Suuleey: Faylasuufkii la Toogtay!

Posted by on May 02, 2014 | Leave a Comment

Personal-PhilosophyWaqti ka mid ah yaraanteydii waxaan qaxooti ku aha magaalada Kismaayo oo ah magaalo barakeysan marna si u bahdilan.Waqtigaas magaalada- Kismaayo, waxaa ku soo qaxay dad badan oo laga soo barakiciyay caasimadii hore ee Soomaaliya- Muqdisho. Intii aan Kismaayo ku sugnaa ayaan  si kadis ah waxaan ula kulmay nin faylasuuf ahaa oo xog iyo xikmad  badan ka hayay arrimo badan oo xiiso lahaa markaas. Qoraalkan kooban, waxaan aqristaha kula wadaagi doonaa: qaabkii iyo goobtii aan ku bartay faylasuufkaas; casharadii falsafadaysnaa ee aan ka bawsday; iyo sida fikradihii iyo xikmadihii aan  ka barbartay iiga caawiyeen waxbarashayda sare.

Maalin anigoo maqaayad buush ah  shaah ka cabaya ayaa waxaa i maagay labo nin oo dhankeyga midig fadhiyay. Sababta ay igu maageen waxay ahayd, in aan ahay  wiil yar oo waqtigiisa luminaya oo intii uu dugsi ama iskool aadi lahaa odayaal ka waaweyn dhex fadhiya. Aad baan uga xumaadey sida ragaas ay balwadeyda u so faro gashadeen. Nasiib wanaag intii aysan hadalka dhameynin, waxaa u jawaabey, oday taagnaa oo kursi uu ku fadhiisto raadinayay.  Odaygaas wuxuu igu difaacay hadal sidan ahaa “ Muxuu wiilka  dugsi iyo  meel kaleba aadaa, sow tan raggiina meesha ku qayilaya aad wadankii oo idil  burburiseen oo dalkiiba laga qaxayo.. adeer shaahaada iska cab kuwan adiga ayaa dhaama oo ka mustaqbal fiican, waaba haddiiba aad noolaatid”Ragii intay aamuseen ayaa mid ka mid ah wuxuu yiri” Oo Suuleeyoow  wiilkan aan la kaftamayno ma adeer baad u tahay?”

Maalintaas ayay ahayd waqtigii aan la kulmay Suuleey oo ahaa  nin falsafadda iyo qayilaadda ku waalan. Faylasuuf Suuley wuxuu ahaa oday sanadda  lixdamaadka lugaha la sii galey. Muuqaal ahaan, wuxuu ahaa nin hilboon oo labo lafood ah oo badanaa bakoorad midabkeeda huruud yahay ku xarragooda. Marka laga soo  tago, sida uu iiga dhiciyay ragii i maagay, waxaan judhiiba garashadaydii caruurnimo ku  dareemay in uu ahaa nin  ka duwan odayaashii badnaa ee sheekadooda aan dhageysan jiray.

Dhowr iyo toban sanno ka dib, ayaan ku baraarugay in maalintaas  Suuley igu difaacay  waxa afka qalaad lagu dhaho “ Sociological imagination” oo ah qaacido saldhig u ah cilmiga-bulshada oo laga soo dheegtay caalimkii weyna mudane C.Right Mills. Ardayda barata cilmiga bulshada waxaa marka ugu horreysa lagu waaniyaa in ay yeeshaan mala-waal bulshadeed “ Sociological imagination” si ay maskaxdooda uga helaan sawirka guud ee bulshada ka hor inta aan la  darsin  muuqaal ka mid ah muuqaallada kala duwan ee nolosha bulshada ka muuqan kara.Tusaale ahaan, Suuleey wuxuu fahamsanaa ka hor inta aan la  canaanin caruurta sidaydoo kale odayaasha shaaha la caba, in la malawaalo sawirka  guud ee bulshada si loo helo qodobo bulshadaysan “ Sociological factors”   ee sababi kara  in wiil  yar uu balwad ka dhigto sheeko iyo shaah.

