Subscribe by Email

Suubban Yarey (Sheeko Gaaban)

Abaaro ba'an oo geyiga ka jira
Waa xilli abaar ah, roob barinka ka da’anawaxaa ugu danbaysay waqti hore. Dhammaan xoolaha iyo dadka waxaa ka muuqda diif daran. Xaaladda nololeed ee tuuladu waa mid aad u liidata, yar iyo waynna waxaa loo noolyahay si dirqi ah oo aan nolosha dugaagga wax badan dhaamin. Rajadu ma wacna, qof kastaana waxa uu ku jiiftaa quus, wuxuuna ku soo toosaa rajo xumo. Haddii aan roob iyo raxmadda Eebbe si dhakhso ah loo helin, waxaa la hubaa in dhammaan dadka iyo duunyada tuulada joogaa ay aakhiro u galban doonaan. Waxaa intaas oo dhan ka sii daran waxa lagala kulmi doono aakhiro haddii abaarta darteed loo le’do? In aakhiro laga baqo waxaa u sabab ah in tuulada ay ka dhaceen falal aad u gurracan oo diinta Alleh ay aad uga digtay. Tuuladan waxaa hadda ka hor laga bara kiciyay beeshii daganayd, markii tuulada la qabsanayayna waxaa ka dhacay kufsi daran iyo xasuuq ba’an. Culumo dhif ah ayaa ku baaqday in tuulada laga sameeyo roob doon!

Muddo aan sidaa u sii fogeyn waxaa tuulada ka dhacay dagaal qaraar oo aad la iskugu xasuuqay. Dagaalka wuxuu ahaa jihaad xaq ah oo beeshii laga bara kiciyay tuuladu ay soo qaadeen si ay degaankooda dib ugu qabsadaan. In kastoo ay dadaaleen haddana jihaadkii wuxuu ku dhammaaday guul darro, balse markasta oo jihaad xaq ah la galo waxaa la helaa ajar aysan fahmi karin doqomadu. Badi dadka tuulada ku nooli waxay wadaagaan hal xirfad oo kaliya, waana xirfadda burcadnimada. Way jiraan xayn aan badnayn oo iska tuugsata ama iska ducaysta, hase yeeshe waxaa badan inta caabudda qoriga caaradiisa. Wajiyada dadka waxaa ka muuqda farxad qabyo ah, balse qalbiyadooda waxaa jiifta cuqdad iyo ciil is barkan. Qof kasta wuxu ku mashquulsan yahay sidii uu uga takhalusi lahaa qof kale. Siyaabaha la isku khaarijiyo tuulada dhaxdeeda way badan yihiin, inta wax khaarijisana waxaa ugu arxan daran wadaaddada.

Dagaalka dhacay tuulada

Beesha tuulada xoogga ku haysata waxaa ku dhacay musiibo daran. Mar aan sidaa u sii fogeyn, waxaa dhaawac soo gaaray u dhintay suldaankii beesha. Waxay ahayd geeri naxdin leh. Suldaanku wuxuu ahaa nin dhammaan beeshu ay aad u jeclaayeen marka laga reebo naagtiisa oo u aragtay nin laga caqli badan yahay. Wuxuu ahaa halyay si raganimo leh uga qayb qaatay dagaallo beeshiisu ay la gashay beelaha kale ee ay jaarka yihiin. Sidoo kale wuxuu ahaa aftahan beeshiisa ku difaaca af iyo adinba. Wuxuu maarayn jiray naftiisa iyo jifadiisa oo kaliya. Wuxuu si ba’an u aaminsanaa in jifada uu suldaanka u yahay ay xaq u leeyihiin in beelaha kale ay boobaan. In uu sidaa u fakaro kuma uu qaldanayn, waayo wax kale oo uu ka fakaro maba aysan jirin. Inta badan noloshiisa wuxuu ku tabiyay xanaaq iyo cuqdad. Malaha wuxuu xoogaa nafis ah dareemi jiray marka uu u galmoonayo xaaskiisa Caasho carrab dheer!

Waxaa lagu guda jiraa tacsidii suldaanka. Guullane waa curadka suldaanka xijaabtay, wuxuuna sida wedkiisa u hubaa in mardhow loo caleema saari doono jagada uu aabihiis uga dhintay. Way jiraan kuwo cuqdad iyo nacasnimo liidata kala daba yuusaya, balse ma jiro nin xiniinyo leh oo ku dhaca in uu hadal ka keeno caleema saarkiisa. Waa jago xaq ah oo xilli xaq ah ku soo aadday. Wuu ogyahay in uusan caqli badneyn, sidoo kalena wuxuu la socdaa in qof maskax fiican leh aanba loo baahnayn. Ma aha nin rafaad arkay oo maalmihiisu way isu wada ekaayeen. Wuxuu ku barbaaray guri suldaan, wuxuuna dhiman doona asagoo suldaan ah!

