Subscribe by Email

TIJAABO!!

Hormarka ummadaha waxaa sal iyo faracba u ah tijaabo ku dhisan aragti cilmi ah oo muddo dheer laga soo shaqeenayay. Waxyaabaha ay bulshooyinka tijaabiyaan waxaa ka mid ah, aragtiyo ka farcama falsafadda nolosha, sida Siyaasadda, Fanka, iyo Sayniska, kuwaas oo  si yaab leh wax uga baddala muuqaalka nolosha.

Qaddiyad kasta inta aan la tijaabin ka hor, waxay leedahay dareen guud oo badi dadka aad u soo jiita.Wax kasta oo aragti ahaan lagu soo bandhigo, ayaa yeesha dhadhan u macaan sida malabka oo dad badan ay ku qancaan, balse markii la guda galo in la tijaabiyo, waxa soo baxa natiijo aan inta badan dadka aysan ku wada farxin.

Tijaabada ka dib, in dadku intooda badan ay si axmaqnimo ah uga daba yuusaan qaddiyadii ay shalay caashaqsanayeen, ayaa ah mid ka marag furaysa maangabnimada Aadanaha. Dhankale hadii laga eego, waxaan dhihi karnaa in dadku badi ay iskaga yaacan waxkasta oo loo soo bandhigo ayagoon si digtoon aan u eegin. Inta badan qadiyad kasta waxaa hab soo jiidasho leh u soo bandhiga, dad gaar ah, oo aaminsan in qaddiyadaas lagu khayri doono.

Waxaan ku dhaqsanaynaa tusaale noo fududayn kara isla fahamka doodda uu Maqaalkan soo bandhigi doono. Qarnigii dhamaaday bartamihiisa, waxaa Afrika ka bilowday darreen ay dadka ku dhibsanayeen nimankii caddaa ee qaarada Yurub ka soo naq raacay. Billowgii dareenkaas  inta badan qaarada Afrika waxaa ka curtay dhaqdhaqaaqyo ku hiranayay, in bulsho kasta ay hesho madax bannaani ay aayaheeda uga tashato. Qarannimo aan la fahamsaneen qiimaheeda ayay bulsho kastaa iskeed ugu guuxday,  waxaana qaarada ka holcay dagaallo lagu beegsanayay nimankii umadda madow madaxa kaga taagna, “ninki dool ku yimid bay geeridu dhibaysa “ ayay talo iskugu biyo shubatay, oo waxaa qaarada ka cararay dhamaan gumaystayaashii .

Cararkii nimanki cadaa ka dib, qaarada waxa iskugu soo haray afrikaankii oo aan waxba ka fahamsaneen dawladnimadii ay baadi goobayeen. Waxa magaalooyinka ku soo yaacay Afrikaan badan oo ku hungoobay tijaabadii Qarannimada. Intaas ka dib waxaa afrikaankii ku adkaaday in ay noloshii magaaloyinka ku wada noolaadaan , waana taas sababta keentay in nimankii caddaa oo shalay la eryay hadana dib ugu soo laabtaan qaarada si afrikaanka wax loo baro, loona fahamsiiyo nuxurka ay leedahay dawladnnimada.

Qawmiyado badan oo qarinnimo loo yagleelay baa ku khayray soo laabashadii nimankii caddaa ka dib, waxayna xoogga saareen sidi ay wax u baran lahaayeen. Waxay inbadan oo ka mid ah qawmiyadaha afrikaanka ah ku xasileen tijaabo si cilmiyaysan ay ugu mareen hannaankii dawladnnimada , halka ay qawmiyado kale iska sii wateen fawdadii oo ayba u qaateen in dawladnnimadu ay tahay wax la isku laayo oo qolo qolo la iskugu warjeefo.

