow. Ragga aragtidan ka qaba qadarta ilaahay waxaa loo yaqaan “Jabirayah”.

Rag kale  ayaa  qaba  aragti kale oo ku aadan qadarta eebbe weyne, waa  aragtida ah in doonista qofka ka madax bannaan tahay qadarta ilaahay. Raggan waxay ku doodeen in eebbe uusan  faro gashanin rabitaanka iyo waxqabadka abuurkiisa. Kooxdan  waxay rumenysan yihiin in qof walba  u madax banaan yahay ka meel gaaridda doonistiisa gaarka ah. Dhacdooyinka nolosha ka dhaca waxay ku dhaceen doonis iyo sabab loo kaashaday awoodda iyo garashada noolaha.  Tusaale ahaan raggan waxay rumenysan yihiin qaraxii ka dhacay madaxtooyada bishii hore in uusan  rabi  qadarin waayo ilaahay kuma mashquulo Soomaali nacasyo ah oo  is qarxinaya!Sababta dhabta ah ee qaraxa u dhacay waxay ku sheegi lahaayeen in ay  ay tahay  fuleynino iyo feejignaan la’aan  dhanka ciidanka madaxtooyada ah iyo arxan darrada kooxihii fuliyay  qaraxa. Wixii qaldamay ama wixii saxmay waxaa eed ama abaal ku leh dadka falka fuliyay sida ay raggan ku doodayaan. Kooxda sidan u fahamtay qadarta eebbe waxaa lagu magacaabaa “ Al Qadariyyah”. Raggan waxay  magaca iskaga  egyihiin  kooxda taageerta shiikh Cabdulqaadir Jeylaani  ee loo yaqaan – Al qaadiriya” balse waa labo koox oo wax kasta ku kala duwan.

Labadan aragti ee ku u aadan qadarta waxay  dhaliyeen doodo waaweyn oo lagu xiiqay marka ay timaado  rumaynta  qadarta eebbe weyne. Doodaha raggan dhaxmeray waxay  horseedeen buuq iyo jaha- wareer ka abuurmay muslimiinta dhexdooda. Si xaallada loo dajiyo, waxaa taageero badan helay koox u dhaxaysa labada aragtiyood ee qadarta laga bixiyay. Kooxdan waxaa lagu magacaabaa Ehlu-Sunna, waxayna soo bandhigeen in buuqa caqiidada lagu furay laga waantoobo. Kooxdan waxay  hal-abuureen aragti dhexdhaxaad ah oo qadarta ku saabsan. Aragtidan  Ehlu-Sunna waxay qabtaa in rabbi wax walba qaddaray, islma markaasna dadka ay leeyihiin awood ay doorasho ku sameeyaan. Tusaale ahaan, raggan waxay ku doodayaan in qaraxii madaxtooyada ka dhacay uu rabbi qadaray isla markaana mas’uuliyada qaraxa leeyihiin raggii qorsheeyay ka dibna fuliyay qaraxa.

Si maangal ah uma aysan faah-faahinin Ehlusnnada aragtidan. Waxayna ku kaaftoomeen in rumenyn guud lala yimaado oo aan la baarbaarin sida la isku qabadsiin karo qadarta eebbe iyo doonista dadka. Halkaas waxaa ka abuurmay jahawareer ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya qadarta iyo qorshaha qofka u dajiyo noloshiisa. Tusalale ahaan,  dad badan oo fulayo ah  ayaa ku marmarsiyooda in qaladaadka ka dhacay aysan mas’uul ka ahayn waayo arrin kasta waxay ay ku dhacaan qadarta ilaahay.

Sidoo kale dadkan waxay ku andacoodaan in rabbi u qoray wixii  markaas ay xeelad iyo xoog  ku hantaan. Waxaa fiican in aan tusaaleyaal cilmi ah ku eegno sida dad badan uga leex leexdaan sababaha dhabta ah ee way wax u dhaceen ayagoo qadarta ku gabanaya.Tusaale ahaan, waxaan xasuustaa markii uu madexweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku guuleestay doorashadii madaxweynannimada, in uu ku andacooday in uu rabbi uga mahadcelinayo guusha uu gaaray. Sidoo kale wuxuu codsaday mar haddii kursiga uu rabi u qoray in lala shaqeeyo intii laga maseeri lahaa ama la mucaaradi lahaa! Marka laga soo tago  qadarta ilaahay ee  aalaba lagu marmarsiyoodo , waxaan habboon in la xuso sababaha u suurta galiyay in uu ina- Culusow  madaxweyne noqdo ayadoo qaab  falsafadeysan la adeegsanayo.

