Saadaashii Faylasuuf Suuleey!

Posted by on Mar 08, 2015 | Leave a Comment

rosey-strong-womanWaqti dhexdaas ah waxaan aqristayaasha la wadaagey casharo falsafadaysan oo aan ka bowsaday oday Falasafadda ku falnaa oo  yaraantaydii qaab kadis ah aan ula kulmay. Duruustii uu bixin jiray  Faylasuuf Suuley waxay u badnaayeen doodo ku aaddan: nolosha, dhimashada, nacasnimda,  qabyaaladda, cirweynida, qarannimada, diinta , suugaanta, qayilaadda iyo waliba qaababka ugu fiican ee duqeyda ula heeshiin karaan gabdhaha loo soo qoor-qabtay si ay ugananastaa buuqa islaanta bahweynta ah. Doodahaas waxay  la mid ahaayeen  badweyn uu ka bixi karo qof diyaar u ah in uu garashada ruxo asagoo adeegsanaya shaq-shaq ama caano-miir si loo kala sooco quwadda maskaxda iyo qashinka ku dahaaran. Qofkii daneenaya in uu wax ka ogaado qayb ka mid ah casharadii aan ka bowsaday  iyo  qaabkii aan ku bartay mudane Suuleey, wuxuu aqrin karaa maqaalkii la magac baxay ” Suuleey: Faylasuufkii la Toogtay

Dood ku saabsan munaasabadda 8 March oo ah maalinta dumarka aduunka ayaa xaley si kadis u bilaabatay  mar aan asxaabta kula caweenayay barta facebooka  ku leeyaha mudane Axmed Deeq oo ah xidig ka dhex muuqda dhalinyarada waayahan danbe   dhiiga cusub ku dhaqaajiyay qalinka iyo dhigaalka Far Soomaaliga. Intii ay doodda socotay ayaan waxaan soo xasuutay qodob mudane Suuleey uu si dulmar ah uga doodi jiray. Dhaqanka dadka caqliga leh waxaa ka mid ah in aan lagu mashquulin afaaraha gaarka ah ee dadka, balse la isku dayo in garashada “ intellect” lagu jeex-jeexo sababaha cilmiyaysan ee ka danbeeya in dadku ay u dhaqmaan si u gaar ah ama hab ay kaga Dayton duulal kale. Nasiib darro, raggii shaaha iyo sheekada  u soo  doonan jiray maqaayaddii Suuleey ku qayili jiray, waxay u badnaayeen rag  aragti  dheer aan lahayn oo   badanaa ka hela in lagu  mashquulo nolosha shaqsiga . Tusaale ahaan, waxaa dhici jirtay in ay sheeko ka furaan dakhliga oday Suuleey iyo qaabka uu nolol maalmeedka ku dhacsado  Si aad qoraalka  oo dhan u aqrisid Riix Halkan.

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here