Tusaalahaas haddii aan ka soo yara daadaggno , oo aan toobiyaha saarno dhabaha uu maqaalkan ku aroori doono , ayaan waxan ku dhaqsanaynaa in aan is waydiino su’aalahan “ Qarannimadii ka dib, Soomaalidu maxay tijaabiyeen ?.. Qaddiyad qawmiyadeed oo si dhab ah danteeda ugu jaango’an marna Soomaaliya ma ka hanaqaaday ?, Maamulladii  dalka soo maray midkee baa Soomalida raad ku reebay oo barbaariyay?. Su’aalahan iyo kuwo lamid ah ayaa ah sababta uu maqaalkan u curtay.

Haddii aan si cilmiyaysan oo kooban uga jawaabno su’aalaha uu maqaalkan ku dulwareegaysan doono, waxaan si guud u dhihi karnaa, Soomalida waxay tijaabiyeen mabaaddii  iskugu jirra qaar niddaam ama maamul  ahaan loo dhaqan galiyay iyo kuwo  aragti ahaan loo soo bandhigay. Dhamaantoodna maysan ahayn wax ka soo go’ay maskax soomaliyeed ee banaanka ayaa laga soo waarriday. Waxaana ka mid ah nidaamyadaas , nidaamka Dimoqoraadiga , Hanti wadaagii , iyo  Islaamka siyaasadaysan.

Qawmiyadda Soomalida qaranimadii ka dib, maysan helin umana suurta galin in ay isla fahmaan nidaam ama hannaan ka shaqayn kara hormarkooda iyo aayahooda mustaqbal. Sidoo kale maysan dhicin maskax Soomaali ah oo ka fakarta aragti ay si guud ugu soo hirtaan qawmiyadda ku silicsan geeska Afrika.

Bulshada Soomaaliyeed nidaamka kaliya ee ay si dhab ugu dhax barbaareen waa xukun qabyaalad cuskan. Nidaamkan oo dalka aad ugu raftay Qarannimadii ka dib ayaa ah sawirka uu qofka Soomaliga ah ka haysto dawladnnimada. Aad bayna u adagtahay in qofka soomaaliga ah, maskaxdiisa la galiyo hummaag ama sawir si dhab ah uga tarjumi kara dawladnnimada marka la eego sida qaabka daran ee uu qofka Soomaliga ah u aaminsanyahay xukunka qaabyaladda cuskan..

Haddii maskax qaangaar ah loogu kuur galo Sooyaalka Soomaalida, waxaa la isla qiri karaa in aysan hab nololeedka Soomaalida aysan marna ka lug bixin Qabyaalad cuskan caaqnimo. Mabdda walba oo Soomaliya u soo dhuunta,  waxaa guri iyo hoy u ahaa qabyaalad ay aaminsanaayeen intii mabdda’aas xanbaarsaneed. Somaaliya waxaa loogu yeeri karaa waddan aad loogu fara xumeeyay aragtiyo dunida  taarikhdeeda raadad waaweyn ku reebay.

Waxaan soo sheegnay in dhamaan maabaaddidii dalka la keenay qarannimadii ka dib laga soo waariday dalka dibadiisa. Waxaan sidoo kale sheegnay in qaar ka mid ah si macmal ah loo tijaabiyay,  waxana ka mid ah  nimdaamka  Dimoqoraadiyadda oo dalka ka hanaqaaday bilowgii madax bannaanida ka dib. Wuxuu ahaa nidaam aan si dhab ah Soomalida loogu soo bandhigin , waxaana la huwiyay qabyaalad iyo musuqmaasuq baahay. Sidoo kale nidaamkii hanti wadaaga waxaa garwadeen ka noqday maskax Qabyaalad riman. Marna Soomaliya kama dhaqan galin nidaamka Shuuciga oo dhamaystiran, wixii Soomalida loogu sheegay hanti wadaag ayaa ahaa nidaam dadkii soomaaliyeed aad u silciyay oo noloshoodii quus ka dhigay. Wuxu ahaa nidaam aad uga fog qaabkii ay Soomalidu u soo noolaan jireen.

