Qalalaasaha Qarsoon ee Qarnigan!!

Posted by on Dec 18, 2016 | Leave a Comment

15631507_10154264719093651_387823761_o

Bishii hore waxaa gacantayda soo galay buug ay xiiseeyaan dadka daawada muuqaalada qarsoon ee shaqsiyada qofka. Buuggan wuxuu si cilmiysan u qaadaa dhigayaa qalaalasha qarsoon iyo burburka shaqasiyadeed ee sida dad badan u horseeday isqabqabsiga siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee taagan qarnigan la joogo.
 
Buuggu wuxuu ku doodayaa in qalalaasaha qarsoon ee qarnigan uu ku saabsanyahay qallooc ku dhacay qaab-sameysaka dunta hoose ee shaqsiyadda nool waqtigan casriga ah. Doodda ugu weyn ee buuggan soo gudbinayo waa in dhaqanka casriga ah iyo suuqa xorta ah laga dhaxlay shaqsiyad qaawan oo ku mashquulsan is muujin, magac raadis iyo muran joogto ah. Doodda buugga wuxuu cuskanayaa caddeymo cilmi ah oo laga soo dheegtay mid ka mid ah cudurada ku dhaca shaqsiyadda qofka.
 
Labada aqoonyahan ee qoray buuggan waxay toban sanno ka hor bilaabeen cilmi baaris muddo socotay oo ku saaban faafida cudurka nafsiga ah ee afka qalaad lagu dhaho ” narcissism” oo lagu af soomaaliyayn karo “qof-isla dhacsan oo cirkaas maraya” iyo saameynta cudurkan ku leeyahay muuqaalada guud ee dhaqanka iyo dhaqaalaha reer galbeedka. Tusaale ahaan waxay ogaadeen in waqtigan la joogo boqolkiiba 80% dhalinyarada dhigata jaamacadaha waddanka maraykana aaminsanyihiin qataroosnimo aan loo gali karin.
 
Xogtan waxay barbardhigeen, cilmi baaris kale oo qarnigii dhamaaday bartamihiisa ardayda jaamacadaha maraykanka lagu weydiidyay su’aalo ku saabsan cudurka ” narcissism”. Tusaale ahaan sanadkii 1950 ardayda dhigata jaamacadaha maraykanka boqolkiiba 12% kaliya ayaa aaminsanaa in ay yihiin qataroos la mid ah ina-libaax sanka taabte oo kale. Haddaba labada nin ee qoray buuggan waxay is weydiiyeen sababaha cilmiga ah ee ka danbeeya faafidda cudurka ” narcissism” iyo dhibaatooyinka laga dhaxli karo cudurkan nafsiga ah ee faraha ka baxay.
 
Buuggan waxay ugu magacdareen ” The Narcissim Epidemic” oo lagu af- soomaaliyayn karo daacuunkii ka dilaacay nafta-isla dhacsan! Cilmi baaristan waxay labada qoraa ku ogaadeen in daacuunka noocan ah dunida casriga ah u horseeday dhaqan qallafsan oo qof walba ku qasbaya inuu harsan waayo maadama lagu jiro tartan aan dhamaad lahay oo lagu muujinayo magaca iyo mucjisooyinka qof walba u gaarka ah” Self admiration.”
 
Tusaale ahaan waxaa faafay dhaqanka ah in qofka lagu qiimeeyo muuqaalka iyo shilimaadka ka sharqama jeebkiisa. Qiimaynta noocan ah waxay horseeday in qof walba ku qanci waayo qiimaha dabiiciga ah ee looga soo qoondeeyay lowxul maxfuudka. Mar haddii cudurka noocan ah daaqada kala baxay qiimaynta dabiiciga ah ee ka madaxa bannaan muuqaalada nolosha, waxaa abuurmay shaqsiyad qaawan oo aan isku kalsoonayn oo had iyo jeer ku mashquulsan magac raadis joogto ah.
 
Magac raadiska joogta ah waxaa laga dhaxlay musuqmaasuq daran oo ku dhacay qaababkii dabiiciga ahaa ee loo qiimayn lahaa shaqsiyada iyo wax qabadka qofka. Tusaale ahaan, aqoonyahannada buuggan qoray waxay ku doodeen in qarnigan bilowga ah la arki doono shaqsiyaad ku mashquulsan raadinta magac iyo manfac aan lagu kasban muruq iyo maskax midna marka la eego musuq- maasuqa socda dartiis. Saadaalintii ragaas dheg jalaq looma siin, balse wixii ka danbeeyay doorashadii Trump, waxaa cadaatay in ragaas ku saxsanaayeen saadaalintii ay aqrisyaasha la wadaageen toban sano ka hor.
 