Sababta  koowaad ee suurta galisay  guusha doorashada madaxweyne Culusow ayaa ah in uu  ka dhashey mid ka mid ah qabiilladii bililiqaystay caasimaddii hore ee Soomaaliya” Muqdisho.”  Soomaali badan ayaa xal u aragtay in madaxweynaha laga dhigo nin ka dhashey ama ka yimid qabiillada taabsaday magaalo madaxdii hore ee Soomaaliya. Sababta labaad ee madaxweynaha u suurta galisay  guusha doorashada ayaa ah adeegsiga lacag laaluush ah oo carabaha ay ku maalgaliyaan ragga aamisan karaamada carabta. Haddii qadarta kaliya lagu mashquulo, waxaa imanaysa in si cilmi ah lagu ogaan waayo sababaas aan soo  sheegnay.

Sidoo kale waxaa haboon in sababo maangal ah oo cilmi cuskan lagula garramo haddii ninka Raysul wasaare ka ah Soomaaliya  ku doodo in uu rabbi u qoray ama u qadaray jagada raysul wasaarannimada. Badanaa raggii raysul-wasaarayaasha noqoday waayahan waxay u badnaayeen rag ka soo jeeda  qabiil qaxooti ku ah dalalka dariska la ah Soomaaliya. Shaxda siyaasadda ee hadda dagsan ayaa ah in raysul wasaaraha laga dhigo mid ka mid ah qabiilladii laga barakiciyay caasimaddii hore si taabsashada caasimadda loo xalaalaysto. Marwalba oo la magacaabayo raysul wasaare waxaa la sheegaa in qofka raysul- wasaaraha noqday uu rabbi u qoray. Ma haboona in qadarta ilaahay  lagula soo gal-gasho raysul-wasaare lagu soo magacaabay qabyaalad raqiis ah oo lagu qancinayo qabiillo qaxooti ah.

Tusaalayaashaas cilmiga  ah ee kor ku xusan waxay nagu baraarujiniyaan in loo dhabo galo sababaha ka danbeeya wax kasta oo dhaca. Haddii qadarta ilaahay  si guud difaac looga galo waxaa adkaanaya in aan helno sawirka dhabta ah ee nolosha iyo kaalinta doonista iyo doorashada dadka ay ka ciyaarto xaaladda markaas taagan. Sidoo kale waxaa lumaya la xisaabtanka ku haboon qof walba oo ku fashilma shaqadii loo igmaday.

Qorsheynta nolosha ayaa ah farsamada kaliya ee aadanaha ku kala hormareen waqtigan la joogo. Waqtiyadii hore ma jirin hormar la taaban karo oo dadku ay ku kala duwanaayeen, waayo fanka qorsheynta nolosha ayaa ahaa farsamo  fudud oo bulshooyinka oo dhan ay si guud u wada garanayeen. Tusaale ahaan Soomaalidii noolayd dhowr qarni ka hor fanka qorsheynta nolosha waxay kala mid ahaayeen dadkii qarniyadii hore noolaa. Waana sababta aysan u  dhicin waqtiyadaas Soomaali aduunweynaha u soo gurmaday si macluul looga badbaadiyo.