Nidaamka kaliya ee sida aragtida ah loogu soo bandhigay dadka soomalida ah ee aan si dhab ah dalka uga guud ahaan uga dhaqan galin, wuxu ahaa nidaam ku baaqaya in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka. Curashadii kacaankii ee uu jaalle Maxamed Siiyaad Barre dalka ku afganbiyay ka dib , ayuu nidaamkan aragti ahaan wuxuu inagaga soo dhuuntyay dalalka carabta. Soomaalida intii aan carabta shidaalka laga helin ka hor, waxay diinta islaamka uga iman jirtay dhanka Itoobiya, balse markii carabaha laga helay ceelal  shidaal, baa waxa la arkay niman carabta ay soo dirsadeen oo dalka gaaf wareegaya!

Bilowgii kacaankii Melitarigu dalka ku afganbiyay ka dib,  waxaa dalka iska abaabulay kooxo dhalinyaro u badan oo aan waayo aragnnimo sii ridan aan lahayn oo aaminsanaa in diinta Islaamku ay tahay nidaamka  kaliya ee la isku xukumi karo inta noloshan dunida la joogo. si guud mabdda’aas waxaa ku qancay dhamaan dhalinyaradii ardayda u badneed oo si kal iyo laab ah u taageeray .

In sidan diinta Islaamka loo fahmo maysan ahayn mid ka soo go’day maskax soomaliyeed , ee waxaa aragtidan keenay dhalinyaro wax ka soo bawsaday dhulalka carabta. Kacaankii iyo dhalintan waxaa dhax maray dagaal qaraar oo aakhirkii silac iyo rafaad baday dhalintii wadaaddada ahayd. Waxay iska rafaadaanba, waxay wadaaddadu fursad qaali ah oo ay waligood ku riyoon jireen heleen burburkii ka dib.

Burburkii Soomaliya ka dhacay waxay ku fasireen carradii Rabbi oo Soomalida ku dhacday. Waxayna in badan bulshada ku wacdiyeen in nidaamka xaqa ah ee soomaalida badbaadin kara uu yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Burburkii ka bacdi Soomaalidu niyad uma aysan hayn qadiyad aan Qabyaalad ahayn, waana taas sababta keenytay in qabiilooyinkii Soomalida sii tijaabiyaan waayo aragnimada Qabyaaladda ayagoo si arxan darro ah isku xasuuqay !

Inta aan sii guda galin faallada fikradihii iyo qaddiyadihii Soomaliya laga tijaabiyay ayaan waxaan ku nasnaynaa jawaabta su’aashan “Qofka soomaliga ah qadiyaddee buu fahmikara ama uu aammini karaa ? Inta aynaan guda galin qaddiyada uu qofka Soomaaliga ah fahmi karo ayaan waxaan dulmaraynaa si guud dabeecaddaha uu qofka Soomaliga ah u abuuranyahay ama u sameensanyahay. Marka aan arrintan si guud iskula ogaanno ayaan go’aan ka gaari karnaa  qaddiyada uu qofka Soomaliga ah fahmi karo dabadeedna uu ku hawlgali karo .

Hadii si qoto dheer loogu kuur galo dabeecaddaha guud ee aan ka simannahay dhamanteen, meelkasta oo aan dunida ka joogno,qaab walba oo aynu u noolnnahay, iyo si kasta oo aan ugu kala duwanahay aqoonta iyo waayo’arragnimada waxaa inoo soo baxaya sawir aan naga farxin doonin balse aynu ku  qasbannahay in aan qaadano .

Qofka Soomaliga ah waa qof firfircoon oo dhaqsa u fahmi kara waxa hareerihiisa ka dhacaya.  Waa qof ku mashquulsan qof kale oo marna aan dantiisa ka fakarin. Waa qof nacaybka iyo jaceelka uu u fududyahay  nacaybka.  Waa qof dhanka xumaanta markasta wax ka eega. Waa qof jecel in uu habaartamo,caytamo , ama wax xanto . Malahan saaxiibtinimo joogto ah iyo colaad rasmi ah ee sida harka ayuu dhanba mar u guuraa. Go’aan adag oo uu aad uga fakaray ma lahan oo sidii jirjirroolihii ayuu isku badalaa. Ma lahan yool fog iyo bartilmaameed gaar ah ,ee  hadba meeshii lagu yaaco ayuu u hanqal taaga.  Inta badan wuxu jecelyahay in aragti loo dhiibtay uu dadka kula dhax wareego, ma na lahan karti uu maskaxdiisa kaga helo aragti dantiisa xanbaarsan!