Tacsidii ka dib waxaa la guda galay qaban qaabada caleema saarka ugaaska cusub ee beesha. Inkastoo abaar darani ay jirto, haddana waxaa beesha ka go’an in aysan dib u dhigin xafladda caleema saarka. Qaaraan qasab ah ayaa laga bilaabay tuulada si xafladda caleema saarka loo bilo. Dhaqaalaha ugu badan ee la filayo ayaa ah qaaraanka dumarku ay soo ururiyaan. Hooyooyin badan oo aan carruurtooda waxba u hayn ayaa laga sugayaa in ay dhaqaale u soo ururiyaan suldaanka nacaska ah! Ma aha arrin dumarka lagu qalday ama lagu qasbay ee waa arrin ay qudhoodu ku faraxsan yihiin.

Qorraxdu aad bay u kulushahay, waxaana la wada tuban yahay meel fagaare ah oo ka yara baxsan tuulada. Waxaa la dhisay waab wayn oo qaadi kara dad badan, safaf dhaadheer ayaana la galiyay dumar iyo carruur badan oo baahan. Mashxarad iyo buraanbur baa halmar is wada qabsaday. Dadku cod dheer kuma ay qaylin karaan gaajo darteed, balse waxay isku dhibayaan in ay ku dhawaaqaan “Soo dhowow Suldaan”. Odayaal aad moodid in aysan waligood naxariis arkin ayaa waabka dhisan dhan walba ka fadhiya, meel ku aaddan bartamaha waabkana waxaa yaal kursi gaaban oo madow oo lug ka jaban. Dhanka midig ee kursiga waxaa ka soo muuqda wadaaddo iyo kuwa lagu sheegay in ay gabyaan. Ujeeddada ugu badan ee ay wadaaddadu uga soo qayb galeen xafladda caleema saarka ugaaska ayaa ah in ay wixii duco ah oo karaankooda ah aysan la harin. Sidoo kale kuwa gabya ayaa raba in ay maansooyin caato ah uga farxiyaan suldaanka cusub!

Qaddar mashxarad ah ka dib, waxaa dhanka bari ka soo muuqday koox aad u abaabulan oo galbinaysa Suldaanka. In yar ka dib waxay soo gaareen waabkii loo dhisay xafladda, dadkii ayaana halmar sacab iyo mashxarad wada bilaabay markay arkeen ugaaska buuran ee la dhaqaaqi la hilibka iyo baruurta. Ugaasku waji kaaki ah ayuu ku eegay dadkii iskugu soo baxay in ay caleeemo saaraan, waxaana is wada qabsaday alalaaskii iyo sawaxankii dadka si ay mar uun u arkaan farxadda Suldaanka. Markasta oo ay dadku sacbiyaan suldaanku waxa uu ka sii qaadayay xanaaq daran, wajigiisuna wuxuu u ekaa rooti si xun loo dubay oo kale! Guddigii abaabulayay xafladdu waxay guda galeen in ay furaan xafladda ayagoo halkaas ka soo jeediyay khudbado gaagaaban. Marna ma aysan dhicn in uu suldaanku dhoola caddeeyo waayo wuxuu aaminsanaa in dadka isku soo baxay ay ahaayeen hanti uu leeyahay, haddii aysan hantidiisa ahaan lahayn ma ay dhacdeen in ay danahooda ku seegaan caleemo saarka Suldaan nacas ah.

Suubban waa inan yar oo hooyadeed u soo raacday xafladda caleemo saarka. Sida ay u yartahay iyo garashadeedu isma laha. Markii ugu horraysay ee ay aragtay suldaanka xanaaqsan ayay garatay in uu yahay maan gaab aan u qalmin in wax la waydiiyo. Markiiba way ku caajistay xafladdii ay doqomadu soo abaabuleen, wax niyad ahna uma aysan haynin waxa meesha ka socda. Suldaan Guullane markiiba wuu gartay in aysan Suuban yarey la dhacsaneyn, si xun iyo waji xun ayuuna marwalba ku eegayay dhanka Suubban. Xafladdii waxay ku soo gabagabowday Suuban yareey iyo Suldaan Guullane oo si hoos ka tuur ah isku haruufay!

