Xalka Falsafadaysan ee Xanaaqa!

Posted by on Aug 15, 2015 | Leave a Comment

images-5Xanaaqa oo ah dareen ku abuuran noole badan ayaa mararka qaar horseeda dhibaatooyin dhaxal xumo reeba. Dadka  uu xanaaqa dhaxalsiiyay dhibaatooyinka  aan dhamaadka  lahayd waxaa ka mid ah Soomaalida oo si dirqi ah ugu nool dacalada aduunka. Dood badan kama taagna in qofka Soomaaliga ah marka lagu daro adiga aqristaha ah iyo anigaba in xanaaqa noo yahay dareen dabiici ah oo  nolosha aan ku maareyno.

Maalintii aan garaadsaday ilaa waqtigan la joogo waxaa xasuustayda ku kaydsamay dad tiro badan oo siyaabo kala duwan aan iskugu xanaaqnay. Dadkaas  aan is xumaansanay waxaan ula muuqday wax-magarad fuley ah oo shaqo ka dhigtay in hadba  uu muran macno darro ah dadka la soo doonto. Dhanka kale, qof  walba ama qolo kasta aan isku qaro baxno waxay iigu muuqdeen doqomo aan dan iyo muraad midna ka lahayn guulaha laga gaari karo doodaha maangalka ah ( logic).

Sidaas si la mid  ah, dadka Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan iskugu caraysan waxay ku doodaan in qof walba, qofka kale uu daandaansi iyo doqoniimo ula yimid. Haddaba arintan  waxaa laga dhaxlay in qalbiga la iska naco ka dibna af iyo adin la iskula tago. Waa taariikh dheer oo looga bogan karo oo kaliya qoraalo cilmi ah oo wax ka qora qaababka kala duwan ee dadka Soomaaliyeed iskugu xanaaqeen. Ilaa hadda xal dhab  looma hayo xanaaqa dadka Soomaaliyeed u diiday in ay dareemaan  farxada iyo quruxda  ku lamaansan nolosha.

Culimada nafsiga ayaa isku dayay in  xanaaqa xal u raadiyaan ayagoo uruuriyay cilmi dhan oo gacan ka gaysan kara daweynta  carada iyo ciilka.  Cilmigaas ay uruuriyeen  wuxuu ka koobanyahay talooyin “ counseling’ iyo waliba dhiraadhirin dhimireed “ Psychoanalsis”  si qofka caraysan loo  dajiyo ayadoo la adeegsanayo farsamada dhayida-dhimirka “ Psychotherapy” . Inkastoo  Culimada nafsigu dadaaleen, haddana kuma aysan guulaysan in dawo dhamasytiran u horseedaan bukaannada la ildaran  xannuunada maskaxa ee laga dhaxlay  dareenka xanaaqa waayo waxaan argagnaa  dad  culimada nafsigu maalmo ay la taliyeen ama daaweeyeen  oo muddo ka dib caradii iyo ciilkii qaab sidii hore ka xoogan u dareema.

Sidoo kale, mararka qaar wadaadada ayaa jeediya wacdi diimaysan oo ku aadan xalka  iyo qaababka looga bogsan karo carada iyo ciilka. Sida caanka ah, wadaadadu waxay dadka kula taliyaan in la-acuudu billeysto si  sheydaanka dadka isku diray  loo  naaro, mararka qaarna waxay intaas ku daraan in weyso iyo wardi lagula dagaalamo carada dhex  ceegaagta qalbiyadeena. Inkastoo wadaadadu dadaaleen, haddana kuma aysan guuleysan in  xal kama danbeys ah u keenaan xanaaqa waayo sida aan ognahay dadka Soomaaliyeed ee   dareenka  xanaaqa calanka u sida waxaa hormuud u ah wadaadada qudhooda . Halkan ka aqri qoraalka oo dhan

Leave a comment

Advertisement

Subscription

You can subscribe by e-mail to receive news updates and breaking stories.

Tag Cloud

Enter Analytics/Stat Tracking Code Here