Waxaan goob joog u ahaa doodo kala duwan oo faylasuuf  Suuley  ka qayb qaatey. Inta badan doodahaas  waxay ku saabsanaayeen qabyaaladda, taaariikdha Soomaalida, diinta, xuquuqda dumarka iyo waliba  saadaalinta mustaqabalka Soomaaliya. Qodobada uu Suuleey u adeegsan jiray doodihiisa way ka duwanaayeen muranka macno darada ah ee Soomaalida ku caan baxeen. Suuleey wuxuu ahaa nin cod kar ah oo xubinta  hadalka heli og, qodob walbana raaciya caddeymo maan-gal ah oo garashada ku qanci karto.

Waxaa xiiso lahayd  sidii uu faylasuuf Suuleey uga qayb qaatey dood ku saabsanayd qabyaaladda Soomaalida ay caabudo. Nin ka mid ah raggii maqaayadii buushka ahayd fadhiyay ayaa wuxuu na soo dhex dhigay su’aal sidan ahayd” Ilma adeerayaaloow, horta Soomaalida qabiilkee ugu doqomo badan. Halmar baa inta la wada qoslay nin walba qabiilka  uu sida gaarka ah u necbaa ku tilmaamay in doqomadu ku badan yihiin ciddaas. Si aan la filanaynin ayuu Suuleey uga jawaabay su’aashii. Wuxuu sheegay in doqomadu ku badanyihiin qabiilkiisa oo ragii meesha fadhiyay ka soo jeedeen. Halmar baa raggii caroodeen ayagoo ku qayliyay waa waalidii suuley; mid baaba yiri: War heedhe, Suuleeyow maanta  ma bargo baad tahay!

Suuleey doodiisa wuxuu u cuskaday qodob   waa danbe aan  ogaadey in cilmiga casriga ah oo dhan ka farcamo. Asagoo qoslaya oo laan qaad ah fiiqanaya, ayuu wuxu yiri: war heedhahaya, ma waxaad rabtaan in aad ogaataan cidda doqomadu ku badan yihiin mise qoloda ay fiicnaan lahayd in ay doqomadu ku bataan?  Su’aashaas uu Suuleey  ilma adeeradiis dib ugu celiyay ayaa ah qaacidada falsafadeed ee lagu kala soofo  hadal dhamaantiis marka si falsafadaysn loo falanqeynayo doodaha la isku diidan yahay . Tusaale ahaan haddii ay su’aashu tahay:  qabiilkee doqomadu ku badanyihiin, waa weydiin laga doodi karo oo xaqiiqda cilmiga taariikhda la barbardhigi karo si looga jawaabo. Hadalka noocaas ah waxaa afka qalaad lagu dhahaa “Positive statement” waana su’aalaha uu cilmiga casiriga “ Science” looga jawaabi karo. Haddiise hadalku yahay qolodee fiicnaan lahayd ama ayba tahay in doqomadu ku bataan waa weydiin aan  guul  laga gaarayn oo qof walba jihada uu jecelyahay la beegsanayo. Hadalka noocaas ah waxaa afka qalaad lagu dhaa “ Normative statement.” Waana hadalka qaybtiisa la xariira qofku wuxuu aaminsanyahay ama jeclaan lahaa in nolosha sidaa ahaato. Waa nooca hadalka ee dagaallada, xanaaqa iyo waliba is maan dhaafka ka dhex abuura dadka.

Haddii su’aasha qaab cilmi ah  “ Positive statement” looga jawaabo, Suuley wuxuu sheegay ayadoo  la fiirinayo dhacdooyinkii siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo qaladaadkii taarikhiga ahaa ee dalka ka  dhacay, in doqomadu u badnaayeen qabiilka ay ka soo jeedaan ragii meesha ku qayilayay ee uu ka midka ahaa. Sidoo kale maalintaas wuxuu Suuleey sheegay hadal ragii meesha fadhiyay marqaan jabis ku noqday oo ahaa in  tolka u badan yihiin rag fulayo ah oo hadana  faan jecel!