Runtii waa qalad afllagaado xanbaarsan  haddii aan isla soo mutaxno dhamaan dabeecadahaas oo dhan qofwalba oo Soomaliya waa uu leeyahay. Sidoo kale waa dhab aan la iska indho tiri Karin  in qaybo ka mid ah dabeecaddahaas aan soo sheegnay in  laga heli karo qofkasta oo Soomaliya marka lagu daro xataa anniga iyo adiga akhristaha ah !

Hadda waxaa la jooga waqtigii aan ka jawaabi lahayn  su’ashii ahayd qofka Soomaaliga ah qaddiyad noocee ah buu xanbaari karaa?..In qaddiyad guud oo xanbaarsan dan guud uu qofka bani aadamka ah u hawl galo waxay ku xirantahay hadba sidii loo soo barbaariyay.“Sidee na loo  soo barbaariyay ?.. waa su’aal kale oo dhabaha u xaaraysa jawaabta aynu baadi goobayno, nooma fududa in aan soo haabano jawaab aan ka ahayn in dabeecaddihii aan kor ku soo xusnay ay yihiin  habka kaliya ee aan u soo barbaarnnay , walina aan u barbaarinayno ubadkeena .

Qofnna ma awoodi karo in uu qabto shaqo uusan kartidiisa lahayn, ama aan loo soo tabobbarin. Sida aynu u badanahay waxaa aad noogu adag in aan fahamno ujeeddo ka baxsan  nolosheenna caadifadda ku dhisan oo aan markaas ku mashquulsanahay. Taariikhda Soomalida laguma hayo hoggaamiye ama koox inta ay sheegteen qaddiyad guud hadana si hufan ugu hawlgalay. Markasta oo ay damcaan in ay tallaabo qaadaan waxaa lagu baraarrugayay dhaqankooda caadifadda ku salaysan. Dhaqankeena soo jireenka ah ayaa wuxuu noo soo tababbaray in aan hal qaddiyad nolosha ka aamino taaso ah qabyaalad , maskaxdeena ma curin karto qaddiyad ka madax bannaan qabyaaladdii nagula soo barbaariyay .

Burburkii ka dib , waxaa hal mar dalka ka wada hirgalay ururro boqollaal ah  oo ujeedooyin kala duwan leh. Waxaan xasuusannaa in juffo kasta ay la baxday urur loogu wanqalay magaca guud ee Soomalida iyo dimoqoraadiyada. Waxaana dalka ka sii socday dagaallo si xun la iskugu xasuuqay.  Qofka dhaqanka Soomalida si fiican u yaqaana wuxuu iska fahmi karay ururrada dagaalamaya in aysan ahayn ururro siyaasadeed balse ay yihiin jufooyin isku xanaaqay oo aan marna fahmi karin qiimaha Soomaalinnimada iyo waxa loola jeedo Dimoqoraadiyad.

Ururradii ay jufooyinka dhisteen  waxaa barbar socday ururro kale oo ayaguna la baxay magacyo carabi ah,sheegayna in ay ujeedadoodu tahay in Islaamka la isku xukumo,si dawlad Islaam ah looga hirgaliyo geeska Afrika .Waxayna qayb ka noqdeen dagaalladii dalka ka socday ayagoo abaabulay dagaalo aan u jeedo cad lahayn balse ay ugu magac dareen jihaad islaami ah. Sida taariikhda Soomaalida ku cad ururadii la baxay magacyada diimeed waxay qabteen hal shaqo taaso ah in soomalidii ay kala qayb qaateen tijaabintii qabyaaladda. Wax cusub kuma aysan soo kordhin  Soomaliya balase dhan kale oo xiiso badan ayay ka tuseen Soomalidii qabyaaladda, taaso ah in la is waafajiyo diinta islaamka iyo dagaalladii jufooyinka , waana taas sababta maanta ay juffo kasta u aaminsantahay in ay jihaad xaq ah ku jirto!