Sababta ugu weyn ee dabada ka riixaysa qalaalasaha ku dhacay shaqsiyada dabiiciga ah ee qofka nool waqtigan casriga ah ayaa lagu sheegay faafida dhaqanka cuskan in la qiimeeyo oo waliba la qadariyo shaqsiyaadka caanka ku noqday warbaahinta iyo filimada la jilo”Celebreties.”
Qarniyadii hore waxaa caan noqon jiray qof maqaadiirta u qoondeysay karti iyo karaamo u gaar ah. Wixii ka danbeeyay kacaankii warshadaha iyo teknoolajiyada, waxaa bilowday dhaqan ku baaqaya in qof walba uu karaamo iyo karti  gaar ah leeyahay, qasabna ay tahay in in karaamadaas laga guul gaaro” Individualism”.
 
Dhaqanka noocan ah ee ku baaqaya in qof walba gaarkiis qataroos u yahay iyo waliba qadarinta iyo qiimaynta xad dhaafka ah ee ay heleen shaqsiyaadka caanka noqday ” Celebreties” waxaa ka dilaacay daacuunka la magac baxay ” faafidii nafta-isla dhacsan”- The Narcissim Epidemic” Qayb ka mid ah cilmi baarista ku xusan buugan waxaa lagu ogaaday in tiro aad u badan oo ka mid ah dadyowga ku nool wadamada hormaray, ay baadigoob ugu jiraan muujinta burhaantooda gaarka ah. Baadi-goobka noocan ah waxaa laga  dhaxlay farxad la’aan iyo xanaaq badan waayo wuxuu qofwalba wuxuu  tartan adag kula jiraa guud ahaan bulshada oo dhan.
 
Dhanka kale, qorayaasha buuggan waxay sidoo kale tilmaameen, in qarnigan la joogo la arki doono shaqsiyaad magac iyo maamuus ka raadiya waxyaabo waayadii hore laga xishoon jiray. Mar haddii muhiimadu tahay in magac la yeesho, qofka qaba cudurka ” nafta isla dhacsan” wuxuu aaminsanyahay in sheeko walba iyo dhacdo kasta ka buuxaan fursado caan lagu noqon karo ama lagu muujin karo karaamada iyo kartida u gaarka ah. Dooda noocan ah waa mid cuskan xaqiiqooyinka ka muuqda nolosha casriga ah  marka la eego waalida ka socota warbaahinta bulshada” Social media.”
 
Inkastoo buuggan laga qoray qalaalasha qarsoon ee ku soo maqan dhaqmada ka jira wadamada hormaray, haddana waa buug wax badan ka tilmaami kara buufiska iyo waalida ka socota wadamada soo koraya. Tusaale ahaan qarnigan la joogo, dalalka soo koraya iyo wadamada burburay sida Soomaaliya oo kale waxaa magac iyo manfac ka soo raadiyay shaqsiyaad dadnimadoodii ay naafeesay cudurka uu buugan sida cilmiyaysan u soo bandhigayo. Shaqsiyaadka noocan ah waxay magac iyo maamuus ka raadinaan magac xumada iyo duruufaha adag ee  dalka ka jira.
 
Soomaalida kuma badna aqoonyahanno si fiican u bartay cilmi-nafsiga iyo aqoonta cilmiga bulshada kuwaas oo ka sii digi kara qalalaasaha ku qarsoon shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah ee nool qarnigan la joogo. Nasiib wanaag Soomaalida waxay leeyihiin abwaano iyo fanaaniin aad uga fiiro dheer ugana horreeya kuwa la midka ah ee ku nool wadamada Afrika.
 
Tusaale ahaan, fannaaniinta Soomaalida ayaa dhawaan bilaabay riwaayad caan noqotay oo siyaab leh u gudbinaysa fariinta cilmiga ah ee buggan lagu qoray. Qofkii fahma fariinta riwaayada qooto-qooto, uma baahna inuu buugan aqriyo waayo wuxuu si fudud ku fahmay calaamadaha u gaarka ah cudurka nafta isla-dhacsan ee qarnigan la joogo qalaalasha qarsoon ka wada dunida !
 
W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey.
 Email: sthinktank@gmail.com

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here