Waxaan xasuustaa in maalin uu na harowsaday nin  wadamada carabaha maalmo ka soo xamaashey. Ninkaas wuxuu ku dheeraaday ka sheekaynta dhaqanka carabta, shaqadiisii iyo magaalooyinkii uu booqday intii uu carabaha ku noolaa. Sheekadiisa wuxuu ku muujiyay sida uu ilbax u yahay. Markii uu sheekadii dhameeyay, Suuley wuxuu weydiiyay ninkii su’aal uusan filanaynin oo ahayd: adeer imisa jir ayaad tahay? Ninkii ayaa asagoo yaaban yiri: kolley afartankii waxba ii dheer. Su’aal kale oo ku saabsanayd tirada sanadihii uu sacuudiga joogay ayuu Suuleey weydiiyay ninkii markale . “ Adeer toban sanno ayaan darawal ka ahaa sacuudiga” sidaa waxaa yiri ninkii oo koob shaah ah gacanta bidix ku haysta. Suuley intuu qosol la dhacay ayuu ninkii kaga naxsaday hadal sidan ahaa “ Adeer hadaba tobankii sano ee sacuudiga aad joogtay waad nooga sheekaysee,maxaad noola wadaagi weysay soddonkii sano ee aad geela ku raacaysay baadiyaha hawd ee Itoobiya?

Waqti dhow ayaan ogaadey in su’aalaha uu Suuleey maalintaas weydiiyay geeljirihii sacuudiga ku soo ilbaxay in ay ka mid tahay farsamooyinka la adeegsado marka la dhex dabaalanayo farac falsafadda ka mid ah oo afka qalaad lagu dhaho “ Dialectical.” Faylasuufkii weynaa ee reer Jarmal mudane Hegel ayaa soo  shaacbixiyay falsafadda qaybteeda “ Dialectical” si loo dhiraandhiriyo isku aadka iyo gunaanadka hadal walba oo mugdi ku jiro  si runta looga sal gaaro. Tusaale ahaan, geeljirihii na harowsanayay wuxuu sheekadiisii ku balballaariyay sanadihii koobnaa ee sacuudiga uu joogay  si uu muujiyo in uu  yahay nin dhul mareen ah oo ilbax ah.

Su’aalaahii la weydiiday waxay soo bandhigeen sannadihii soddomeeyada ka  badnaa  ee geeljirahu ku tabiyay baadiyaha dhulka hawd. Sidaa daraadeed, sheekadii uu nala wadaagay ma aysan ahayn mid aan kaga bogan karnay taariikhdiisa iyo qofnimadiisa  dhabta ah. Dad badan ayaa marka ay  dhageystaan sheeko xariir, wacdi diimeed ama qudbad siyaasadeed iska aamina wixii loo sheegay. Dadkaas aad baa loo wareeriyaa, loogana danaystaa. Sida kaliya ee  dadkaas  feejignaan ku muujin karaan  ayaa ah in ay Suuley ka bartaan qaabka su’aalo falsafadeysan loo weydiiyo qofka noo sheekaynaya, siyaasiga noo qudbeyna ama wadaadka na wacdinaya si aan sawirka dhabta ah ee mowduuca laga hadlayo  u helno.

Waxaa xiiso gaar ah leh aragtida uu Suuley ka qabey  guud ahaan ragga diinta ee  wadaaddada loo yaqaan. Waxaa dhacdey  in maalin maqaayaddii buushka ahayd  la keenay sheeko ku saabsanayd dagaal dhex marey suufiyada iyo wahaabiyadii waqtigaas Kismaayo ku sugnaa. Dagaalka wuxuu ku saabsanaa mowliidka oo markaas maalmo kooban naga xigeen. Raggii maqaayadda ku qayilayay aad bay ugu xiiqeen dooda mowliidka. Waxay isku jireen rag wahaabiyada taageersan iyo koox la safan suufiyada. Sida caadada ah, Suuley aragti u gooni ah  ayuu wadaadadii is hayay ka qabey.Wuxuu sheegay in wadaadada murmaya ay agtiisa kala mid yihiin caruur dagaalantay oo kale marka la eego dhanka garashada ay adeegsanayaan. Sida uu Suuley caddeeyay, caruurta badanaa waxay ku murmaan wax aan muhiimad nolosha u lahayn. Tusaale ahaan, wuxuu xusay Suuley in ragga ku murmaya mowdliid xilli ciidan col ah magaalada Kismaayo dul fadhiyo in ay caruurta meelaha ku ciyaaraysa aysan waxba garasha ku dhaamin!

