Shaydaanka ma soo galaa Facebook?!!

Posted by on Apr 24, 2013 | 2 Comments

Ma xasuusto markii ugu horeesay ee aan shaydaan maqlo, laakiin waxaan xasuustaa maalintii ugu horeesay ee aan ninkii shaydaan ahaa ka fakero ama aan su’aalo iska weydiiyo shaqooyinka uu qabto. Waxaan xasuustaa caruurnimadaydii in xilli arooryo ah oo qoraxdu aysan wali si fiican u soo bixin ayaa waxaa si qaylo iyo handadaad ah hurdada iiga kiciyay nin xirow ahaa oo aan guri wada jiifnay.  Xirowga wuxuu ka xanaaqsanaa hurdada ila tagtey oo salaaddii subax  i dhaafsiisay.  Cod qaylo iyo canaan iskugu jira ayuu hurdada iiga salaliyay, waxaana erayadiisa ka mid ahaa ” Waryaa ka kac meesha, sheydaan baa xaley oo dhan dhegaha kaaga kaadinayay, waa taas sababta aad salaadda subax ugu kici waysay.” Markii uu waagii baryay ayaan waxaan aadey dugsi Quraankii  si aan u soo loox jiito. Badanaa marka dugsiga Quraanka  la joogo waxaa dhici jirtay in ay caruurta ii soo dhuuntaan,  maadama aan aahaa ilmo sheeko badan oo caruurta madadaaliya saacadaha qallafsan ee dugsiga la joogo. Macalin Jimcaale  oo ahaa nin dabeecad xun ayaa wuxuu arkey anigoo caruurta  sheeko maad miiran ah uga sheekeenaya. Intuu dhengad soo qaatey ayuu si arxan daro ah ii xanuujiyay asagoo ku qaylinaya: Waxaad tahay sheydaan yar oo dugsiga ku soo dhuuntey si uu caruurta Quraanka iyo qeyrka  uga mashquuliyo!

Maalintaas waxay ii ahayd maalin murugo iyo ciil aan waligey illoobi doonin. Anigoo aad u careysan ayaan waxaan is weydiiyay su’aalo badan oo sheydaanka ku saabsan. Su’aalihii badnaa ee aan iwseydiiyay  waxaa ka mid ahaa: Sidee ku dhecday in macalin Jimcaale uu kugu eedeeyo in aad tahay sheydaan? Soo  tii sheydaanku  ahaa wax xun  oo dadka iyo caruruta  marka ay hurdaan dhegaha uga kaleetiya? Sidee u noqon kartaa Sheydaan dadka habeenkii dhegaha uga kaadsha, subaxiina caruurta qayrka ka   duufsada? Soo taan ahaa miskiin dhibane ah ka dib markii  xaley shaydaankii runta ahaa dhegaha iiga  kaadshey oo salaadii fadliga badneed ee fajriga  I seejiyay? Ma aanan helin cid iga caawisa jawaabaha su’aalahii badnaa ee maskaxdeyda ka guuxayay maalintaas. La yaab ma lahayn in aan waayo cid iga  caawisa jawaabahaas  waayo caruurta ku silicsan geeska Afrika ma helaan cid uga jawaabta  su’aalaha waaweyn ee ay nolosha iyo naftooda  ka qabaan. Maalmo badan ayaa waydiimahaas maskaxdeyda wareerinayeen.

Nasiib wanaag, maalin ayaa anigoo wareersan waxaan soo booqday Ayeeyo oo ahayd qof garasho dabiici ah Eebbe weyne ugu deeqay.  Inta badan markaan nolosha ku so wareero waxaa caado ii ahayd inaan Ayeeyo soo booqdo si bal aan uga nafiso wareerka iyo welwelka  waayahayga nololeed ee caruurnimada. Inta aan Ayeeyo la joogo, waxaan heli jiray fursad dahabi ah oo aan  ku dhageesto sheekooyinkii waayo waayo ee  ku saabsanaa sooyaalka Soomaalida. Maalintan aan ayeeyo soo booqday way ka duwanayd maalmaha kale. Ayeeyo waxay dareentay in  si wax iga yihiin  oo aanan faraxsaneen. Intay ii soo dhawaatey  ayay tiri “ waryaa yaa ulahan jirkaada ka muuqda kugu dhuftay? Ayeeyo macalin Jimcaale  ayaa   six un ii  garaacey ayaan ku jawaabey anigoo ciishoon.  “Ma wax xun baad sameesay, macalin Jimcaale  nin fiican buu ahaaye” sidaa waxaa yiri Ayeeyo oo yaaban.  Waxaan u sheegay Ayeeyo in la igu eedayay in aan ahay sheydaan yar oo dugsiga ku soo dhuuntay si uu caruurta  uga mashquuliyo qeyrka iyo quraanka.  Ayeeyo Intay cabaar aamustay ayaa  waxay hadalkii ku bilowady hadal sidan ahaa oo aan waligey iloowbi doonin “ Maandhow sheydaan shaqo kale miyuu waayey markuu caruurta ku mashquulayo, sheydaan waqti iskagama lumiyo caruuta iyo dadka waalwaalan midna , ee ninkii ilmo yar shaydaanimo ku eedeeyay waxba kalama oga, wuxuuna la midyahy Rati mici gamaar ah oo dhul cidlo ah iska durduriyay” . Hadalka Ayeeyo wax weyn baan ka fahmay, waxaana ogaadey in eedda macalin Jimcaale in ay tahay waxba kama jiraan iyo in   macalin Jimcaale uusan waxba dhaamin Awrta lagu guuro!

