Qaladdaadka Aqoonta Qallalan

Posted by on May 12, 2014 | Leave a Comment

booksLagama sheekeyn karo sida aqoonta casriga  ah “ Science”   loogu barwaaqoobay wixii ka danbeeyay markii garashada  loo garaabay. Waqtigan la joogo meel kasta adduunka, waxaa laga bogaadiyaa sida aqoonta u tahay barako dadka kaga bogsan karaan dhibaatooyinka nolosha ku lammaansan.

Qoraalkan koobani, wuxuu isku dayi doonaa in aqristaha uu  la wadaago aqoonta sidaa loo mahadiyay marka ay foolxumo iyo fashil ku noqoto nolosha caadiga ah ee dadka.

Siyaasadda iyo hoggaaminta oo ah xirfado si dabiici ah ama qaab kasbasho ah qofku ku baran karo, ayaa horseedda burbur iyo fool-xumo nololeed haddii aqoonta-qallalan “ Academia “ kaliya la  adeegsado. Fool-xumadan ku timaadda siyaasadda iyo hoggaamintu waxay si ba’an uga muuqataa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Dhul-Udug “Puntland” oo dhawaantan ka hana qaaday maamul  ay garwadeen ka yihiin aqoonyahanno qurbaha ka yimid.

Haddaba foolxumadii ugu danbeysay waxay dhacday maalmo ka hor markii ay isku dhaceen shacabkii Garoowe iyo  siyaasi  aqoonyahan ah oo si fiican u dhexdabbaashey laanta uu cilmiga ka bartay. Siyaasigan oo lagu magacaabo Dr Saadiq Eenow wuxuu ka mid yahay ragga faro ku tiriska ah ee Soomaaliyeed ee aqoonta dhabta ah leh. Aqoonta qallalan “ Academia”, waxaa u dheer Dr Saadiq Eenow in uu yahay, qoraa si xalladeysan fikradihiisa ugu gudbin kara dhigaalka Af- Soomaaliga. Ardayda sidaydoo kale  jecel in hal-abuur sare  ay ku aqriyaan Af- Soomaaliga, Dr Saadiq Eenow wuxuu u yahay macallin ay ka bartaan ereybixinta iyo farshaxanka qoraalka.

Warbaahinta Soomaalida waxaa laga baahiyay isbuucan odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin sheegay in ay matalaan shacabka Garoowe  oo eed iyo dacwo u haysta  Dr Saadiq Eenow. Nuxurka cabashada  raggaas waxaa ugu muhiimsanaa in Dr Eenow uu qadaf iyo meel ka dhac  u geystay shacabkii Garoowe ka dib markii uu ku tilmaamay in ay yihiin badow  toorey isla dhacda marka ay qooqaan! In tolka xumaan laga sheego, ayaa ah meel ka dhac weyn iyo gef aan geedna loogu soo gabban marka  wax lagu qiimeynayo dhaqanka Soomaalida.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay maxaa sababay in  ay iska horyimaadaan oo hadalku ka taagtaagmo shacabkii Garoowe iyo siyaasi  ku hubeysan   aqoon dhab ah sida Dr Eenow oo kale?

Muddo laga joogo qarni ku dhowaad, su’aashan oo kale waxaa isku dayay in uu ka jawaabo caalimkii cilmiga bulshada “Sociology” Md. Marx Weber. Sidoo kale mudane Weber wuxuu ahaa Faylasuuf cilmiga siyaasadda looga danbeeyo “ Political philosopher”  Billowgii qarnigii labaatanaad waddanka Jarmalka waxaa ka jiray jahawareer ku saabsan fahamka xiriirka ka dhexeeya  siyaasadda casriga ah  iyo aqoonta qallalan “Academia”.  Mudane Max Weber wuxuu ka mid ahaa waagaas raggii reer Jarmal ee aqoonta lagu tuhmayay. Dad badan, ayaa aaminsanaa in aqoonyahanka looga fadhiyo farsamadii lagu hoggaamin lahaa siyaasaddii reer Jarmal oo waqtigaas ahayd mid cakiran.

Qudbaddiisii caanka ahayd “ Politics as vocation”  ee uu u jeediyay ardaydii Jamaacadda “Munich University” sanadkii 1919kii,  ayuu mudane Weber   ku sharraxay qeexitaanka, macnaha, muuqaalka iyo shaqooyinka siyaasadda casriga ah ee qaran lagu hago.

Haddaba qaybta naga quseysa qudbaddaas, ayaa ah xiriirka ka dhaxeeya aqoonta- qallalan iyo fanka siyaasadda casriga ah. Weber, wuxuu aad ugu dheeraaday in qofka Siyaasiga ah laga doonayo in uu ku baraarugsanaado mas’uuliyadda ay leedahay culeyska hogaamintu. Wuxu qubaddiisa ku xusay siyaasiga in uusan ahayn aqoonyahan aqoontiisa-qallalan kaliya ku mashquula marka uu gudanayo xilka hoggaaminta. Siyaasiga dabiiciga ah wuxuu hoodo u leeyahay in fanka hoggaaminta u adeegsado farsamooyin isku dhafan  si loo gaaro hiraalka” vision” siyaasadeed ee uu higsanayo.