Nin ka mid ah raggii meesha ku qayilayay oo ka yara xun caruurnimada lagu tilmaamay wadaadada ayaa Suuleey weydiiyay: “ Adeer haddii ay raggu caruur yihiin  maxaad salaadaha masaajidka Suufiyada ugu tukataa ?” Intuu qosol la dhacey, si uu xanaaqa ninka ka muuqda u dajiyo ayuu yiri” Adeer suufiyada waa caruur xoogaa edboon oo salaadaha jamaacada ah iyo midda jimcaha  lagu xiran karo!” Wuxuu intaa raaciyay in uu waligiis uusan tagi doonin masaajidyada wahaabiyada sababtoo ah sida uu sheegay wahaabiyadu waa caruur basar xun oo aan nasiib u helin waalid edbiya. Maalin dhoweyd ayaa anigoo dhageysanaya dood diimeed dhex martay wahaabiyada iyo suufiyada oo ku saabsanayd “ Injirta” ayaan soo xasuustay caruurnimadii uu Suuley tilmaamay. In kulan diimeem loo abaabulo dood ku saabsan “Injir” waqtigan aynu ognahay  daruufaha adag ee  Soomaalidu ku jiraan, ayaa caddeyn u ah  caruurnimadii uu dhowr iyo toban sanno ka hor Suuley ku sifeeyay wadaadadeena meelaha ka qayl qayliya ama isku qarxiya.

Saddexdii sanno ee aan Suuley aqaaney waxan ka faa’idey hadiyada ugu qaalisan ee wiil ama gabar yar ay nolosha ku hesho. Waa haddiyada afka qalaad lagu dhaho “ critical thinking” oo ah in qofku garashada u kaalmeysto fahmida iyo dhiraadhirinta wax walba oo nolosha ku saabsan.Aqoon walba, waayo aragnimo kasta  iyo waliba guul walb oo aan loo cuskan “ Critical thinking” waxaa laga dhexlaa liidnimo iyo gunnimo lagu waaro. Muddo sanad ku beegan markii aan Kismaayo ka soo maqnaa dib, ayaa Suuleey la toogtey.Sida la ii sheegay, nin uusan ka filanayin oo qori watay aya xabado ku furay Suuleey ka dib markii uu la kaftamay. Maalintii aan maqley geerida Suuleey aad baan u argagaxay. Naxdintii geerida faylasuuf Suuleey waxan kaga nafisay   xasuusta  dood dhimashada ku saabsan oo Suuleey si falsafadeysan uga qayb qaatey.

Waxaan rajeynayaa in Suuleey jannada kula sheekaysanayo faylasuufkii weynaa  Cali Dhuux iyo faylasuufkii kale ee dhawaantan alleystay Mudane Dhoodaan. Labadaas gabyaa waxay ahaayen rag uu aad  u qadariyo marka ay timaado dhanka garasho dheerida oo ah xirfad Soomaalida laga habaarey. Way yareyd dood uu ka qayb qaatey Suuleey oo uusan ku so darin gabayada ragaas. Sidoo kale Suuleey wuxuu jeclaa fanka iyo heesaha. Mararka qaar asagoo marqaasan ayuu wuxuu cod dheer kula qaadi jiray heesahii  laga sii dayn jiray barnaamijka salaamaha ee BBCda. Si gaar ah wuxuu u jeclaa codka halaalisga ah ee  fanaankii dhawaan xijaabtey mudane Tubeec.

Guusha waxbarashada sare “ Hiher education” waxaa saldhig u ah “ Critical Thinking.” Arday kasta oo  ku hubaysan haddiyadii aan suuley ka dhexlay wuxuu ku ka miro dhaliyaa  waxbarashada sare. Dad badan oo waxbarasho sare soo qaatey ayaan nasiib u helin in ay helaan haddiyada qaaliga ah ee “ Critical Thinking.” Suuley qudhiisa waxbarasho sare iyo mid hooseba midna ma uusan nasiibsan. Wuxuu ahaan jiray sida uu ii sheegay qaadwale ka hor  inta uusan musallifin. Mar walba oo aan Suuley la sheekaysto, waxaan xasuusan jiray aayadda  qiimaha badan ee quraanka ku jirta ee ah“ waman yu til xikmata faqad uutiyah kheryan kathiiran” oo micnaheedu noqonayo: Qofkii la siiyay xikmad waxaa la siiyay qeyrbadan. Runtii waa ayaad ay niyadda ku dhisan karaan  dadka sida Suuley oo kale fakera oo garashada u cuskada fahmidda sheekooyinka waalan ee nolosha bar bar socda.

W/Q: Cabdullahi M. Cawsey

Email: sthinktank@gmail.com

 

 

 

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here