Waqti ka mid ah caruurnimadaydii ayaa waxaan jaceyl qoto dheer isku qaadney gabar aan ku kulaney mid ka mid ah makiinadaha cajiinka lagu shiido  ee xaafadeena  ku yaaley. Inkastoo ay iga yara wayneed Deeqa, hadana waxay I siisay fursad aan ku dhadhamin karo dareenka  dabiiciga ah ee kalgacalku leeyahay. Heer aynaan filanayn  labadeena ayaan isla gaarney, ilaa uu qofba qofka kale daqiiqad moogaan kari waayo. Waxaan xasuustaa in habeenno badan  luuq luuqyada mugdiga ah ee xaaafada isku weydaarsannay erayo xanbaarsanaa dareen qoto dheer oo aan ka dhicin midkii dhex maray  Qays iyo Leyla.  Maalin maalmaha ka  mid ah waxaa ii timid Deeqa oo aan faraxsanayn oo si u yara sirgaxan. Markii aan weydiiyay waxa dhacayna, waxay ii sheegtay sheeko yaab leh si kalana  qalbi jab u ahayd. Waxay tiri ayadoo hiinraagaysa hadal aan ka xasuusto “Xaley waxaan soo dhageystay muxaadaro masaajika ka socotay..waxaana soo ogaadey in sheekadeena ay tahay sheeko shaydaan! Sababtoo ah  waxaan isku noqonay shaydaan oo qayrkii iyo cibaadadiiba waxaa na seejiyay shukaansi iyo jaceyl xaaraan ah”. Anigoo naxsan ayaan waxaan soo xasuustay hadalkii Ayeeyo ee ahaa in  shaydaanku caruurta waqti iskaga luminin, waxaana isku dayay in  xaqiiqdaas aan la wadaago Deeqa. Nasiib darro  Deeqa  kuma aysan qancin xaqiiqdaas. Wixii maalintaas ka danbeeyay, kalkacalkii qiimaha badnaa wuxuu eersaday muxaadaradii sheydaanka looga been abuurtay!

Sheeko  xiiso badan oo sheydaanka ku saabsan ayaa waxay ka dhacdey  magaalada Nairobi. Si kadis waxaa hal  mar  lagu baraarugey wadaadadii wahaabiyada ee Nairobi oo masaajidyada kaga digaya qaxootigii Soomaaliyeed ee Kenya joogay sheydaan weyn oo ku soo fool leh magaalada. Shaydaankaas weyn ee ay wadaaddadu ka digayeen wuxuu ahaa nin aan waa danbe ogaaney in uu yahay fanaan  ka mid ah fanaaniinta waaweyn ee Soomaalida. Wadaadka ugu weyn wahaabiyada Kenya ayaa wuxuu si waalli ah uga dabo qaatey booqashada gaaban ee fanaan Samatar ku soo booqanayay dadkii Soomaaliyeed ee Kenya ku casuumay. Qudbooyin isdaba joog ah ayuu wadaadku wuxuu ku sheegay in bandhig faneedka uu qaban doono mudane Samatar uu yahay bandhig uu shaydaanku rabo in uu Soomaalida Nairobi ku fadareeyo. Cidna ma dhageysan qaylo dhaantii wadaadka. Dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee Nairobi joogey waxay si wadajir iyo qalbi furnaan ah uga wada qaybqaateen badhig faneedkii hoobal Samatar ku madadaaliyay dadkiisa ay mudada is moogaayeen.