Sida uu sheegay mudane Weber, haddii ay dhacdo in qof siyaasi ah uu ku fashilmo fanka hoggaaminta waxay u badantahay in uu adeegsaday farsamo siyaasadeed laga soo dheegtay aqoon-qallalan, hal aragti, ama diin qudha. Baraarugga arrintani waxay u sahlaysaa in qofka siyaasiga ah  uu  yeesho dareen xilkasnimo oo ka tallaabsada  aqoonta-qallalan ee loo tabobaray, aragtida la saxan markaas , ama diinta uu aaminsanyahay si loo  hal-abuuro siyaasad guud oo bulshada  kala duwan u cuntanta oo ay ku soo hiran karaan.

Tusaale ahaan, Dr Saadiq Eenow waa dhaqtar loo tabobaray in uu daaweeyo cudurrada ku dhaca dhimirka” Psychiatrist.” Haddii uu hoggaaminta iyo xilka uu hayo u adeegsado xirfaddiisa dhaqtarnimada kaliya. waxaa laga yaabaa in ay u muuqato in dadka Dhul-Udug, gaar ahaan shacabka reer Garoowe in ay dhimirka ka bukaan. Sidaa daraadeedna ay qasabt tahay in tallaabo laga qaado badowda waalan ee tooreyda isla dhaca marka ay qooqaan!

Dhanka kale, waxaa laga yaabaa haddii uu Dr Saadiq Eenow ku baraarugsanaan lahaa dareenka xilkasnimo ee ku haboon siyaasadda carsiga ah, in uu wasaaraddiisa caafimaadka u dejin lahaa siyaasad lagu daweeyo dadka dhimirka  ka xanuunsan ee reer Garoowe, ayadoon odayaasha iyo siyaasinta waallan ama qooqan aan meel fagaare ah laga ceebayn!

Haddii uu ahaan lahaa dhaqtar madax bannaan oo aan xil hoggaamineed haynin, ma dhici lahayn in si weyn looga xumaado hadalka Dr Saadiq Eenow.  Waxaa loo arki lahaa kaliya aqoonyahan qurbaha ku soo wareeray oo aflagaaadeynta ehelka ilbaxnimo ka raadinaya! Haddase ma ahan aqoonyahan madax bannaan, waa hoggaamiye hadalladiisa ama dareenka uu muujiyo laga dhaxli karo qal-qal ama xasilooni siyaasaddeed. Waa dareenka la rabo in uu marwalba ku baraarugsanaado aqoonyahan  walba oo siyaasadda casriga ah damac kaga jiro.

Aqoonyahannada  Soomaaliyeed ee dhawaanahan siyaasadda soo galey, waxaa dhib ka haystaa muujinta dareenka xilkasnimo ee  ku habboon xilka siyaasaddeed ee ay raadinayaan ama looba doortay. Dareenka hoggaamintu  ma ahan mid aqoonta-qallan Academia lagu barto. Waa dareen ku yimaada si dabiici ama baraarug muddo badan  la joogteeyay.

Burburkii dawladnimada ka dib, Soomaaliya waxaa soo marey saddex siyaasi oo dareenkan xilkasnimo siyaabo kala duwan u muujiyay. Saddexdaas siyaasi way alleysteen. Geerida saddexdaas siyaasi ka dib siyaasadda Soomaaliya, waxaa isku cayrsanayay wadaaddo iyo aqoonyahanno aan ku baraarugsanayn dareenka ku haboon siyaasadda carsiga ah.

Fahamka iyo guusha siyaasadda carsiga ah kuma xirna aqoon sare oo laga barto jaamacadaha waaweyn. Qofka siyaasiga dhabta ah waa in uu leeyahay mala’awaal maskaxeed “Imagination” oo sawir guud ka siin kara muuqaalka bulshada uu rabo in uu hoggaamiyo. Nasiib wanaag siyaasi dabiici ah oo sawirkan oo kale  heli kara, ayaa dhawaantan loo magaacabay caasimaddii hore ee Soomaaliya. Duqa cusub ee Muqdisho mudane Muungaab, wuxuu muujiyay dareenka ku habboon xilka loo magacaabay.

Tusaale ahaan, qudbad si xamaasadaysan loo jeediyay, ayuu Muungaab qabiillada  Muqdisho meel fagaare ah ugu sheegay in waqtigii bililiqada la soo dhaafey, lana joogo waqtigii magaalada caasimad noqon lahayd oo dadkii Soomaaliyeed dib ugu soo laaban lahaayeen. Qudbaddii uu jeediyay Muungaab wuxuu ku gaarey guul siyaasaddeed ah in uu isku xiro dareenka guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo Caasimaddii la bililiqaystay labaatan sano ka hor.

Aqoonyannada siyaasada Soomaaliya  la soo galey aqoonta-qallalan kaliya  waxay cashar ku saabsan muujinta dareenka xilka hoggaamineed ka baran karaan mudane Muungaab. Haddii aysan casharkan baran mustaqbalkooda siyaasaddeed wuxuu ku danbeyn doonaa guul darro. Waaba aragnaa hadda saansaanta  guuldarasaas. Tusaale ahaan, waxaan aragnaa madaxweyne Barofasoor ah oo iska qoslaya dadkii Soomaaliyeed oo dhibaataysan. Dhaqaalayahan madaxweyne ka ah maamul goboleed oo safar caano cabid ah hadba tuulo ku tagaya iyo dhaqtar wasiir ah oo xoola-dhaqatadii Soomaaliyeed bodow qooqday ku tilmaamay!

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey
Somali Think Tank
Email: sthinktank@gmail.com

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here