Xafladdii caleema saarka ka dib, Suubban iyo hooyadeed Amran waxay u dhaqaaqeen dhankii gurigooda. Intii ay waddada sii socdeen, waxaa maskaxda Suubban ka guuxayay su’aalo badan oo ay iska waydiinaysay meesha ay ka timid iyo waxyaabihii ay ku soo aragtay. Waxaa aad u adag in tuulada laga helo shaqsi ku dhiirran kara in uu si hufan uga jawaabo su’aalaha adag ee Suubban ay soo bandhigi lahayd la waydiin lahaa. Hooyo Amran, way garatay in gabadheeda yar ay si wax ka yihiin. ” Hooyo maxaa ku helay oo aad la maahsan tahay?”, ayay waydiisay inanteeda yar, ” Hooyo waan fiicnahay oo waxba iguma dhicin”, ayay ku jawaab celisay Suubban yarey. ” Alla maya hooyo ii sheeg waxa ku helay, caadi ma tihide”, ayay Amran ku tiri gabadheeda wareersan.

Intii ay su’aalaha is waydiinayeen waxay soo gaareen afaafka hore ee gurigooda. Wali Suubban uma aysan sheegin hooyadeed waxay ay ku fakarayso iyo su’aalaha ay jeclaan lahayd in looga jawaabo. Malaha ma aysan doonayn in ay mawjado su’aalo ah ku furto hooyadeed xilligan abaarta daran ay ka jirto deegaanka. Waxay gudaha u sii galeen aqalkooda. “Wali iimaaadan sheegin waxa kugu dhacay”, ayay hooyo amran ku tiri Suuban ayadoo u sii dhaqaaqaysa dhanka dhawr neef oo Ari ah oo reerka ug xiran geed aan ka fogeyn irrida aqalka. Wixii intaa ka danbeeyay waxay sii guda galeen hawl maalmeedka ay hooyo iyo gabadheeda u qabtaan reerka.

Suubban waa 11 jir, waligeed kama aysan qaybgalin xaflad aan ka ahayn aroosyada tuulada ka dhaca xiliyada barwaaqada ah. Sida ay u yartahay iyo garashadeeda isma lahan. Waxay marwalba xiisaysaa in ay u kuurgasho waxa ka dhacaya barinka ay ku nooshahay. waxay aad u la yaabi jirtay dagaalada soo noqnoqda ee tuulada ka dhaca. Wali ma aysan helin sabab maangal ah oo keeni karta in tuulo sidan u yar lagu dagaalamo markasta. Waxay marwalba maqashaa in beel hebel, ay cadow soo jireen ah u yihiin beesha ay ka dhalatay. Marar badan ayay aabbaheed waydiisay in ay macquul tahay in beesha marwalba soo weerarta tuulada lala heshiin karo oo ay haddii ay rabaan ay tuulada dhinac ka dagi karaan si nabad loo helo. ” Maya aabbo, kuwaas waligeen heshiin mayno oo aakhiro ayaan ku kala baxaynaa “, ayay ahayd jawaabtii ay ka heli jirtay Aabbaheed.

Xafladdii caleema saarka ee ay maanta Suubban ka qayb gashay waxay u ahayd fursad qaali ah, waayo waxay soo aragtay badi ragga tuulada jooga. Intii ay joogtay xafladda ayay su’aal aan la filanayn waxay kaga yaabisay islaan da’ah oo meel cirif ah taagneyd.” Eeddo wali Suldaan ama Ugaas dumar ah beesha ma loo caleema saaray”, ayay islaantii waydiisay. Islaantii intay yaabtay ayay tiri, “maandhay ma maqal mana u malaynayo in ay dhici doonto”. Suubban inta ay qososhay ayay tiri, “Eeddo waan iska kaftamayaa ee raalli noqo”. “Maya waa su’aal fiican eeddo, aniguba marar badan ayaan is waydiiyay”, sidaa waxaa tiri islaantii oo la yaabban su’aasha Suubban.

Ma jecla Suubban ciyaaraha ay badi carruurta jecelyihiin, waana taas sababta aysan u dhax galin carruurta ay isku filka yihiin. Waxay leedahay hal saaxiib oo marka ay ka soo carraabaan foofinta ariga ay sheekaystaan. Inanta ay sheeka wadaagga yihiin Suubban waxaa la dhahaa Asli, waana daris oo badi waqtigooda hal meel ayay ku qaataan, balse maanta Asli kuma aysan arkin xafladdii caleema saarka, waxayna jeclaan lahayd in ay ku kulmaan xafladda. Sida caaddada u ah Suubban iyo Asliba waxay si qoto dheer uga faalloodaan dhacdooyinka tuulada ka dhaca. Arintii ugu danbeeysay ee ay ka wada sheekaysteen waxay ahayd, gabar yar oo ay isku fil yihiin oo lagu guday tuulada maamlo aan sidaa u sii fogayn. Taas oo xusuus xanuun badan ku beertay ka dib markii ay dib u gocdeen gudniinkoodii oo aan waqti sidaa u fogenyn laga joogo. Waxay isla qireen arxan darrada inta abaabusha gudniinka hablaha yaryar iyo maangaabnimada kuwii ka taliyay in hablaha la qasho barqo cad!