Nasiib wanaag waxaan ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee sida fiican ugu soo nafisay xafladii qoob ka ciyaarka ahayd ee mudane Samatar ku qabtay Nairobi. Dadkii habeenkaas xaflada ka soo qab galay waxay iskugu jireen, dumar, caruur, iyo rag ka koobnaa cirroole iyo garmadow.Intii lagu guda jiray qoob ciyaarka iyo farxadda ayaan waxaan si kadis ah su’aal u weydiiyay nin aan meesha kula kulmay. Wuxuu ahaa nin da’ dhexaad ah ah oo diihaal iyo daruuf adag ay dhafooradiisa ka muuqdaan. Wuxuu ii sheegay in uu ka yimid gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Su’aashii kadiska ahaa ee aan weydiiyay waxay ahayd” Sidee u aragtaa wadaadkii ku tilmaamay xafladdan kulan shaydaan?” Jawaabtii uu  i  siiyay asagoo jidbaysan waxay ahayd “Ina aabbow,  marka hore nacalla shaydaan ku yaal, marka xigtana  kobtan  oo kale  ayaaba shaydaanka lagu naaraa!”

Nin aan saaxiib nahay oo aan muddo is moogayn ayaan waxaan si kadis ah ugu kulanay facabook. Sheeko guud ka dib, sheekadii waxay nala gashay falsafad iyo in aan is weydiino su’aalo cilmi ah oo ku saabsan buburka Soomaaliya ka dhacay. Dooddii saaxiibkay waxay u badnayd in sababaha burburka Soomaaliya uu ka danbeeyay sheydaan Soomaalida ka adeegtay. Anigoo aragtida  saaxiibkay  ixtiraamaya ayaan waxaan waydiiyay muxuu shaydaanku ku falayaa Soomaaliya asagoo heli kara in uu ka adeegto ama burburiyo dhulweynaha shiinaha oo ka dad iyo qayraad badan Soomaaliya. Jawaabtii saaxiibkey waxay noqotay in shaydaanka iyo shiinaysku ay tol iyo xigaalo yihiin, sidaa daraadeena aysan dhacayn  marnaba in shaydaanku barakiciyo dad ay qaraabo yihiin sida shiinaha.

Sheekadii dhankale oo xiiso badan ayay nala aadey. Waxaan is weydiinay sababta uu shaydaanku u ruxo ama uga adeegto qaarka danbe  ee naagaha buur-buuran. Su’ashaas waxaan uga jawaabnay si waafasan sida ay diintu sheegtay oo ah in shaydaanku rabo in uu  rag  badan oo waxmatayaal ah uga  mashquuliyo salaadaha iyo qayrka. Cabaar ayaan ka nasanay su’aalihii baas ee shaydaanka ku saabsanaa. Waxaan iska wareesanay hawlaha shukaansiga iyo facebook. Saaxiibkay wuxuu ii sheegay in dhawaan uu gabar ka caashaqay facebook ka dib markii ay muddo  sheekaysanayeen . Sida uu saaxiibkey ii sheegay, shukaanisga facebook ma ahan arin sahlan wuxuuna  halis u yahay in shaydaanku ka dhax shaqeeyo mucaashaqiinta kala fog. Qorshaha saaxiibkey wuxuu ahaa in uu mar walba ku dadaalo in uusan fursad siinin shaydaan ka dhex adgeegta asaga iyo gacaladiisa. Anigoo yaaban ayaan waxaan   saaxiibkey waydiiyay :   Shaydaanka ma soo galaa facebook?

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Somali Think Tank

Email: sthinktank@gmail.com

2 comments

  1. Hali Luqman says:

    Qoraaga Abdullaahi Aad baan ugu mahadnaqayaa, maqaalkan Xiisaha leh ee uu u dooray cinwaanka sare. Dhanka kale, waxaan bogaadinayaa webkamera oo dhabtii inoo soo tabiya qoraalo iyo maqaalo xambaarsan aqoon iyo fogaal durugan.

    Waxaan rabay oo kale ah, inaan qoraaga oo aan filayo inuu in badan iiga aqoon badan yahay taariikhda Geeska africa iyo tan Soomaaliyeedba inuusan adeegsan erey bixinta Gumeysiga Axmaarada iyo Tigreegu ugu yeeedhaan: soomaalida Itoobiya, oo ah magac bixin aan tixraac lahayn, iyagoo diidan inay ugu yeedhaan magac dunidu u Taqaan ee dhulka Soomaaliga Ogadenia.

    Ugu dambeyn, waan kugu raacsanahay habkan naqdinta maangalka ah ee Aad u soo dhigtay, dooda shaydaan ku saabsan ee mujtamaceenu ku wareersan yahay.

    Mahadaanid.
    Hadiluqman
    Norway.

  2. khadar says:

    Asc sxb nin caqli iyo mixnad ilaahey u dhaliyey ayaantahey waan ladhacey sheekadaada dad badan oo walaalahaga somaliyed ahna wey anfaceysaa mixnada sheekadani xabaarsantahey ee jasaa akalaa kheyr ayaad warantey

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here