Natiijaddii laga dhaxlay urruradii Islaamka siyaasadaysan cidna maanta loogama sheekeynayo, waayo waxaa laga dhaxlay  natiijo argagax iyo cabsi dhaxalsiisay qofwalba oo Soomaali ah. Islaamka siyaasadaysan iyo Shareecada Islaamka marka loo soo bandhigo qaab aragti ah wax ka macaan kana qurux badan ma jiraan. Markii la dhaqan galiyay oo tijaabaddii loo gudbay , wuxuu xaalku isku badalay halhayskii ahaa “ la mood noqonse waydey!”..

Marka la tix raaco taariikhda Soomalida iyo sidii ay u soo noolaaayeen , waxaa iska caddaanaysa in ay aad noogu adag tahay in aan fahamno ama aan tijaabino qadiyad ka baxsan qabyaaladda. Wax kasta oo la soo dhoob dhoobo sida dawlad , urur Siyaasadeed, urur Diimeed , urur Xirfadeed iyo wixii la mid ah marna soomaliya kama hirgali doonaan . Waxa kaliya ee aan naqaan ee aan tijaabinay ayaa ah qabyaalad. Waxaana naga go’an in aan ka hortagno dadaal kasta oo lagu doonayo in qabyaaladda lagula dagaalamo sida Qarannimo ama Dawladnnimo!

Waxaa is waydiin leh qabyaalada aan ku dhagan nahay si kale oo hormar leh ma u isticmaali karnaa. Runtii dad badan ayaa aaminsan in qabyaaladda aysan faa’iido lahayn oo burbur kaliya keeni karto. Laakin dadka sidaas aaminsan Soomaliya xal uma hayaan aan ka ahayn in wax aan soconayn ay mar walba u soo dhoodhooban. Haddii la fakarayo waa in xal la raadiyaa kaaso ah mid qabyaaladda gudaheeda laga raadinayo, maadama aysan marna macquul ahayn in Soomaalida laga wacdiyo qabyaaladda !

Maxaa dhibaato ah oo ku jirta in juffo kasta loo sameeyo maamul ay  ayaga gaar u leeyihiin,kaas oo ayaga si gaar ah uga farxiya?.. Dad aan rabin in ay wada noolaadan maxaa dawlad loogu dhisayaa?…. Maxaa faa’iiddo ah oo ku jirta in baalramaan loo dhiso dad aan marna is ixtiraamayn ?… Maxaa loo dhisayaa hay’addo amnni sida Boolis marba hadfii juffo kasta aysan ku kalsoonayn cid aan ayaga ahayn?… Nidaamka Soomaliya bad baadin kara, ma ahan Dowlad dhexe, Mid fedderal, Hannaanka Dimoqraadiyadda  midka  Hanti Wadaaga iyo waliba Islaamka Siyaasadaysan. Aragtida Soomaliya lagu bad baadin karo ma ahan mid wali la curiyay ama la hindisayba. Waa aragti wali maqan, qof walba oo fakaraya ayaana looga baahan yahay in uu curriyo aragtidaas. Waxana laga yaaba in adiga akhristaha ah aad haysid fikraddii Soomaliya lagu bad baadin lahaa  si aan u tijaabino wax cusub!

W/Q: Abdullahi Mohamed Adam
Contributing Editor
Somali Think Tank
Email: info@somalithinktank.org
www.somalithinktank.org

One Response to TIJAABO!!

  1. abdullahi Mohamed Adam Reply

    May 6, 2012 at 8:18 am

    Waxaad Soomaalida ku sifeeysey dhamaan waa sax, laakiin sidee looga gudbi karaa marxalada taagan ayaa haboon inaad raacisid maadaama dadka dhulka wada leh ay leeyihiin intaasoo xumaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>