Maalintii xigtay ayay Asli u timid Suubban. ” Ala maxaa kugu dhacay saaxiib shalay oo dhan baan ku raadinayay miyaad xanuunsatay, sida waxaa ku qaylisay Suubban markii ay aragtay Asli. “ Alla kuuma aan sheegin ee shalay waxaan aaday eeddo oo xanuunsan”, ayay Asli ku jawaabtay. Intaa ka dib Suubban iyo Asli waxay u dhaqaaqeen halkii ay ariga u foofin jireen. Intii ay waddada sii hayeen ayay Suubban bilowday in ay ka sheekayso xafladdii ay u raacday hooyadeed shalay. Sawir dhammaystiran ayay ka siisay saaxiibteed waxii ay ku soo aragtay caleema saarkii Suldaan Guullane. Markii ay sheekada marinaysay dumarkii iyo carruurtii gaajeysnayd ee ay ku so aragtay xafladda ayay Asli sheekadii soo dhax gashay. ” U kaadi bal sow meesha xaflad ma aysan ahayn, maxaa keenay in dadkii ka soo qayb galay ay gaajoodaan, miyaanan meesha waxba laga cunin?”. Suubban intay qososhay ayay tiri, ” Malaha xafladdaha Salaadiinta lagu caleema saaro, waxaa dhaqan u ah in ay ka qayb galaan dad gaajaysan iyo Suldaan dharagsan” .

Kaftankaas dhax taalka ah ka dib, Suubban waxay sii wadday sheekadii ayadoo guda gashay in ay tilmaan ka bixiso muuqaalkii Suldaanka cusub iyo waxyaabihii ay ku soo aragtay xafladda. “Wuxuu ahaa nin buuran oo madow, wajigiisana waxaa ka muuqday xanaaq daran. Dhar qurxoon iyo bakoorad xardhan ayuu watay; kursi gaaban oo lug ka jaban ayuu ku fadhiyay; dhanka bidix waxaa ka xigay niman kutubo dhammaad ah watay oo ay diif ka muuqato; dumar iyo carruur mashxaradaysana hortiisa ayaa la soo taagay; aniga iyo hooyana waxaan ka mid ahayn dadkii hortiisa taagnaa”. Asli inta ay yaabtay ayay tiri: “xilligan abaarta ah maxaa loogu soo beegay caleema saarkiisa.” “Su’aashan iyo kuwo kaloo badan anigaa qabay, waana taas sababta aan shalay oo dhan kuu baadi goobayay”, sidaa waxaa tiri Suubban oo dhoola caddeynaysa.

“Qof kale ma waydiisay su’aashan”, ayay Asli tri. “Mar baan damcay in aan hooyo kala sheekaysto, haddana waxaan ka baqay in ay hooyo ila yaabto maadama ay aad ugu faraxsanayd caleema saarka Suldaanka cusub”, ayay ku jawaabtay Suubban.

“Arrin aan la yaabay ayaan ku soo arkay Asliyey madashii caleema saarka”, ayay haddana tiri .

“Waxaan la yaabay sida dadkii ka soo qaybgalay xafladdaas ay u faraxsanaayeen iyo sida Suldaan Guullane u xanaaqsanaa” “Muxuu la xanaaqsanaa waa yaabe”, ayay Asli tiri.

“Waji xun iyo indho xanaaqsan ayuu dadka ku soo eegayay. Marar badan ayuu aniga qudhayda indhaha igu gubay. Dadku way dhoola caddeynayeen oo mashxaradayeen, balse marwalba oo hablaha iyo wadaaddadu ay mashaxaradaan, Suldaanku wuxuu ka sii qaadayay xanaaq daran, waxaanba u meelayay in dabeecadaha Salaadiinta ay ka mid tahay xanaaqa iyo in hablaha yar yar oo la haruufo”, ayay Suuban tiri ayadoo dhoola caddenaysa.

W/Q: Abdullahi Mohamed Adan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>