Waqtigan la joogo nolosha waxay noqotay mid garasho fog la’aanteed lagu fashilmayo. Fanka qorsheynta mustaqbalka  fog ayaa ah barta ay ka saan qaaday nolosha casriga ah. Bulshadii aan fanka qorsheynta  mustaqbalka adeegsan waxay u dulowdaa umadaha ka baarandagay muuqaalka ay nolosha yeelanayso. Bulshooyinka la sheego in ay hormareen, waxay xooga saaraan in qorshe fog iyo mid dhow nolosha laga dagsado. Sidoo kale qorshaha waxaa la daba dhigaa talaabooyin is xig-xiga  si loo gaaro barta la qorsheystay. Haddii qorshaha shaqeyn waayo, qadar laguma marmarsiyoodo ee waxaa la is weydiiyaa sababaha cilmiga ah ee fashiliyay qorshihii la dagsaday. Tusaale ahaan, haddii masuul loo igmaday fulinta qorshaha nabad galyo ee dagmo ku fashilmo ilaalinta amniga, si adag ayaa loola xisaabtamaa, waxaana lagu qasbaa in uu si dag-dag ah isku casilo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladiisa waxay ku fashilmeen in ay ilaaliyaan amniga naftooda inta aan la gaarin nabadgalyada bulshada Soomaaliyeed. Maalin walba waxaan maqalnaa in caasimaddii hore ee Soomaaliya laga fuliyo qaraxyo iyo shirqoollo ka dhan ah nabadgalyada guud. Wali lama arag masu’uul lagula xisaabtamay fashilka ku yimid hay’adda qaranka ee uu joogo. Intii lala xisaabtami lahaa waxaa dadka loo sheegaa in qadarta ilaahay lagu qanco ka dibna la  duceysto. Soomaaliya waxay noqotay wadanka kaliya ee hay’adaha qarankiisa lagu maamulo duco iyo qadar lagu marmarsiyoodo.

Qawmiyada ku silicsan geeska afrika waxaa loogu dowgalay qorshe la’aaan ama qorshe  xumo. Dad badan oo aan aqoon sida ay u shaqeyso naxariista eebbe ayaa ku andacooda in nacasnimada Soomaaliya ka dhacday uu ilaahay qadaray. Dadkaas waxaa ugu daran kooxo wadaado ah oo carabaha batariga looga soo guro. Kacdoonka dhabta ah ee Geeska Afrika looga  baahanyahay ayaa ah mid dadka lagu barayo in eebe weyne uusan  qorin ama u qadarin nolol xumada haysata qawmiyadaha kala ah Oromada iyo Soomaalida. Qawmiyad kasta oo  aan qorshe fog iyo ficil la imaan sida Soomaalida waxaa ka soo ifbaxaya  foolxumada nolosha.

Qorshaynta  Nolosha waa   farsamo fudud oo u baahan garasho qaan gaar ah. Haddii qorshe cilmiyaysan oo lagu jaangooyay duruufaha dhabta ah ee deegaanka ka jira la dajiyo, waxaa laga guulaysan karaa: qaraxyada joogtada noqday, abaaraha soo noqnoqda, nabadgalyo la’aanta jirta, faqriga iyo faro marnaan la’aanta baahsan, cudurada halista ah ee cid ka badbaaday aysan jirin iyo waliba qalbi xumada iyo xaasidnimada dhaqanka laga dhigtay. Sidoo kale haddii qorshe  si fiican looga baaran dagay la hal-abuuro, waxaa laga guulaysan karaa kooxaha dad qalatada ah ee dadka ku harowsada qadarta eebe weyne.

W/Q: Cabdullahi M . Cawsey

Somali Think Tank

sthinktank@gmail.com

1 comment

  1. mahadyare says:

    tusaalayaashan soosocda waxaad tiraahdeen ‘tusaalayaashaas cilmiyeysan ee korkuxusan’ bal eeg “…mid kamid qabiiladii bililiqeystay caasimadii somaliya….”…..kasojeeda qabiilo qaxooti ku ah dalalka deriska ah” war alle kacabsada oo aflagaadada iyo qabyaalada umada hausoogudbinina …burburka adinkaa bilaabaya kowna ka ah waayo badalkii aad kashaqeynlaheedeyn hormarka dalka ayaad dibnoogu celineesaan fitankii qabyaalada ee umadaha aduunka noogahormareen awgeed …midakale sida kamuuqata qormaddinaan waxey uegtahay inaad beenineysaan qadarta eebbe (taas oo shardi u ah iimaanka qofka) adinkoo kasooqaadanaya fikrado gurracan dadyow qaarkood imankooda saxneyn ..ru
    meeya qadarka rabbi dadaalkiinana watta …waayo rasuulka nnkh waligii dagaal ma aadin illaa uukadiyaariyo ciidamo iyo sahay kufilan …
    waxaad iisheegtiin muxuu nabiga nnkh intuu seeftiisa qaato kaligii yiraahdana wixii alle qoraa dhici dabadeedna u aadi waayey dagaalka?

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here